Qore: Cabdullaahi Janno
Beri ayaa waxaa isku carooday farihii gacanta ku wada yaallay. Oo is colaadiyay. Is xasday. Waxna isku quuri waayay. Mid walbana dulan iyo duris ayuu dood ka dhigtay.
Suulka: “Aniga ayaa ah meesha ay xisaabta iyo wardigu ka kacaan—oo waa aniga hoggaanka faraha. Bal maxaad idinku tihiin masaakiin yahay raaciyadda ah?”
Murugsato: “Suulyahow madaxa buuran goormaad hoggaamiye noqotay? War ma aniga cid i gaadhaa jirto? Ataxiyaadka iyo tilmaantaba aniga ayaa idiin qaabilsan oo idin hagee meel fadhiista. Ma cid baa igu darajo ah?”
Far-dhexo: “Baqbaq iyo faataadhug! Anigaa udub-dhexaad idiin ah, oo awooddiina isku dheelli-taro. Oo isku kiin hayo. La’aanteey ma isku imaan kari laheydeen?”
Faadumo: “I maqla, yaa buuxin karo kaalinteyda? Ma far-yaraa la arki lahaa haddii aysan aniga igu tiirsaneyn? Mise hawsha aan qabto ayaad quursaneysaan?”
Far-yaro: “War aamusa! Dhammaantiinba waxaad meesha ku heysaan faan iyo huuhaa. Ii sheega ciddee si sahlan u sujuudi laheyd haddaanan anigu xigi laheyn calaacasha geeskeeda? Yaa xoqi karo gudaha dhegta oo sideydoo kale u dhuudhuuban? Ma suulka madaxa ballaaran? Mise far-dhexada dhererka badan? Mise faadumo faan-badan?”
Hal mar ayay farihii wada aamuseen. Oo midba midka kale cadowtinimo uurka ugu hayay.
Far-yaro: “Xaqiiqdu waxay tahay, dhammaanteenba kaalin muhiim ah ayaynu ku wada jirnaa—oo midkeenba midka kale ku tiirsan yahay. Ee ma is xushmeynnaa? Oo ma is aqoonsannaa? Sidii walaalihiina ma is weheshannaa? Wallee is xasad iyo wax isku quuri-waa cidina wax kama dheefto, colna kaama dhiciyaan.”
Waxay farihii durbaba billaabeen inay midiba midda kale eedeyso, cilladeyso, bah-disho, nacladdo, habaarto, fogeyso, jaajuusto, jabkeedana maleegto. Saa maalin ayay waxay farihii ku heshiiyeen inay garta u dhiibtaan dawaco.
Markay Dawacadu dhageysatay dooddii sokeeyihii isdiiddanaa ayay ku qancisay in la kala hoydo, gartana laysugu soo noqdo maalinka xiga. Saa farihii intay aamineen hadalkii Dawacada ayay farxad ku hoydeen. Hayeeshee Dawacadii ayaa mid mid ugu soo guureysay habeennimadii—oo sidii inay la showreyso inta iska dhigtay bay hadba mid gawska ku hubsutay.
Markay dhereg-dhacsatay ayay Dawacadii dhinac dhinac isku tuurtay, tirina: “Doqomihii heshiin waaya, gaws dawacaa u danbeeya.”
~Dhammaad~
Wixii talo iyo tusaale ah fadlan qoraaga kala xiriir cinwaannadan hoose:
claahijanno@gmail.com
Facebook.com/Qalinmaal