kulan madaxeedka
ururka Midowga Afrika ayaa maanta ka furmaya xarunta ururku uu ku leeyahay
magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopina,
iyadoo shirkaas uu Soomaaliya uga qayb-galayo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan
Sheekh Maxamuud.
Madaxda Afrika ayaa kaga hadli doona shirkooda sannadkan
dagaallada ka socda dalka Maali iyo ka bixitaanka Soomaaliya ay ka baxday
xilligii KMG ahaa iyo aqoonsiga uu Mareykanku siiyay.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in lagu wado in Madaxweyne
Xasan Sheek inuu kulankaas ka jeediyo
khudbad uu kaga hadlayo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, wixii dowladda
u qabsoomay iyo sidoo kale waxyaabaha ay dowladda Soomaaliya uga baahan tahay
dalalka Afrika.
Sida wararka
sheegayaan kulanka madaxeedka ururka Midowga Afrika ayaa waxaa hareeyey dood ku
aadan dalka Maali oo hadda ay kasocdaan qalalaaso aad u xooggan dagaallana ay
ka socdaan,halkaasi ay tageen ciidamo ka socda dalka France-ka.
Xafiiska wararka
Waayaha.net