Horudhac
Ururka Sahal ka dib markii uu
falanqeyn, dib u eegis ku sameeyey hadalkii suma-salaaxa ahaa ee Madaxweyne
Xasan Shiikh uu dhowaan ka jeediyey wadanka Maraykanka, waxaa lama huraan
noqotay in ururka Sahal uu ummada Soomaaliyeed ee jecel nabada iyo horumarka
inuu u cadeeyo siyaasada hagardaamada xambaarsan ee xisbiga madaxwaynuhu horseedka ka
yahay. Aragtidan waxay u kala baxaysaa dhowr qaybood oo kala ah:
1. Ku xadgudubka Sharciyada Fadaraalka ee dalka u degsan
Ururka Sahal waxuu walwel ka muujinayaa madaxwaynaha iyo
wasiirada oo aad moodo inaysan diyaar u ahayn inay ummadda Soomaaliyeed ku
hagaan nadaamkii iyo dastuurkii lagu soo dhisay dawlada Fadaraalka ah ee
Soomaaliya. Waraysi ay 17/1/2013 ka qaaday Madaxweynaha
Soomaaliya idaacadda VOA-da ee afka Soomaaliga ku hadasha ayuu si toos ah
u diiday dastuurka Federaalka ee Soomaliya loo sameeyey isaga oo ku bilaabay
hadalkiisa jamhuuriyadda soomaaliya afkiisana
ka dhowray in uu yiraahdo Jamhuuriyadda Federlaalka ah ee Soomaaliya.
Sidoo
kale, waxaan ummadda Soomaaliyeed halkaan ugu soo bandhigaynaa warqad
qarsoodi ah oo kasoo baxday xafiiska Madaxwaynaha oo sumadeedu ahayd
JS/XM/033/1/2013 oo ku socotay Xoghayaha
Guud ee Qaramada Midoobay waxuu si cad ugu sheegay inaan wax mucaawino ah la
siin karin maamulada dalka ka jira sida Puntland iyo Somaliland. Sidoo kale, waxaa
istaambada ama shaambada warqada lagu dhuftay waxaa ku qoran 'Jamhuuriyada
Soomaaliya' waxayni ka markhaati kacaysaa in madaxwayne uu madaxwayne u yahay
sida dawlad jirtay 1960 waxaana muuqata in xiligan la joogo ee 2013 in madaxwaynaha
iyo dawladiisu aysan aaminsanayn dastuurka dalka loo sameeyey isla markaasna
uusan diyaar u ahayn inuu fuliyo nidaamkii iyo dastuurka ay ku heshiishay
ummadda Soomaaliyeed. Hoos ka eega warqada madaxyanaha oo ay ku qoran tahay
Jamhuuriyada Soomaaliya
Shaambada
ku qoran warqadan waxay waxay ififaalo ka bixineysaa aragtida rasmiga ah ee
madaxweynaha oo markani uu muuqda in uu doonayo in uu ka laabto nidaamka
federaalka ah ee lagu soo dhisay dawladan.
2. Kala hadalka madaxwaynaha iyo arimaha Jubbooyinka
Hadalada kasoo
yeeray madaxwaynaha markii uu 17/1/2013 uu wareysi khaas ah siinaayey idaacada
Soomaali VOA waxaa hadalkiisa ku cad inuusan dhexdhexaad u ahayn shacabka
Soomaaliyeed, waxaa kale oo Madaxweynaha ka muuqato in uu waligiisba uu
aaminsanaa in ay jiraan dad Soomaaliyeed oo waligoodba in ay deg degaan uu ku
yaqaannay oo aan u aragno inuu ula jeedo dadka kasoo jeeda deegaamada Puntland
iyo Jubbaland. Hadalada kale ee Madaxweynaha uu sheegay waxaa ka mid ahaa
"geedkii orod lagu fuulo orod baa looga soo degaa" Hadalkani waxuu u muuqday mid cabsi galin iyo
cagajugleen ah oo macnaheedu yahay haddii aanan aniga wax idiin yeerinin waxaad
u diyaar-garoowdaan dagaal iyo dhibaato. Waxyaalaha la yaabka leh ee la is
weydiin karo waxaa ka mid ahaa gobolada dalka intooda badan waxaa ka jiro
diyaargarow loogu jiro in maamulo ay samaysataan sida gobolka Bay oo goor
horeba la bilaabay qabanqaabadii maamul u samaynta, Madaxweynah arrintaas ma
aanu soo qaadin ee waxaa uu diiradda saaray maamulka Jubbaland.
