Muqdisho(WNT)-In
la xaqiijiyey ilaa iyo 6 qof oo uu ku jiro qofkii naftiisa soo huray ayaa ku dhintey qarax ka dhacay meel sidaasi
uga fogaynguriga uu degan yahay Raysalwasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid)
subaxnimadii hore ee saakay.
Qofka is miidaamiyey ayaa la sheegay soo dhaafay albaabka
hore ee madaxtooyada, waxana lagu celiyey meel u dhexaysa halka saldhiga u ah
ciidamada nabad sugida iyo iyo Xafiiska
Raysalwasaaraha, iyadoo in yar ka dibna qofkaasi isku qarxiyey meel ay ku
sugnaayeen ciidamada ilaalada u ah Raysalwasaaraha oo ay ku lahaayeen teendho.
Sida wararku sheegayaa 6 ruux oo dhimatay ayaa ah guud ahaan
ciidamadii illaalada u ahaa Raisalwasaaraha, waxaana iyana uu dhaawac soo
gaaray tiro kale oo ka tirsan ciidamada ilaalada u ah Raisal wasaaraha iyadoon
weli tirade dhabta ah la sheegin.
Saacid ayaa lagu
wadaa in dhowaan qabto shir jaraaid,isagoo faah faahin ka bixin doona qaraxan
ismiidaamiska ah ee isaga lagu bar tilmaameedsanayey.
Waxaa filayaa in dhowaan raisalwasaaruhu safar ku tago dalka
Biljam ee xarunta midowga Yurub,iyadoo dawlada federalku ay weydiisan doonta
dalalka Yurub in dalka Soomaaliya dib loo dhiso, dhaqaalana la soo gaarsiiyo.
Sanadkii aan ka soo gudubnay ayey ahayd kolkii sidaan oo
kale iriada hore ee madaxtooyada qaraxweyn lala beegsaday inkastoo aysan ku
dhiman madax ka tirsan dowlada.
Xafiiska wararka
Waayaha.net