Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
Yay ahaayeen masaaridii hore?

Dr. Abdullahi Hassan Mohamud (Abdullahi Spanish)

Su’aasha aan cinwaanka uga dhigay maqaalkan ma aha mid si fudud looga jawaabi karo. Run marka arrinka laga sheegona weli cid ay wax wadaageen iyo cid ay ahaayeen oo la isla oggolaaday ma jirto. Laakiin, taariikhda marka dib loo raaco labadii qarni ee u dambeeyey waxa adduunka loo soo bandhigay ilaa siddeed iskuday (aragtiyood) oo la isku deyey in su’aalahaas lagaga jawaabey.

Haddaba, iyada oo ujeeddadaydu tahay in aan u fududeeyo ciddii rabta in ay hoos ugu daadegto, ayaan halkan ku soo guuriyey magacyadooda: “Caucasian race hypothesis, Indian hypothesis, Hamitic hypthesis, Dynastic race hypothesis, Black afrikan hypothesis, Turnid race hypothesis, Mediterranean brown race hypothesis iyo Asiatic race theory”. Guud ahaan aragtiyahan meel jeclaysi iyo midab-takoor baa gun iyo aasaasu ah, mid keliya oo ilaa hadda baadidoonkii lagaga nastayna kuma jirto.

Waqtigan xaadirka ah waxa weli waddoonyinkas qaar ku jooga oo loolan aad u xoogani ka dhexeeyaa laba qolo oo mid waliba aragti dhanka ay jeceshahay wax u xaadhaysa wadato. Waxa lagu kala magacaabaa, “Afro-centrists” iyo “Euro-centrists”. Qolada hore waxay qabtaa oo ku dooddaa in wixii aqoon iyo awood Masar ka muuqday iyo guud ahaan ilbaxnimo aasaaskeeda aan afrikada madow loogu iman (Bantu).

Qolada kalena waxay qabtaa in maskax kasta oo ilbaxnimo lagu taagey ay dhankooda ka soo jeedey oo aysan marnaba afrikaan muruq mooyee maskax ku yeelan. Waxa qoladan dambe intaa u raaca oo ay qabaan, haddii aan masaaridii hore iyaga ka iman in ay qaaradda Asiya oo markay afrikaanka iyo madowga kaga cararayaan sheegaan in ay dadkeeda wada dhasheen oo qayb ka mid ah isku yihiin “Caucasian race” ay ka soo jeedeen.

Maqaalkan ujeedadiisu ma aha in aynu aragtiyahaas ku lafagurno, sidoo kale uguma talo gelin in aan su’aal ilaa bilowgii qarnigii 19naad caalamka oo dhammi jawaab u waayey maanta isku biimeeyo iskuna dayo in aan halkan ku soo bandhigo jawaabteeda. Laakiin waxa ii muuqatay, maadaama ay tahay arrin taagan, dadyow kala duwanina isku hayaan, in tixgelin la siiyo oo ay jiraan waxyaalo fara badan oo marka la isu geeyo jawaabtii dhabta ahayd ka dhalan karto. Soomaalidu waxay tiraahdaa: qarku waa quruurx ururay.

Marka bal finiinkii quruuruxhaas u horreeyey aan ka soo qaadno sidii ay masaaridii hore isu arkeen iyo say u arkeen dadyowgii ay isgaadhi jireen. Waxana jeclaan lahaa in qofka soomaaliyeed oo akhriyaa iswaydiiyo in ujeeddadii loo socdey tallaabadii u horraysey midha dhashay, isla markaana loo baahanyahay in la sii wado oo marba in yar boodhka laga jafo iyo in kale. Waxan kale oo isku deyi in aan si gaar ah hoosta uga xarriiqo, haddii alle idmo, bal faraacinadu meesha ay ka taagnaayeen ama say u arkeen labada qolo oo aan midkoodna maanta waxba uga oggolayn cid kale, (Afro-centrists iyo Euro-centrists).

Siday u arkeen dadyowgii geesaha ka xigey.