Dhinaca kale, madaxwayne Xasan Shiikh mar la
weydiiyey maxaad kala socotaa shirarka maamul u samaynta ee gobolada
Jubbooyinka oo ay taageerayso IGAD waxuu Madaxweynuhu si quursi iyo xanaaq
ku jiro u yiri dadkaas aad sheegayso iyo IGAD waxbo ma dhisi karaan
"waxaana jiro kuwo been loo sheegay oo lagu yiri IGAD ayaa wax idiin
dhisayso" Sidoo kale waxuu madaxwaynuhu intaas sii raaciyey "waxaan u digaynaa kuwo waligoodba degdegsan
oo awood wax ku raadinayo ama si power ah wax u doonaaya" Waxyaalaha
kale ee yaabka leh ee Madaxweynaha afkiisa ka soo baxay waxaa ka mid ahaa
"sharuucdii dastuurka wali ma
habaysna oo hadda ayaan diyaarinaynaa" Hadalkan waxaan u aragnaa in
madaxwaynuhu uga jeedo lama isticmaali karo dastuurka hadda diyaarka ah oo
asaga lagu soo doortay, waxuuna doonayaa inuu isaga iyo xisbigiisu ay
jeebka kala soo baxaan dastuur ka tarjumaaya dantooda khaaska ah.
Dhinaca kale, khudbadii madaxwaynuhu ka
jeediyey Minnesota waxuu inkiray inuu yiri dadka reer Bay iyo Baladwayne ha
dhistaan maamul ay raali ka yihiin. Halka gobolada Jubbooyinka ay dawladu u
magacaabi doonto maamul ku meel gaar ah, waxuuna madaxwaynuhu yiri "Been fakatay run ma gaarto... ma jirto meel
aan ku iri aniga ayaa maamul u samaynaaya gobolada Jubbooyinka" Hadaba
waxaa halkaa nooga muuqata
inuusan kalsooni ku qabin hadalkii uu 13/10/2012 jeediyey halkaasoo si cad uga
sheegay in dadka Baladwayne iyo Baydhabo loo samayn doono maamul ay dadku soo
doortaan halka gobolada Jubbooyinka ay dawladu u samayn doonto maamulo ku meel
gaar ah.
3. Mudaharaadkii MIN ee madaxwaynaha lagala hortagay
Ururka
Sahal waxuu si buuxda u taageerayaa mudaharaadkii dadka Soomaaliyeed ay ka
hor-dhigeen Minnesota Convention Centre
kaasoo looga soo horjeedo hogaaminta iyo hab dhaqanka madaxwayne Xasan Shiikh
Maxamuud. Sidaan la socono shacabka sharafta leh ee mudaharaadka ka sameeyey magaaada
Minnesota waxay ka cabanayaan in aanu madaxweynaha Soomaaliya uusan diyaar u
ahayn in la dhaqangeliyo dastuurkaan Federaaka ah ee Soomaaliya waayo waxaa uu
mar walba kusoo celceliyaa in baarlamaanku uu diyaarinaayo sharuuc taas oo uu
ula jeedo in uu shacabka Soomaaliyeed gabi ahaantoodaba uu hilmaansiiyo wax la
yiraahdo dastuur federaali ah isla markaasna uu dadka ku maaweeliyo xeerar iyo sharuuc
ayaa la samaynayaa si uu waqtiga u lumiyo.
Waxaan bogaadinaynaa dadka reer Minnesota oo u badan dadkii Soomaaliya uga soo cararay dagaalada sokeeye
iyo dhibaatooyinkii ahliga ahaa ee dalka ka dhacay sida sharafta leh ee ay
cabireen dareenkooda isla markaasna ay u muujiyeen sida ay diidan yihiin
farogalinta madaxwaynuhu ku hayo arimaha gobolada Jubbooyinka iyo dhaqangelinta
dastuurka fadaraaliga ah ee lagu soo doortay dawlada hadda jirta.
4. Qaadiska cunaqabataynta
hubka ee saaran Soomaaliya
Ururka Sahal waxuu si cad uga soo horjeedaa in Soomaaliya laga qaado
cunaqabataynta hubka ee 1992 la saray Soomaaliya. Sababo aan loo qaadi karin
cunaqabaynta hubka waxaa ka mid ah:
I.
In aysan gaarin xiligii
laga qaadi lahaa Cunaqabataynta Hubka;
II.
In aysan lahayn ciidan
Dowladeed, balse ay haystaan oo kaliya ciidan beleedyo si toos ah iyo si
dadbanba u hostaga qabaa’ilo gaar ah;
III.
