Buulo-mareer(WNT)
In la sheegay ilaa 20-qof oo isugu jira dhinacyadii dagaalamay iyo weliba dad
shacab ah ayaa ku dhintay dagaal xalay gellinkii dambe ku dhexmaray deegaanka
Buulo-mareer ee gobolka Shabeellada Hoose ciidamada dalaayaha ku booda ee Faransiiska iyo ururka Al-shabaab.
War ay siidaysay wasaaradda gaashaandhigga Faransiiska ayaa lagu sheegay in laba ka mid ah ciidamadooda si
gaarka u taba baran iyo la haystihii ay doonayeen inay soo furtaan ay kaga
dhinteen weerarkaas, sidoo kalena ay ku dileen 17 dagaalyahan oo ka tirsan
Al-shabaab.
Waxaa kale oo wararku sheegayaan in 6 qof oo shacab ah ayaa
sidoo kale ku dhintay dagaalkaas, kuwaas oo la sheegay inay ku jireen haweeney
uur leh, cunug yar iyo nin oday ah, iyadoo la sheegay inay dadkaas toogteen ciidamadii
dhulka ka dagaalamayay ee Faransiiska ahaa.
Dowladda Faransiiska ayaa sheegtay in Dennis Allex ay dileen
xubno ka tirsan Al-shabaab intii uu dagaalku socday,hase ahaatee ururka
Al-shabaab ayaa sheegtay inay weli gacanta ku hayaan Allex oo nool yahay
saxaafadda u soo bandhigi dooonaan marka ay nabaddu u saamaxdo.
Al-shabaab kama aysan hadlin khasaaraha dhankooda kasoo
gaaray dagaalka, iyadoo xaaladda degmada ay caadi kusoo laabatay maanta baqadii
dina loo furay ganacsiga.
Saldghiggii Al-shabaab ee weerarka lagu qaaday ayaa gabi
ahaanba burburayi, waxaana weerarkan uu
ahaa kii ugu horreeyay oo ay Faransiisku ku qaado saldhig ay Al-shabaab ku
leeyihiin Soomaaliya.
Weerarka xalay lagu qaaday ururka Al-shaabaab ayaa waxaa uu
yahay mid ay u arkaan inay guulaysteen,mar haddii ay difaacdeen ninkii dowlada
Faransiisku doonaysay inay ka furato.
Xafiiska wararka
Waayaha.net