Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
Wafdigii culumada ahaa oo booqday degmada Xarfo

Waxaa soo gaaray magaalada xarfo wafdigii culumada ahaa ee  uu hogaaminayey Sh. Axmed C/samad 24-01-13, halkaana waxaaa ku soo dhaweeyey gudoomiyaha degmada C/laahi Faarax Bayle, Sh. C/qaadir Cumar Awdheere iyo Sh. Axmed Maxamed Guuleed. Ka dib culumadu waxay booqdeen dugsiga Daarul Qur’ aan oo ay dhigtaan 370 arday, waxaana ardayda kalimad wacdi iyo dhiirrigalin ah u soo jeediyey Sheekh Xabiib C/qaadir. 

Culumadu waxay xarunta degmada kulan kula qaateen maamulka degmada oo ay hormuud u ahaayeen duqa magaalada C/laahi Faarax Bayle, kuxigeenkiisa Cabdi Cilmi Calas iyo xoghayaha dowladda hoose C/salaam Siciid Ciise, waxayna ka dhagaysteen duqa iyo ku xigeenkiisa warbixin ku saabsan horumarka iyo waxqabadka degmada, waxyaabaha ay hiigsanayaan iyo caqabadaha hortaagan oo ay u baahanyihiin in wax lagala qabto.

Ka dib culumadu waxay maamulka degmada u soo jeediyeen talooyin ay ka mid ahaayeen: inay dareemaan xilka weyn ee ka saaran dacwada iyo barashada diinta, ka shaqaynta danaha bulshada gaar ahaan xoojinta waxbarashada, waxayna ku boorriyeen inay iyagu maamul ahaan noqdaan kuwo isku kalsoon, iskuna duuban, dadkoodana walaaleeya, kana fogeeya qabyaaladda iyo kala qoqobka. Taas oo ah waddada lagu gaarayo horumar adduun iyo badbaado aakhiro.

Culumada oo ay weheliyaan ducaadda magaalada waxay booqdeen xarunta waxbarashada gabdhaha, waxayna kalimado isugu jira waano, wacyigalin iyo dhiirrigalin u soo jeediyeen ardayda dugsiyada sare iyo dhexe ee xarunta wax ka barta, ka dibna waxay dumarka muxaadaro ugu jeediyeen xarunta Daarul Qur’aanka, waxayna kala hadleen waxbarashada diimeed, dacwada iyo isu kaashigeeda, walaalnimada islaamka iyo ka dheeraanshaha qabyaaladda iwm oo muslimiinta kala geynaya.

Dabadeed culumadu waxay la kulmeen ducaadda iyo odayaasha dacwada degmada Xarfo, kulankaas oo ay ka soo qaybgaleen Sh. C/qaadir Cumar Awdheere, Sh. Axmed Maxamed Guuleed, Nabadoon Xasan Macalin Daahir, Macalin C/rashiid Sh. Maxamuud iyo Macalin C/nuur Jaamac Xirsi, waxayna labada dhinac is dhaafsadeen warbixino iyo talooyin wax ku ool ah, culumaduna waxay aad ugu dhiirrigaliyeen ducaadda magaalada sabarka iyo dareenka xilka weyn ee ay ummadda u hayaan, waxayna ugu bishaareeyeen inay guulaysan doonaan inta ay dadaalkaas wadaan iyaga oo isku duuban, Ilaahayna kaashanaya.

Culumada intii ay magaalada joogeen waxay soo booqdeen dhismaha dugsiga sare oo jaaliyadda deegaanka xarfo ay dhismihiisa maalgaliyeen, meel fiicana maraya.

Sheekh C/qaadir ayaa culumada quraac sharaf gurigiisa ugu sameeyey, ka dibna wuu sii sagootiyey, wuxuuna kala qaybgalay booqashadii ay ku tageen magaalada Bacaadweyn oo uu Sh. C/qaadir horay uga soo furay Daarul Qur’aan.

Sheekh Axmed C/lle

Daabacaadda Waayaha.net




   
Daawo Soomaalida ka ganacsata Daroogada ee Dalka Canada oo lacago faro badan ku raadinaya filim fadeexad ah‏    23 May 2013
Dhacdo Naxdin iyo Murug badan leh oo qabsatey hooyo Soomaaliyeed oo nool Dalka South Africa!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)    23 May 2013
Xafladii xuska 18ka May ee Soomaaliland ee Holland oo ku soo dhamaatay dagaal iyo gacan ka hadal    20 May 2013
Qaar ka mid ah Deegaanada Soomaaliland oo 18ka May ku Sheegay maalinta nadaafada iyo qashin aruuriska!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    19 May 2013
Ururka sahal oo bayaan adag ka soo saaray caddaallad xumada iyo faragelinta qaawan ee Xasan Sheekh    19 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software