Hooyooyin Soomaaliyeed oo wiilashooda lagu dilay dalka
Canada ayaa waxaa la sheegay inay u soo jeediyeen dowlada dalka Canada talooyin
lagu xilinaayo sidii loo baajin lahaa inay dhacaan dilal kale oo la mid ah
kuwii lagu gumaaday caruurtooda.
Hooyooyinkaan oo dhawaantaan soo bandhigay qorshe ay
sheegeen inuu baajin karo in dib dambe ay u ooyso hooyo Soomaaliyeed oo la
dilay wiilkeeda ayaa waxaa la sheegay inay isaga kala yimaadeen dhawaantaan
magaalooyinka dalkaas Canada iyadoona hooyooyinkaas ay ahaayeen kuwo
wiilashooda lagu dilay dalka Canada, Xabiba Adan oo ka mid ahayd hooyooyinkii
Soomaaliyeed oo soo qbanaqaabiyey kulankaas islmarkaana bishii September ee
sanadkii hore lagu dilay wiilkeeda Warsame Cali oo 26 sano jir ahaa magaalada Toronto ayaa waxay
sheegtay inay dhibaatadaan tahay mid u taalo dhamaan dadka iyo dowlada Canada
oo aysan ahayn mid u gaar ah qaxootiga Soomaaliyeed oo kalia, Hooyooyinkaan
ayaa waxay talo ahaan u soo jeediyeen in caruurta loo yeelo xirfad waxbarasho,
in la baaro dilalkii loo geystay wiilashii Soomaaliyeed ee aan wali wax xal ah
loo helin, in laga hortago dhalinyarada Soomaaliyeed ee isaga waxbarashada
ayagoon dhameysan waxbarashadooda iyo in la damaanada qaado amaanka dadka
marqaatiyaasha ah ee wax badan ka og dilalkaas si aysan u cabsan oo ay u
sheegaan waxay ka og yihiin dilalakaas xad dhaafka ah ee lagu gumaado
dfhalainyarada Soomaaliyeed ee ku ool dalka Canada.
Ugu dambeyntiina iyadoo Soomaalida lagu dilay dalkaas Cnada
ilaa iyo sanadkii 2005 ay tiradoodu kor u dhaafeyso ilaa iyo 50 qofoofd ayaan
waxaan la ogeyn in talooyinka ay hooyooyinkaas u soo jeediyeen dowlada dalka
Canada ay wax ka tari doonaan inuu baaqdo dhiig dambe oo dhalinyaro
Soomaaliyeed inuu ku daado dalkaas Canada ayaa kulankaas oo uu goob joog ka ahaa
xubin baarlamaanka gobolka Ontario ninka lagu magacaabo Mike Colle iyadoona ay
gobolkaasi ay ku nool yihiin Soomaali fara badan oo uu saameyn ku yeeshay dilka
loo geysto dhalinyaradaas Soomaaliyeed ayaa waxaa uu ninkaas sheegay in 47%
raga ku nool gobolada Ontario iyo Alberta ee dalkaas Canada la dilay 10kii sano ee ugu dambeeyey arintaasna loo
qabtey dad yar qaar badan oo dilkaas geysteyna ay wali suuqa marayaan ayagoo
xornimadooda heysta.
Halkaan ka daawo: http://www.youtube.com/watch?v=Vrge-ZmPDGE
Abdirizak M.
(Xiireey)
Holland
Abdirizakxiireey@hotmail.com