Waxaa maanta lagu aasay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose Alle ha u naxariistee Suldaan Cabdi Suldaan Cali Sonkor, oo ka mid ahaa ragga ugu caansan oday dhaqameedyada Soomaaliyeed ee gobollada Jubbaland, Suldaanka ayaa ku geeriyooday magaalada Nairobi bishii aan soo dhaafnay 31dii.
Suldaan Cabdi Suldaan Cali, oo maanta aas heer qaran ah loogu sameeyay magaalada Kismaayo ayaa waxaa aaskiisa ka soo qayb galay xubno ka socday golayaasha dowladda federal-ka Soomaaliyeed oo ay ka mid ahaayeen waziirka wazaaradda maaliyadda iyo qorshaynta MudaneMaxamuud Xasan Suleymaan, waziirka wazaaradda war-faafinta, is-gaarsiinta, boostada, iyo gaadiidka,Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi, xildhibaano ka tirsan balamanka, Mas'uuliyiin ka socda maamulka gobolkaas, Culumaa'u diin, iyo odayaasha dhaqanka, iyo dad-weyne faro badan oo ka mid ah dadka deegaannada Jubbooyinka.
Suldaan Cabdi Suldaan Cali Sonkor Alle ha u naxariistee waxaa lagu xasuusan doonaa dadaalkii uu u galay nabaadinta dadka deegaanada Jubbaland ku dhaqan ilaa iyo intii ay dhacday dowladdii hore 1991kii, xilligaasoo ahaa markii lagu caano shubay.
Wuxuu door fiican ka soo qaatay shirarkii dib u heshiisiinta ee ka dhacay dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba, wuxuuna markii u horeysay ka qayb galay shirkii ay UNISOM ku qabatay gigada diyaaradaha ee magaalada KIsmaayo 1993kii kaasoo ay soo qabanqaabiyeen Gen. Max’ed Abshir Muuse iyo Amb. Cumar Macallin, wuxuuna ahaa shirkii ugu weynaa ee nabadeed ee gobolladaas kadhacy tan iyo intii ay dalka dagaalada ka dhaceen.
Alle ha u naxariistee Suldaanka wixii markaas ka dambeeyay wuxuu ahaa dhambaal side u ololeyniya sidii bulshada Soomaaliyeed nabad gelyo loo dhex dhigi lahaa wuxuu ka qaayb galay shirar dhowr ahaa oo ka dhacay dalka dibaddiis, sida shirkii ka dhacay Carte, dalka Djibouti ee lagu soo dortay madax-weynihii hore Cabdi-qaasim Salaad Xasn, sanadkii 2000, wuxuu kaloo ka qayb galay shirkii ka dhacay Mbagathi , dalka Kenya ee lagu soo doortay madax-weynihii hore Cabdullaahi Yuusuf Axmed, sanadkii 2004tii. Hadda intii uusan xanuusan wuxuu ka mid ahaa oday dhaqameedyadii wax ka waday maamul u samaynta Jubba land.