Wafdigii culumada ahaa ee uu hoggaaminayey Sh. Axmed C/samad oo uu weheliyo Sh. C/qaadir Cumar Aw dheere ayaa 24/01/13 soo gaaray magaalada Bacaadweyn, waxayna ka jeediyeen masaajida magaalada Kalimado ka hadlaya cabsida Ilaahay, masuuliyada dacwada, islaaxinta bulshada iyo faafinta cilmiga. Ka dib waxay shir la qaateen culumada, macalimiinta iyo qaar ka mida odayaasha dacwada, waxayna ka wada hadleen sidii loo dardargalin lahaa dacwada deegaanka Bacaadweyn iyo gaar ahaan sidii magaalada looga hirgalin lahaa mac-had lagu barto culuumta shareecada iyo luqada carabiga.
Magaalada Bacaadweyn oo sanadahaan dambe aad u kobocday ayna ka jiraan xarumo waxbarasho oo farabadan, sida: dugsiyo Qur’aan, dugsiyo H/dhexe iyo dugsi sare. Waxaa kale oo dhawaan laga hirgaliyey Daarul Qur’aan lagu diirsaday ayaa la isla gartay inay baahi weyn u qabto hirgalinta mac-had diini ah oo ay ka wada faa’iidaystaan ardayda iskoolada iyo dadweynaha magaaladu, waxaana lagu balamay in arrintaas laga yeesho shir ballaaran oo ay ka soo qaybgalaan ducaadda magaalada, maamulka dacwada gobolka Mudug, maamulka iyo waxgaradka magaalada.
Intaa ka dib wafdiga culumadu wuxuu fadhi gaaban la qaatay duqa magaalada iyo ku xigeenkiisa iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka deegaanka, waxayna isla meeldhigeen in kulan dambe oo intaan ka ballaaran la isugu yimaado, loogana hadlo sidii loo hirgalin lahaa mashaariicda culumadu soo jeediyeen.
Wafdiga culumada oo ay xubno ka ahaayeen Sh. C/waduud Yuusuf, Sh. Mukhtaar Sh. Maxamuud, Sh. Xabiib C/qaadir iyo Sh. Axmed C/samad waxay u ambabexeen dhinaca magaalada Gaalkacyo oo Bacaadweyn 40km ka xigta dhinaca koonfureed, waxaana halkaa ku sii sagootiyey Sh. C/qaadir Cumar oo kala qaybgalay hawlihii ay ka fuliyeen magaalada.
