Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
France: Ha bixiso mag-dhowga dadka rayadka ah ee Buulo-Mareer.

Axmed-yaasiin Max'ed Sooyaan

Waan qabaa in Soomaaliya aysan gacanteena  ku jirin, waana ognahay in sida wax u socdaan ay tahay si khaldan, ma garan waayin in dowladaha waaweyn ciddaan dadkooda ahayn aysan dad u aqoon, laakiin sidaas kuma aamusayno, Soomaaliya  in cid kasta ay  waxay doonto ka samayso sharci u noqon mayso nin la af-duubtay oo la rabo inloo dilo kun caruur ah oo aan waxba galabsan, iyadoo lagu taba barayo ciidamo ciyaal suuq ah oo qoysas iyo xaasas mas’uul ka ahayn oo aan garanayn qiimaha qofka bini aadanka ah.

Hawl-galka  ciidanka Commandos-ka ee dalka France ku  galeen Buulo-Mareer ma ahayn mid sida kan ciidammada AMiSOM layna leeyahay waxaan gacan ku siinaynaa ummadda Soomaaliyeed inay nidaamkii dowladnimo dib ugu soo noqoto, ma aha mid Al-shabaab la rabay in looga xoreeyo dadka shacabk ah ee ay xoogga ku haystaan, laakiin wuxuu ahaa mid la doonayay in laynagu baro awoodda iyo xoogga Faransa…. Laakiin falsafad ahaan Soomaalidu xoog kama baqdo iyo ciidamo tiro badan, waxaase hal hayso u ah “Gar-daraale Ma Guuleysto”!

Macnaha waxaa weeye Soomaalida run ahaan gar-darrada waa laga badiyaa, wax kalaba ha lagu dhaliilo laakin gar-darrada waa laga badiyaa, sidaa aalaaba ay rumaysanyihiinna ma aaminsana waa lagaa hub badanyahay oo sidaa kuma baqaan, waa lagaa tiro badanyahay oo kuma baqaan, laakiin haddii ay tuhunsanyihiin inay gar-daranyihiin kuma dhiirradaan colaadda.

Waxaa muuqata in  dowladda Faransa iyo dowladaha waaweyn ay aaminsanyihiin in sida dagaalku u dhacay ay ahayd si askarinimo ah (Commandos= askarinimo, xaylad dagaal oo sareysa waqti go’an hawl-gal ku fuliya ) taasoo macnaheedu ayahy in askarigu uusan qiimayn dadka aan dadkiisa ahayn waxay dilaana waxay doonaan ha ahaadaanee waxaa lagu qeexayaa inuu yahay qayb ka mid ah yoolkii (Target) loo socday waxayna magaca la wadaagayaan wixii bar-tilmaameedkoodu ahaa, taasina ma keenayso danaha ah in magac laga helo ee waxay horseedaysaa oo keliya is nacayb iyo cadaawad sii lagu sii kala fogaado.

Denis Alex, wuxuu ahaa askri basaas ah oo isagoo waajibkiisii gudanaya ay qabteen askar kale oo cadowgiisa ah, sidaa daraadeed ma aha sabab macquul in dad rayad ah oo aan dagaal ku jirin, oo aan hubaysnayn maalin kasta ay ku dhintaan  hawl-galo  ay isku ugaarsanayaan ciidamo hubaysan oo is bar-tilmaansanaya, sida wararka loo sheegayana Denis Alex ma aha nin la af-duubtay ee waxaa la oran karaa waa askari isagoo hawl-gal basaasnimo  ku jira ay qabsadeen cadowgiisii, waliba waa sida ay kooxda Al-shabaab ku eedaysay xilligii ay qabsadeen ninkaas iyo saaxiibkii.

 Dadka Soomaaliyeed inkastoo ay maanta aafeeyeen colaadaha  dhexdooda ah, in kastoo aysan ahaysan dowlad wax ku ool ama ku mashquulsan sidii ay dadka dib isugu soo celin lahayd, in kastoo nin kasta muruqiisa tusayo oo u dowladaynayo ma aha inaysan la socon dulmiga joogtada ah ee maalin kasta laga gelayo, waxaana xusid mudan in siyaabaha laynoola dhaqmay aysan ahayn si aan mudannahay, ama si abaal  layna gashanayo. 

Annagu maalin kasta dad baa innaga dhimmanaya oo ay innaga dilayaan ciidamo shisheeye, laakiin waxay haystaan qiil ah in madaxdii dalka joogtay iyo shacab badan qabaan in sidaas ammaanka dalka ku jiro, in sidaas dowladnimadii iyo qaranimmadii aan iska burburinay  la rabo in lagu soo cesho, waxaana dareemeeynaa inaan annaga is aamini waynay, laakiin taas macnaheeda ma aha inaan waxba kala garanayn, inkastoo aysan jirin ceeb ka weyn dad wax kasta wadaaga wax kastana isu ah oo hadana heshiin kari waayay….Garasho?!...

Waa hubaa in dad badan iigaga aragti duwanaanayaan waxa aan sheegayo oo waliba Soomaali ah, laakiin xaqiiqda aan la aqbali karin ayaa waxay  tahay in nin askari inta magaalo dad deggenyihiin cirka uga soo dego  uu  qofkii  ka soo hor baxaaba  xabbad  isaga dhufto!...xataa Ugaarta sidaas looma dilo casrigan aan joogno!...magacyo badan oo aan macno lahayn baa laynagu dilay Burcad-badeed! Al-shabaab! Islaamiyiin! Kaaga daranee  hadana la rabaa in dalkii oo dhan laynooga qabsado,  haddee ina wada laaya haddii aad awoodi  karaysaan waayo innaga oo dhan, Soomaali haddaan nahay  Islaam baa nahay, ama  Islaamiyiin ha  la dhaho ama...mana aha mid aan qarsanayno ee waa mid aan ku noolnahay kuna noolaanayno isla markaana aan rabno inaan ku dhimmanno.

