Anigoo ah Xidhibaan Cabdi Bare Jabriil,waxaan arin la yaab
iyo amakaag igu noqotay in maanta meeshii la rabay in Soomaali wanaageeda laga
sahqeeyo in Webkii affka Dawladda ku hadlayey ee (Radiomuqdisho.Net)in lagu soo
daabaco in Muwaadin Soomaaliyeed ay Dawladda ku amartay Safaaradda Soomaalida
ee Turkiga in la xiro Aqoonyahan Soomaaliyeed oo booqasho shaqo ku jooga Dalka
Turkiga kana mid ah Bahda-Saxaafadda ee qoraaladiisa sida weyn loo aqrisaddo.
Waxaan ku wargelinayaa Madaxweynaha Somaaliya Mudane Xasan
Sheekh Maxamuud,Reysalwasaare Mudane Saacid Faarax iyo golaha Wasiiradda inay
jawab cad ka bixiyaan warka lagu soo qoray Webka Dawladda ee sheegayey in madaxda
Dawladda ay amartay in Safaaaradda Soomaalidda ee Turkiga xirto Muwaadin Xuseen
Yaasıın Godo-Godo,warkan lama dhayalsan-karo waayo waxaa qoray Webkii Dawladda
ee laga filayay inay Shacabka Soomaaliıyeed si dhex-dhexaad ugu
shaqeeyaan,inkastoo hadda laga saaray maqaalkii lagu been-abuuranayay magaca
Madaxda Dawladda ee farayey in Turkiga lagu xiro Suxufi-sare Godo-Godo.
Hadii aysan dawladda lug ku laheyn been-abuurashada
magacooda laga sameeyay,waxaan uga fadhinaa inay amar ku-siiyaan
(Radiomuqdisho)inay raali-gelin-buuxda siiyaan Muwaadinka ay sheegeen inay
Dawladda amartay inay xirto Safaaradda Soomaalidda ee Turkiga.
Waxaan uga digayaa Webka Dawladda inaan loo adeegsan
qof-shaqsi ah in lagu weeraro,waana in talaabada laga qaadaa Tifaftiraha
(Radiomuqdisho)C/Fitaax Daahir Jeyte oo lagu tuhmayo inuu ka dambeeyay qoraalka
Dawladda Magaceeda lagu sheegay in la xiro Suxufi Godo-Godo.
Waxaan hadalkeyga ku soo gaba-gabaynaa fadeexadan oo kale
waa inay iska ilaaliyaan dhalinyaradda ka hawlgasha Webka Dawladda,waayo
fadeexadan waxay Soomaalidda ku noqotay lama filaan iyo amakaag in Webkii
Dawladda lagu weeraro qof shaqsi ah.
Jawaab cad ayaan uga fadhinaa Dawladda Soomaaliya inay
warsaxafaadeed ka soo saarto sababta Webkii Dawladda loogu weeraray qof shaqsi
ah,welibana lagu amray inay xirto Safaaradda Soomaalidda ee Turkiga.
Qalinkii:Xidhibaan
Cabdi Bare Yuusuf Jabriil
Email:Jabriil62@hotmail.com
Daabacaadda
Waayaha.net