MUQDISHO: Waxaa ciyaar ka tirsan Horyaalka 4aad ee Kubadda Gacanta garoonka 1da Luulyo (Ex-Lugino) ee Magaalada Muqdisho isaga
horyimid gabdhaha Horeed iyo Dekedda , waxaana guud ahaan muuqatay inay
ku gacan sareeyeen Horseed oo goolal badan huwiyay gabdhihii
Dekedda oo ay ku kala direen 14-4.
Ciyaartan ayaa durba ku bilaabatay dardar xooggan
ay la soo galeen Horseed oo goolal badan qeybtii hore kaga naxsaday Dekedda,
markii la isku soo laabtay ayay Horseed oo awood soo bandhigaysa waxay
garoonka kala baxeen xiddigahooda waaya-aragga ahaa waxayna garoonka la
yimaadeen da`yartooda oo iyaguna markooda wacdaro la soo baxay ciyaartana ku
soo afjaray 14-4 oo ay guusha kula hoydeen gabdhaha Horseed.
"Waxay ahayd ciyaar xiiso leh, Xiddigaha aan
ku dhaaranay waan fariisinay qeybtii danbe, waayo gabdhaha Dekedda waxay
u badan yahiin gabdho da`yar oo dhawaan ku soo biiray ciyaartan kubadda
Gacanta, kuweena da`da yarna waad aragteen si qurux badan ayay ula ciyaareen
waana ka guuleysanay- anaga Koobkan wuxuu tartan weyn inagala dhaxeeyaa
Kooxda Heegan waxaana rajeynaynaa inaan koobkan kaga qaadno si
xarago leh" sidaasna waxaa warbaahintan gabagabadii ciyaarta ugu
waramay Tababaraha Horseed Ibraahim Abaareey.
Waxaa ciyaartan garsoorayay Axmed Maxamed Mukhtar
iyo Maxamed Cabdi Maxamed [Maxamed Dheere], Dhibcaha waxaa qorayay
C/laahi Xasan Cali {Kuusoow}. iyadoo Saacadda uu hayay Maxamed Xasan
Fiidoow.
Si kastaba, Ciyaarta gabdhaha Kubadda Gacanta waxaa
u soo daawasho taga Taageerayaal aad u badan, waana ciyaarta keliya oo ay
taageerayaasha goor hore soo galaan garoonka. marka seeriga bilowga
ciyaarta uu dhaco waxaa muuqanaysa in garoonka ay dirqi tahay in laga helo meel
laga fadhiisto.
KALA HOREYNTA DHIBCAHA
|
#
|
KOOXDA
|
DHIBCAHA
|
|
1
|
HEEGAN
|
12
|
|
2
|
HORSEED
|
12
|
|
3
|
DEKEDDA
|
3
|
|
4
|
NATIONLINK
|
0
|
Said Ibrahim Hussein (BUUNA)
Cell Phone:+2526-1-5520008/+14434409441
Email:buuna@isboorti.com
Twitter: @BUUNA2
Facebook: Click here