In magaalada Muqdisho laga
dhigo magaalo u dhaxaysa dhammaan beelaha Soomaaliyeed isla markaasna la soo
celiyo hantidii iyo guryihii xoogga lagu qabsaday 1991.
5. Xalaalaynta
hantida ummadda Soomaaliyeed looga haysto caasimadii hore ee Muqdishu
Ururka Sahal waxuu aad ula yaabay
markii uu madaxwaynuhu si cad u yiri halaga samro guryihii iyo hantidii
beeshiisu si xaqdarro ah 1991 ku qabsatay magaalada Muqdishu iyo qaybo badan oo
ka mid ah gobolada koonfureed. Hadalka madaxwaynaha waxaa ka mid ahaa "
Yaan la isku mashquulin hadalada ah waa tii nala barakiciyey waa tii
guryaha nala ka dhacay waa tii baabuurta nala ka dhacay.... waxaas ha la iska
iloobo oo hore ha loo socdo".
Sidaasi darteed, ururka Sahal waxuu si
adag u cambaaraynayaa in madaxwaynuhu si cad raali uga noqdo dadka beeshiisa ka
mid ah oo 1991 boobka iyo xaaraanta ku qabsaday hantii shacabka iyo dawlada
Soomaaliyeed ay ku lahaayeen. Dhinaca kale, mar madaxwaynuhu la hadlaayey dadka
reer Minnesota waxuu madaxwaynuhu si mas'uuliyad darro ah u sheegay inuusan
aqbali karin horumar ay gaaraan gobolada qaarkood sida Puntland waxuuna yiri "ma aqbali karno in reer ah ama gobol gaar ah uu guulaysto
Soomaalida inteeda kalena ay fashilanto waana soo taabanay natiijadeeda" Sidaasi darteed, ururka
Sahal waxuu madaxwaynaha ugu baaqayaa in madaxwaynuhu si cad u sheego inuu
aaminsan yahay fikirka ah in laga bilaabo 1991 beeshiisu ay xoog iyo boob ku
haysato hanti ka dhaxaysa ummadda Soomaaliyeed.
6. Talobixin
ku socota madaxwaynaha iyo madaxda dawlada Soomaaliya
Mudane madaxweyne isku day in aad soo dhaweyso
gobolada iyagu doonayaa in maamulkooda sameystaan, sidoo kale kuwa u baahan in
la garab galona isku day in aad hiil iyo hooba la garab istaagto. Waxaan kuugu baaqaynaa in waqtigan xasaasiga
ah ee la joogo inuu u dhaqmo inuu yahay astaan qaran isla markaasna uu faraha
kala baxo hawlaha wasiirada sida inuu yahay mid ka mid ah wasiirada arimaha
dibada, maaliyada, arimaha gudaha ama af-hayeenka dawlada fadaraalka
Soomaaliya.Isla markaasna waa inuu madaxwaynuhu iska ilaaliyaa hadal, dhaqan
ama wax kasta oo abuuri kara shaki iyo kalsooni darro.
Ugu danbayntii, waxaan madaxwaynaha, dawlada
iyo Baarlamaanka dawlada fadaraalka ah waxaa looga fadhiyaa inay ilaaliyaan
kuna dhaqmaan dastuurka Federaalka, dalka u qaybiso taageerada barnaamijyada dib
u dhiska iyo horumarinta wadanka horumarinta dhaqaale oo wadamada caalamku
Soomaaliya ku siiyaan magaca dalka Soomaaliya.
Sidoo kale madaxda dawlada intii ay isku mashquulin lahaayeen arimaha
gobolada Jubbooyinka, waxaa looga fadhiyaa inay culayska saaraan fulinta
barnaamijyada tixgelinta 1aad u baahan ee ka ku xusan dastuurka kuwaasoo kala
ah:-
1. taageerista
dhisidda Dowladaha dhiman ee ka mid noqonaaya Fedeeralka Soomaaliya,
2. taageertist dib u
heshiisiin heer Qaran,
3. In la dhiso Aqalka
Sare ee Baarlamaanka Federaalka oo ka wakiil ah maamul goboleedyada xubinta ka
ah Federaalka Soomaaliya si waafaqsan Dastuurka Federaalka iyo, 4. in la dhiso
ciidamo qaran kuwaasoo laga soo aruuriyo dhammaan beelaha Soomaaliya ka kooban
tahay.
Wa billaahi towfiiq
Warsaxaafadeedkan
waxaa soo saaray ururka Sahal Organisation, London
Daabacaadda Waayaha.net