Waxaan   Faransiiska uu iska caadaystay in  dalka Soomaaliya uu hawl-galo keliya u yimaado, waliba si isla weyni ku jirto isagoo aad moodo inuu dunida tusayo inaysan Soomaalida dad ahayn oo luuqadda keliya ee ay garanayaan ay tahay xabbadda afka qoriga ka baxaysa, sida uu maalinimadii shalay  hawl galkaas ka dib ku waramay waziirka difaaca ee Faransa Jean-Yves Le  Drian waxaa ciidamadooda ka dhintay hal askari iyo mid la waayay, wuxuuna dhinaca kale sheegay inay  Al-shabaab ka dileen ilaa 17askari, laakiin sida ay sheegeen dadka deegaan ciidammada Faransiiska ayaa meel ka baxsan tuulada ku soo dilay dhowr qof oo shacab ah oo uu ku jiro wiil yar oo 2sano jir ah.

Waan garan karaa in maanta aan wax kasta u dagannahay laakiin dowladda Soomaaliya waa inay samaysaa baaritaan la xiriira wax-yeelada inta ay la egtahay, iyadoo  taagero  niyad sami ah la siinayo qoysaska dadkooda la laayay isla markaasna loo kiraynay qareeno (Lawyers) u dacwooda oo xuquuqdooda u raadiya, waxaana aad u haboon dowladda  si cad oo aan aashuun (jalxad)  lagu adimayn u cadayso inay dowladda Faransiiska ay qoysaskaas daiyo siiso.

Dad-weynaha Soomaaliyeed 22sano ma aysan arag cid aan dilayn, Qabqable magacyo kala duwan huwan,  SHirkado aajnabi ah sun iyo qashinka Nukliyeerka (Nuclear-ka ) ku soo daadiya, Dowlado xoog is biday oo gar iyo gar-darraba iyagu waxoodu sharci yihiin oo dalka gudihiisa waxay doonaan ka sameeya, waxaadna garanaysaa  in kulanka lagu midoobay ee qarammada  dunida (UN) awooddisa qaynuun ay tahay tan maanta Soomaaliya lagula dhaqmayo,  oo xattaa ilaa iyo hadda Banki Moon wixii shalay ka dhacay Soomaaliya kama hadlain wuxuu ku war-wareeganayaa eedaha loo soo jeediyo Burcad badeedda iyo wixii la mid ah.

Dennis Alex wuxuu askari  gudanaya  hawshiisii askarinimo oo inuu dhinto mudan kara in la qabsado sida hadda ku dhacdayba mudan kara, inuu badbaadana mudan kara, duulaana ku ahaa sir iyo xog  ay dowladdiisa ku waajib yeeshay, laakiin ilmaha yare e 2jirka, iyo dadka aan wax galabsan ee Buulo- Mareer  inta diyaarad dusha looga keenay layska dilay, maxay tahay xil-kasnimo yaridaas?!... taasi maxay kaga duwantahay Burcad-badeednimmada xeebaheennii lagu xalaalaystay  oo in ka badan 600markab dagaal  xeebaheenna hoganayaan!

 Dadka Soomaaliyeed saaxiibkooda way ka yaqaanaan cadowgooda, dowlado badan oo siyaasadda  dalka faro gelin ku haya isla markaasna wax-yeeleeya shacabka way jiraan, laakiin ma aha sida Faransiiska kuwo marka ay dantooda gaarka u socdaan oo keliya inoo yimaada, wixii aan colaad soo marnay muddada rubac qarniga ku dhow Faransiiska wax tarka inaga soo gaaray wuxuu noqday inuu inoo isticmaalo meel uu quwadiisa ku tijaabiyo ciidamadiisa .

Waxaan aad uga xunnahay xad gudubka loo geystay  dadka shacabka ee layska laayay iyagoo aan waxba galabsan, waxaana uga tacsiyeynaynaa qoysaskoodii,  ehelladii iyo qaraabadii ay ka tageen, annagoo Alle uga baryeeyna inuu naxariistiisii jano siiyo iyaga iyo cid kasta oo islaam ah oo ay wax yeelo ku soo gaartay, waxaana dowladda Faransiiska u sheegaynaa haddii uu jiro xeer ay ilaalinayso oo xuquuqda bini-aadamka ay ilaalinayso inay mag-dhow siiso dadka ay laysay eheladooda.

Waxaan rajaynayaa ninna innagama qab weynee qab been ah inaan laysku sirmin, dowladda Faransiiskana ay innagu ixtiraamto xeerarka iyo xuddudaha ay dunida wadaagto,  isla markaasna ay garowshiinyo ka bixiso gefka ka gashay dadka Buulo-Mareer iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeedba. 




   
Xafladii xuska 18ka May ee Soomaaliland ee Holland oo ku soo dhamaatay dagaal iyo gacan ka hadal    20 May 2013
Qaar ka mid ah Deegaanada Soomaaliland oo 18ka May ku Sheegay maalinta nadaafada iyo qashin aruuriska!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    19 May 2013
Ururka sahal oo bayaan adag ka soo saaray caddaallad xumada iyo faragelinta qaawan ee Xasan Sheekh    19 May 2013
Dawwo:Haween Soomaali ah oo xabsiyo dheer dheer lagu xukumay dalka Maraykanka    18 May 2013
Maxkamada Magaalada Minneapolis ee Mareyknka oo xukun kala duwan ku riday dhalinyaro Soomaaliyeed!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    16 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software