Khariidadda soo socota (Sawirka 1), haddaynu u fiirsano waxa inoo muuqanaysa in ay Masar geesaha ka xigeen oo jaar la ahaayeen ummado kala duwani. Dhanka galbeedka waxa ka xigey dadkii ku noolaa waddanka maanta aynu Libya u naqaan. Dhinaca koonfureedna waxa ka xigey Nubia (Sudaan), dhanka waqooyi barina waxa kaga aadanaa dhulka loo yaqaan “levant” oo aynu maanta ka xusi karno (xoola dhaqato u badnayd lamadegaanka Masar soo xiga laakiin marba meel u guurijirey, Israel, Palestine, Lebnan, Jordan ilaa Syria), kuwaas oo uu weliba ka sii dambeeyey dalkii Mesopotamia (Ciraaq). Dhanka waqooyina waxa kaga aadanaa dadkii ku noolaa (Anatolia) waddanka Turkey.

Marka asalkoodii laga fekero caqliga saliimka ka ahi wuxu ina tusayaa in ay intaas khariidadda ka muuqata uun baadi u ahaayeen. Laakiin taariikhda laga hayaa sidaa ma qabto.

Sawirka khariidadda ku lammaan waxa inooga muuqda shan nin oo maxaabiis ah oo dagaallo kala duwan lagu soo qabtay xilliigii fircoonkii la odhanjirey “Ramses III” oo xukunka Masar hayey (1184-1153 BC). Dhanka bidixxda markaynu ka soo bilowno kan u horreeyaa wuxu ka soo jeedey Libya. Kan labaad oo aadka u modoobina waa Nubian (Suudaan), labada ku xiga oo gadhka fiiqanina waxay ahaayeen reer “Levant” oo kan horena waa reer Suuriya kan kalena waa badowdii xoola dhaqatada ahayd oo lamadegaanka ka sokeeyau badnayd (Semitic). Sawirka u dambeeya oo wata magaca “Hittite” waa maxbuus ka soo jeeda dadkii deganaa “Anatolia”.

Raadkani wuxu si cad u muujinayaa in aan masaaridii hore ka soo jeedin berberiyiinta waqooyiga Afrika, dadka madow oo “Bantu” loo yaqaan oo Afrika inteeda badan ku dhaqan, dadyowga “Semitic” la isku yiraado oo carabta iyo yuhuuddu ka midka yihiin iyo dadkii Asiyada Masar waqooyiga ka sii xigtey (Turkey) midna.

Waxa kale oo looxan lagu muujiyey in masaaridii hore ay dad shisheeye oo weliba cadow ah, u arkeen beelaha aynu soo xusnay oo dhan. Mar haddii dadyowgii ay deriska ahaayeen ay ku tilmaameen  mmado shisheeye, bal aan daaqad kale furno oo eegno sida ay iyagu isu qabeen.

Sidii ay masaaridii hore isu arkeen

Sawirkaas u dambeeyey waxa u markhaati furaya midkan afarta nin ku sawiran yihiin (Sawirka 2). Afarta nin sida sawiradoodaba lagu muujey mid waliba ummad gooniya iyo waddan gaar ah buu ka soo jeedey, waxana laga yaabaa in masaaridii hore ku abtirsadeen oo adduunka intiisa kale ku tusayeen cidda ay yihiin. Saddexda nin ee hore waa “Libyan, Nubian iyo Asiatic”, isla markaa kan saddexda hore u dambeeya oo Asiya ka soo jeedey waxa laga wadaa waddammada Asiya oo ay masaaridii hore isgaadhijireen oo aynu ku soo aragnay khariidadda kore, gaar ahaan “Levant iyo Anatolia”. Kuwaas oo la odhan karo, isu ekaan midab iyodhalanba ah bay hal sawir ugu koobeen “Asiya”. Run ahaantii, sawirkan oo laga helay xabaashii Boqor Seti I oo xukunka qabtay intii u dhexaysey (1294- 1279 BC), masaaridii hore way ku abtirsadeen waxayna inoo caddeeyeen mar kale, in aanay berberiyiinta waqooyiga Afrika ka soo jeedin.

