Muqdisho(WNT)-Wararka
soo baxaya ururka Al-shabaab ayaa sheegaya in askarigii Faransiiska ee Al-Shabaab
ay ku qabteen isagoo dhaawac ah weerarkii Buula Mareer uu u geeriyooday
dhaawiciisii.
Sida goor dhoweyd
lagu qorray bog ay leeyihiin ururka
Al-shabaab ayaa lagu sheegay in Askarigaasi oo dhaawac ahaan ay uqabteen uu u
dhintay dhaawacaasi,iyadoo lagu daaweynayey Xarumo Caafimaad oo aan la sheegin
halka ay ku yaallaan.
Wararka Lagu qoray barta wararka ee ururka Al -Shabaab ayaa
tilmaamaya in Goordhow suura gal ay tahay in la baahiyo Sawirada Askarigaasi
sida barta wararku ay ka soo xigteen saraakiil Ka tirsan Ururka Al shabaab.
Dagaal gaadmo ahaa oo ay soo qaadeen ciidamada faransiisku
ay kala kulmeen guul darro aysan filayn,waxaana dagaalkaasi kaga dhintay 2
askari oo ciidamadooda ka tirsan,waxaana iyana guul daraysteen inay gacanta ku
soo dhigaan askari kale oo ay raadinayeen.
Xafiiska wararka
Waayaha.net