Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
War-saxaafadeed (UCID):Warka ka soo baxay Xafiiska Arimaha Dibada ee UK ( 26/01/13).

                           

(Waa wax laga naxo,laga xishoodo,lala yaabo  in maanta Wasarada arimaha dibada ee Somaliland ay bogga Internet-ka ee Xafiiska arimaha dibada ee UK ay ka ogaato in dalkeeda laga saarayo dadkii ka shaqaynayey).  

Waa cadaan  intii Xukuumada Kulmiye ay hogaanka wadanka haysay in Siyaasada arimaha dibada iyo Siyaasada  arimaha gudaha ee Somaliland ay ku timid dib u dhac iyo jaha wareeg aan hore inoo soo marin intii ay Somalilnd jirtay.Dib u dhaca iyo fashilka Siyaasada dibada iyo gadaha ku yimid waxaa sabab u ah arimahan hoos ku qoran :-

1.      Waa cadaan in  guud ahaan Golaha Wasiirada ee maanta jiraa, uu yahay Golahii ugu khibrada iyo aqoonta yaraa ee soo mara Somaliland intii ay jiraty.

 

2.        Golaha Wasiirada ee maanta jira,laguma soo xulin,aqoon iyo waayo aragnimo Siyaasadeed,balse waxaa lagu soo xulaa hab fool xun oo aan dalka iyo dadka midna dani ugu jirin, horena aan inoo soo marin.

 

3.      Somaliland ma laha Wasarada Arimaha Dibada,balse waxaa nin Wasiir ah,oo haba yaraatee aan wax waayo aragnimo ah u lahayn Siyaasada Arimaha Dibada,inta badana ku mashquulsan dano isaga u gaar ah iyo shirar hoosaadyo Somaliland wax weyn u dhimaya.

 

4.      Maalintii ugu horeysay ee Xisbiga Kulmiye la wareegay talada dalka waxaa isla markiiba  shaqada laga eryey, Wasiirkii  arimaha gudaha,Taliyihii Sirdoonka ,Taliyihii Ciidaanka Police-ka,Taliyihii Ciidanka Ilaalada Xeebaha iyo Taliyihii Ciidanka Asluubta. Erigaa dhmaan Taliyaashii Ciidamada wuxuu keenay in gebi ahaanba uu  burburo   isku xidhkii amaanka ee Somaliland(Security network).

 

5.      Wasiirkii iyo Taliyayaashii Ciidamada ee la eryey waxaa lagu soo bedelay shaqsiyaad ,aan haba yaraatee aqoon iyo waayo aragnimo midna u lahay shaqada ay hayaan,kuwaas oo dhamantood ah dad si aan sax ahayn xilkaa culus loogu dhiibay.

 

Arimahaa aan kor ku soo sheegay iyo qaar kale oo badan,oo aanu uga xishoonay danta qarannimo,ayaa keenay in maanta la yidhaahdo Somaliland amaan ma aha, hana laga soo daadgureeyo Shaqaalaha Shisheeyaha ah. 

Ugu dambayn waxaanu shacabka reer Somaliland ugu baaqaynaa in aanay ku halaynin Xukuumada maanta jirta nabadgelyada wadanka,balse ay dhexda u xidhaan sidii ay u ilaalin lahaayeen nabadii Somaliland ku soo nabad iyo caano maashay,cid walibana ku aamaani jirtay.

 ALLAA                   MAHAD                 LEH

    Abdi M.Saleiman(Mingiste)

Xoghayaha.Arimaha Gudaha iyo Xidhiidhka Gobolada.

                              Xisbiga UCID

            abdi_saleiman@hotmail.com

 




   
Xafladii xuska 18ka May ee Soomaaliland ee Holland oo ku soo dhamaatay dagaal iyo gacan ka hadal    20 May 2013
Qaar ka mid ah Deegaanada Soomaaliland oo 18ka May ku Sheegay maalinta nadaafada iyo qashin aruuriska!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    19 May 2013
Ururka sahal oo bayaan adag ka soo saaray caddaallad xumada iyo faragelinta qaawan ee Xasan Sheekh    19 May 2013
Dawwo:Haween Soomaali ah oo xabsiyo dheer dheer lagu xukumay dalka Maraykanka    18 May 2013
Maxkamada Magaalada Minneapolis ee Mareyknka oo xukun kala duwan ku riday dhalinyaro Soomaaliyeed!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    16 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software