Waxay kale oo sidii kii hore inoo tilmaameen in aanay dadka “Bantu” la yiraahdo ee Afrika ka soo jeedin. Intaa waxay inoo raaciyeen in aanay ka soo jeedin qaaradda Asiya gebi ahaanteedaba. Waxa saddexdaas hore afreeya oo u dambeeya sawir uu leeyahay nin aan caddaan iyo madow midna ahayn e midabkiisa maarriin laga dhigay, isla markaana ay masaaridii hore ka meteleen Masri.

Sawirada faraha badan oo aan labadan ka soo qaatay ka sokow, waxay masaaridii hore inooga tegeen, magacyo kala duwan oo ay u yaqaaneen dadyowgaas aynu xusnay oo iyaguna ka marag kacaya in aanay asal ahaan ka soo jeedin dalalkaas iyo dadkooda.

Magacyada ay u yiqiineen dadyowgii hareeraha ka xigey Sawirkan u dambeeyey iyo warka u xambaarsan yahay waxaynu raacin karnaa magacyada ay masaaraidii hore u kala yiqiineen dadyowgii ay is-gaadhijireen, gaar ahaan dadkii ku dhaqanaa labadii waddan oo ay afrikaanka isugu badsadeen (Libya iyo Nubia/Kush) iyo dadyowgii Asiya, siiba dadyowga Semitiga loo yaqaan.

Haddaynu ku hormarno dadkii reer Nubia masaaridii hore waxay u yiqiineen magac inagu soo gaadhey isaga oo ku qoran “Hieroglyphs”. Sida uu u qoran yahay markaynu u higaadino waa Naxsi oo afka ingiriisiga lagu soo gudbiyey in uu ahaa magaca ay masaaridii hore u yiqiineen “The blacks of the Sudan”. Ereyga Naxsi kolkaan ka baadhay qaamuuskii Cismaan Y. Keenadiid, wuxu u macneeyey sidatan: (1) Naxsi nasiibxun iyo ayaandarro keena, wata, aan khayr iyo wanaag lug ku lahayn; (2) Buruud xun.

 

Inta aanan magaca Naxsi ka gudbin, waa magac midab takoor ku jiro, waxana mudan in la xuso in soomaalida nafteedu cudurkaas qabto. Tan kale, ninka xidhan oo magaca la socdaa wuxu tilmaan u yahay in laga hadlayo dad shisheeye oo weliba cadow u ahaa Masar. Saddexda xarriijimood oo qotomaana waxay astan u yihiin wadar iyo in magaca la odhan jirey ummad oo nin la odhanjirin sida taariikhyahanka qaar qabaan.

 Aan labada qolo oo afrikaanka ahaa israacinee waxa isna ina soo gaadhey: magacanoo akhriskiisu yahay Tamuux. Tamuux af masrigii hore waxan ku helay laba macne oo kan hore yahay Ciid/ ciidda, weliba tan jilicsan (niista) oo masaaridii hore sidaas u yiqiineen. Waxa kale oo ay Tamuux u yiqiineen dadkii berberiyiinta ahaa, gaar ahaan kuwii Libya ku noolaa oo ay xidhiidhka tooska ah lahaayeen. Markan dambe waxa loo qaadan karaa in ay ula jeedeen ama tamuux ugu bixiyeen midabkooda oo aanay kala fogayn  ciidda (tamuuxda) ama midabka dhulka carra-cadka ah. Waxa sidii kii hore magaca la socda nin labadible u xidhan iyo qalab dagaal oo labaduba ahaa summadda lagu garto cadow iyo shisheeye.

