Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
Culumo Socdaal dacwadeed ku tagay degmada Burtinle

Wafdigii culumada oo Buurtinle ka hawlgalay Galabnimadii 22/01/13 ayay culumadu soo gaareen magaalada Buurtinle, waxaana soo dhaweeyey Sh. C/risaaq Warsame Guure, ka dibna waxay booqasho ku soo mareen Mac-hadka diiniga ah ee Alhidaaya oo leh heer dugsi sare iyo dugsi dhexe, Maamulaha Mac-hadka Sh. C/fataax C/laahi Daahir (Muqdishaawi) ayaa wafdiga soo dhaweeyey, wuxuuna siiyey warbixin, ka dibna waxay kormeereen qayb ka mida ardayda mac-hadka oo imtixaankii teeramka ku jirta. Culumadu waxay kale oo booqdeen Madrasada Cumar Ibnu Alkhaddaab oo isugu jirta xifdiga Qur’aanka, waxbarashada aasaasiga ah, qeyb jiif ah iyo masjid. Waxaa kale oo culumadu booqdeen dugsiga H/dhexe ee Alshaafici iyo daarul-Qur’aanka magaalada.

Culumadu intii ay magaalada joogeen waxay masjidka weyn ee Abuubakar ka jeediyeen muxaadarooyin is dabajooga ah, waxaana ka mid ahaa: walaalnimada islaamka, nuxurka siirada nabigeena, akhlaaqda wanaagsan iyo xijaabka islaamka iyo fududeeya oo ha cuslaynina.

 Culumadu waxay kale oo salaadaha ka dib kalimado kookooban ka soo jeediyeen qaar ka mida masaajidda magaalada. Waxaa kale oo culumadu muxaadarooyin u soo jeediyeen ardayda dugsiga sare ee Buurtinle iyo ardayda dugsiga H/dhexe. Arrimaha ugu waaweyn oo ay xoogga saareena waxaa ka mid ahaa: barashada diinta, ku dhaqankeeda, akhlaaqda wanaagsan, sare u qaadista aqoonta iyo wacyiga ardayda, dacwada, ka dheeraanshaha qabyaaladda iwm. Culumadu waxay warbixino ka qaateen maamulayaasha dugsiyada sare iyo H/dhexe. Wafdigu wuxuu kulan la yeeshay culumada iyo ducaadda magaalada, wuxuuna ku boorriyey dardargalinta dacwada iyo faafinta cilmiga. Wuxuu kaloo la kulmay dhallinyarada wax ka barata macaahida iyo madaarista magaalada, wuxuuna ku boorriyey inay ku dadaalaan barashada diinta, ku dhaqankeeda, walaalnimada iyo isu kaashiga khayrka. Waxaa kale oo wafdigu xarunta degmada kula kulmay maamulka degmada, culumada, odayaasha iyo waxgaradka, wuxuuna kala hadlay qaadista xilka diinta iyo ummadda, in la xoojiyo waxbarashada, in lagu walaaloobo diinta, lana joojiyo qabyaaladda iyo loolanka ummadda dhexdeeda ah, in si wadajir ah la isugu kaashado hirgalinta danta guud iyo islaaxinta bulshada.

 Kulankaan oo ay goobjoog ka ahaayeen guddoomiyaha degmada Faarax maxamuud ( Faarax salwe), ku xigeenkiisa Cali Geelle Maxamed Kaneec, taliyaha booliska degmada, xoghayaha dowladda hoose, nabadoono, culumo, ganacsato iyo waxgarad kale waxaa aad loogu mahadceliyey wafdiga culumada, waxaana shirka lagu guddoonsaday in loo wada istaago, la isuna kaashado dacwada, waxbarashada, wacyigalinta bulshada iyo horumarinta degmada, iyo in lala diriro qabyaaladda iyo iskala qoqobidda.

 Wafdiga maalinimadii 23/01/13 waxaa qado sharaf gurigiisa ugu sameeyey C/risaaq Warsame Guure oo ka mida ganacsatada iyo waxgaradka magaalada, kaalin weyna ka qaatay isku xirka iyo fududaynta hawlihii dacwo iyo wacyigalineed ee culumadu qabteen. Waxaa xusid mudan in magaalada Buurtinle ay tahay magaalada labaad ee ugu ballaaran, uguna dadka badan magaalooyinka gobolka Nugaal, isla markaasna ay ka jiraan macaahid diini ah oo leh heerar kala duwan, sida Mac-hadka Alhidaaya ee culuumta shareecada iyo luqada carabiga iyo mac-hadka Almuntada oo labaduba ah heer dugsi sare, iyo xarunta waxbarashada Cumar ibnu Alkhattaab iyo madrasada Imaamu shaafici oo ah heer dugsi dhexe. Waxaa intaa dheer Daarul-Qur’aan.

 Waxaa kale oo ka furan dugsiga sare ee Buurtinle iyo dugsiga H/dhexe ee Buurtinle, sidaas oo ay tahay ardayda magaalada wax ka barata way tiro yartahay marka loo eego tirada dadka magaalada degan; sidaa darteed waxaa lagama maarmaan ah in la isu kaashado sidii loo hormarin lahaa waxbarashada diimeed iyo tan adduun ee magaalada Buurtinle, ayna ka qeybqaataan maamulka, maalqabeenka, hay’adaha samafalka, jaaliyadaha dibadda iyo dhammaan bulshada deegaanku.

Sheekh Axmed Cabdi Samad




   
Daawo Soomaalida ka ganacsata Daroogada ee Dalka Canada oo lacago faro badan ku raadinaya filim fadeexad ah‏    23 May 2013
Dhacdo Naxdin iyo Murug badan leh oo qabsatey hooyo Soomaaliyeed oo nool Dalka South Africa!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)    23 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software