Gaalkacayo(WNT)-Wasiirka
Shaqada ,shaqaalaha ,dhalinyarada iyo Cayaaraha Puntland Cabdiweli Xirsi
Cabdule (Indhoguran) ayaa ku tilmaamay nasiib darro doorasho dhowaan lagu
qabtey Muqdisho oo guddiga Ololbikada Soomaliyeed isku kooben xubno ka soo
jeeda hal gobol.
Kulan war baahineed uu ku qabtay ku qabtey magaalada
Galkacayo ayuu kaga hadlay arintan oo ku
eedeeyey in xubnaha doorashada ku qabtey Muqdisho ay gobolka Banaadir ku
koobeen kuraastii Soomali u dhameyd.
‘’Waxa nasiib darro ah inay magacabeen guddi hal gobol ka
soo jeeda,waxaana u aqoonsaneynaa guddiga olombikada gobolka Banaadir’’ Ayuu
yiri Indha-Guran.
Dadka Soomaaliyeed
ayaa Dhaka faar waxa ku noqotay gudigan la doortay ay isku koobeen koox gaar ah
ooh al beel iyo gobol ka soo jeeda iyagoo sheegaynaya inay mathalayaan bulsha
weynta Soomaaliyeed.
Xafiiska wararka
Waayaha.net