Waxa isna isaga oo “Hieroglyphs” ku qoran ina soo gaadhey

  magacan oo dhawaaqiisu yahay Caamo, ingiriisi ahaana macnihiisa lagu soo gudbiyey “An Asiatic nomad of the eastern desert, shepherd, nomad, herdsman”. Magaca Caamo markaan qaamuuska ka raadiyey wuxu ku macneeyey: inta aan cilmiga lahayn, haddaynu Soomaali nahayna Caamo aad baynu u isticmaalaa, waana tilmaanta dadka aan waagii hore aqoonta baadida u ahaanjirin (dumar, carruur iyo reer guuraaga). Waxa sidii magacyadii hore la socda cadowgii labadiblaha u xidhnaa iyo qalabkii dagaalka, laakiin markan waxa dheer oo la socda Sac, kaas oo muujinaya in ay ahaayeen xoola dhaqato ama reer guuraa (Semitic).

 

        Saddaxdaas qolo oo aynu soo sheegnay oo ahaa dadkii ay tooska isu gaadhijireen ama la odhan karo jaar bay ahaayeen, waxaynu raacin karnaa magacyo ay ka mid yihiin: Kharu/Kharow/Khalu/ Khalow, isla markaana afka ingiriisiga inagu soo gaadhey in uu u dhigmo “a native of palestine or Syria” oo iyaguna in ay cadow iyo shisheeye ahaayeen ay caddahay iyooo codayntiisu tahay Babel ayna ula jeedeen Babylonia (Mesopotamia) oo iyana shisheeye ahaa.

 

  Haddaynu mar kale dib u eegno magacyadan “Hieroglyphics” ku qoran, afarta hore waxay ka siman yihiin oo far-qoraalka la socda sawir maxbuus laba dible u xidhan. Afarta hore iyo kan shanaadna waxay wadaagaan usha xagasha leh oo masaaridii hore marna u adeegsan jireen qalab ahaan (ugaadhsi, dagaal), marna sumad uga dhigijireen dal shisheeye ama cadow. Marka iyada iyo ninka ama nimanka xidhan la isu geeyona waxay si cad u tilmamayaan dalal shisheeye oo waliba cadow u ahaa Masar.

 

Sawiradii hore iyo magacyadani waxay inoo muujiyeen in aan masaaridii fraacinadu asal ahaan ka soo jeedin waddammada qaddiimka ah oo waqtigaas la yiqiin ee kala ah: Turkiga, Ciraaq, Suuriya, Jordan, Lubnaan, Falastiin, Libiya iyo Suudaan. Waxa kale oo magaca Caamo inoo sheegayaa in aanay dadkii reer guuraaga u badnaa ama (Semitic) oo wixii Sinai ka bilowda degganaa ka soo jeedin.

Gebagebo

 Cidda ay wax wadaageen ama ahaayeen masaaridii hore waa arrin taagnaa laga bilaabo 1822 markii Champollion ku guulaystey fasirka dhawaaqa xuruuftiii masrigii hore qayb ka mid ah. Run ahaantiina inkasta oo badankooda cunsuriyad (midab-takoor) bud-dhidge u ahaa, haddana siddeedda aragtiyood oo aynu hordhaca ku xusnay, mid waliba intaas oo wax bay u daliishatey si ay caalamka ugu qanciyaan in toodu dhab iyo looma dhaafaan tahay. Waqtiyadan dambe, taageerayaashii aragtiyahaas waxa si toos ah ugu hor yimi isbedelka caalamka iyo cunsuriyaddii oo cudur qof ku jira isugu soo ururtay kuna yaraatay fagaarayaasha aqoonta. Saas ay tahay, waxa si dadban isla aragtiyahaas tiir ka dhigtay qolyo la yiraahdo “afrocenterists iyo eurocenterists”. Saynu hore ugu soo sheegnay, labadan qolo mid kastaaba waxay qabtaa in qaaradda ay magaceeda qaateen ay tahay xudduntii aduunka oo bilowga ilbaxnimadu halkaas ka soo jeedo, sidaas darteedna masaaridii hore askunkoodu ahaa dhankooda.

