Qadimaadda Bugga waxaa qoray, Dr. Said Fahia, Phd.,
Minneapolis, Minnesota.
Amaanta akhristayaashu ka qoreen
HIMILADAADA HANO
“Dhibaatooyinka ummadda Soomaaliyeed loo aaneeyo inay nolosheeda
si ba’an u aafeeyeen, tan ugu darani waa abaarta iyo arradka maskaxda ka
cuskaday. Wahabkaas sidii looga dul qaadi lahaa qofka Soomaaliyeed ee tabaalaysan,
ka dibna uu isu heli lahaa, xilkiisana u gudan lahaa, ayaa ah baahida ugu weyn
ee ummaddan wada haysata. Buuggan “HIMILADAADA HANO” ee Maxamed
Ismaaciil Maxamed soo-ifbixintiisa safarka dheer u soo maray,
aqoon iyo awood uu hantona hagar li’i dul dhigay,casharrada ku duugan ayaa
kaalin aan waxtarkeeda la qiimayn karayn ka geysanaya. Ku darso oo buuggani Af-Somaali
huffan, sahlan, oo hab iyo hannaan aan lagu daalin lagana daalin u qaabaysan,
ayuu ku qoran yahay. Meel ay joogtoba, gudcur-diidka , mugdigu daashaday ee
iftiinka aqoonta u oommani, waa buug ay ku soo hirtaan.”
- Siciid Jaamac Xuseen, “Qoraaga SJX” “Buuggan waxaan u
arkaa in uu yahay buug aad loogu bahnaa in la qoro, waqti ku habbonna la soo
saaray. Runtii buuggani aad ayuu u anfacayaa Soomalida, gaar ahaan,dadka wax
qabadkoodu sareeyo (high achievrs) amaba qofka raba in uu hawasha uu qabanayo
ay miro fiican dhasho. Si talabo talabo ah ayuu u qeexayaa waxa qofku u baahan
yahay in uu sameeyo si uu u gaaro himilada uu hiigsanayo.”
- Dr. Hodan S. Isse, professor of economics and finance at
University at Buffalo.“Buuggan Himiladaada Hano oo uu Maxamed Ismaaciil Maxamed
soo curiyay waa buug qofkii akhrista wax weyn u taraaya aqoontiisana sare u
qaadaya. Waxaan jeclaystay sida uu biyaan uga dhigay sida qofku marka hore himiladiisa
u garan lahaa ka dibna u gaari lahaa.
Tan kale,Ninna Maankiisa Ma Saluugo, oo tuseeysa jiilka soo
koraaya sideey aad ugaga fakiri lahaayeen mustaqbilkooda iyagoo ka
faa’ideysanaaya daraasadda iyo xigmadda ku qoran buggan, gaar ahaanna
daraasadda laga sameeyay dadka da’ doodu 90 sano kor u dhaaftay. Isku soo duub,
buuggani waa buug uu qof walba oo af Soomaali akhriyi karaa uu u baahan yahay.”
- Maxamed A. Haji-Husein, MA.
Guddoomiyaha Jaaliyadda Banaadiri ee USA “Macluumaadka ama
xogta uu buuggan HIMILADAADA HANO xanbaarsan yahay waxa ay si wayn u kobcin
karaan shaqsi-nololeedka qof walba oo akhrista kuna wax qaata. Nuxrurku waa
boorigalin, kalsooni abuurid, yiddidiilo nololeed iyo waliba xusuusin in aad
adiga noloshaada masuul ka tahay. Waxan ku xoorinayaa waa ka faa’iidayso
maskaxda iyo caqliga uu Eebbe kugu manaystay.”
- Raho Warsame
Property Manager, Project For Pride In Living Inc.
“Waa buug kooban oo mugweyn. Akhristuhu wuxuu heli tilmaamo
naftiisa wax ka badala oo u horseeda isku-kalsooni, go'aan qaadasho, iyo
yididiilo. Waxaan rajayn inuu natiijo fiican gaadhsiinayo ruuxa ku camal fala.”
-Cabdisalaam Sharif Aadam , Guddoomiyaha Masjidka Daar
Al-Hijrah, Minneapolis.
“Buuggani talooyin wax tar leh ayuu u sidaa dadka Af
Soomaaliga yaqaan (akhriya), waxaana mudan in ay akhriyaan "Himiladaada
Hano", si ay uga faa'iideystaan.”
- Maxamed Xasan Cusmaan, MA.
Former Dean of Lafoole
“Himiladaada Hano” oo uu qoray Maxamed Ismaaciil Maxamed
mudan in la akhriyo, haboon in lagu daydo
Page 4 of 4
tusaalahiisa, wacan in la raaco talooyinkiisa. Waayo, waa
buug ku habboon qof kasta ee doonaya inuu horumariyo mustaqbalkiisa isagoo
siinayaa qofka aqoon iyo astaamo uu ku hago noloshiisa aqooneed, shaqo iyo
bulsho. Buuggu waa miid laga soo ururiyay waaya aragnimadii uu aadanuhu ka
dhaxlay nolosha, sidoo kale xeerarkii iyo qawaaniintii uu Ilaahay(swt) u
dajiyay dunida. Waxaad ka heleysaa tusaalooyin laga soo miinguuriyay waya
aragnimadii uu aadanuhu nolosha ka kasbaday kuwaas oo kuu noqon kara tilmaamo
ku haga.”
- Prof. Cabdirisaaq Hirad Maxamed
Guddoomiyaha Jaamacadda Bariga Afrika
“Buuggani wuxu hiil u yahay de’ yarta soo kacaysa, iyo in
badan oo bulshada Soomaalyeed ka mid ah ee aaminay mabd’a ah hurda-ku-dhereg;
wuxuna iftiin u yahay inta rabta horumar, iyo is beddel nololeed. Nuxurka
buuggani xambaarsan yahay, iyo af Soomaaliga quruxda badan ee qoraagu ku
xiddeyey ayaa buuggan ka dhigaya mid leh qiima sare.”
Haybe Cabdi Cismaan, MSc.
Co-Founder of Somali Policy Institute
Qoraaga:
Maxamed Ismaaciil Maxamed waa qoraa siminaaro badan ka
qabtay aqoonta qofku naftiisa ku horumariyo. Xigmadda nolosha adduunka oo uu
xoogteeda ka dhaxlay jiilkii ka horeeyay waxaa u dheer in uu muddo bare iyo
la-taliye u ahaa dhalinyaro iyo dad waaweyn oo mustaqbal dhisaaya. Wuxuu muddo
ahaa ganacsade ka dhexeeyay faa’iido iyo khasaare. Maxamed wuxuu jaamacadda
kowaad ku dhamaystay Poona University (B. Com.); midda labaadna King’s College
London ( MSc.).