Muqdisho(WNT)-Hay’ada
Booliiska Aduunka ee Interpol ayaa magaalada Muqdisho soo gaarsiisay laba nin
horay la sheegay in denbiyo uga galeen magaalada Muqdisho,kuwaasi oo laga soo
qab qabtay dalka Koonfurta Sudaan,iyadoo loo haysto danbiyaal dil iyo dhac isug jira.
Eedaysanayaashan oo Interpol ay shalay soo gaarsiisay
magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku jira nin magiciisa lagu sheegay Cabdiraxmaan
Ciise Axmed, oo horay magaalada Muqdisho uga axsaday,ka dib markii uu bishii
June ee sanadkii lasoo dhaafay uu dil u geystay Marxuum Saciid Dhiblaawe Siyaad
oo Muqdisho lagu dilay 29kii bishii May 2012iyadoo sidoo kalena uu dhaawac u
geystay nin la dhashay marxuumka dhintay.
Soomaalida ayaa caado ka dhigatay in si fudud loo dilo dadka
dabadeedna ay u baxsadaan dalka deriska ama dibadaha,waxaana tani daah fur u
noqonaysaa in meel lagu dhuuntaa aysan jirin doonin mar haddii denbiilayaashan
laga soo qabtay koonfurta Suudaan,waxaana rajo laga qabaa in arintani soo
yarayso dilalkii macna la,aanta ahaa ee dadka lagu hayey.
Dhinaca kale Booliiska magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigay
25 ruux oo ay sheegeen inay magaalada Muqdisho ka gaysteen denbiyaal kala
duwan.
Xafiiska wararka
Waayaha.net