Haddaba, inkasta oo aan ujeeddada qoraalku ahayn in aan idhaahdo masaaridii hore ciddaas bay is-ahaayen, haddana waxaynu ugu yaraan ka arki karnaa cidaha ay iyagu sheegeen in aysan ahayn. Waxana tusaale u soo qaatay laba sawir oo ka tarjumaya say masaaridii hore u arkeen labada qolo oo maanta isku haysta (Afro & Euro-centrists). Labada muuqaal ee sare oo sawirkan waxay si cad ugu muujiyeen siday u arkeen afrikaanka “Bantu”. Waa maxaabiis dagaal lagu qabtay, laakiin waxa ka muuqda astaamo aan masaaridii hore lahayn sida sanka bagafsan oo dulalka waaweyn, dibnaha burbuuran, timaha gucun maroorka ah iyo dhegaha daloola.

Isla sawirka qaybtiisa labaad waxan ku soo ururiyey sawiro maxaabiis dagaal iyo hogaamiyayaal dhamaan ka soo jeedey sida la qabo “Caucasian Race”. Labada nin oo u horreeyaa waa “Hittite”, Anatolia (Turkey). Labada ku xigaana waa reer “Levant”, gaar ahaan Suuriya. Haddaynu u gudubno labada u dambeeya, waa labahoggaamiye oo reer Yurub ahaa oo Masar ka taliyey xilligii dambe ee caddaanku qabsaday. Labada hoggaamiye kan hore waa “Augustus, Roman Empire”. Wuxu xukunka Masar kala wareegey “Marco Antonio iyo Cleopatra VII”. Kan dambena waa “Ptolomeo I”, Giriig. Waa boqorkii u horreeyey oo “Alexander the great” Masar uga dambeeyey oo taxanihii xukunka isaga dambeeyey ee giriigga ahaa bilaabay.

Sawirka aynu ka soo hadalay oo tusaalaha uga dhignay dadyowga “Bantu iyo Caucasian”, wuxu muujinayaa cidda aysan ahayn masaaridii hore iyo in labadan qolo bilaash isugu haystaan.

 Waxa labadaas sawir ee u dambeeyey ka dhan ah, kan (Sawirka 4) ay masaaridii hore isku muujiyeen, isla markaana ay ku caddahay sidii kii aynu kor ku soo aragnay (Sawirka 2) in aanay qolayahaas maanta isku haysta iyo kuwii kale oo geesaha ka xigey ka soo jeedin una ekayn. Kani wuxu ka mid yahay raadadka dhalanka la xidhiidha oo ay inooga tageen, ayna ka muuqdaan dad shaqaynaya oo rag iyo dumarba isugu jira.

Sawirkan iyo qaar kale oo badan, qofka soomaaliyeed oo si gaara ugu fiirsadaa wuxu ka arki karaa astaamo aan ku cusbayn sida hangoolka, gashiga, qaabka xadhigga loo duubayo, dhengedootanka, gabdhaha timaha tidcan, boqorka iwm. Waxa kale oo sawirada dheer oo masaaridii hore ku dhaadan jireen una yiqiineen dhulkii asalka iyo ilaahyada dal magaciisu inagu soo gaadhey “Punt”, taas oo mar kale sii xoojinaysa in ay ka soo jeedeen dal iyo dad aan kuwaas aynu soo xusnay midna ahayn.

Waxan filayaa in intaasi tilmaan ku filan tahay, maqaalkan koobanna aan jawaab intaa ka badan lagaga bixin karin, su’aal taagnayd ugu yaraan labadii qarni oo u dambeeyey. Laakiin wuxu horseed ama  ceelalyo u yahay baadhitaan Buug ku soo ururay muddo dheerna igu qaatay oo aan qayb ka mid ah si baahsan ugu baadhay xidhiidhka soomaalida iyo masaaridii hore iyo dalka magaciisu taariikhda ku galay “Punt” halka uu noqon karo.




   
Dawwo:Haween Soomaali ah oo xabsiyo dheer dheer lagu xukumay dalka Maraykanka    18 May 2013
Maxkamada Magaalada Minneapolis ee Mareyknka oo xukun kala duwan ku riday dhalinyaro Soomaaliyeed!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    16 May 2013
BAYAAN URURKA SAHAL UK    15 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software