Bacaadweyn(Puntlandi.com):- FIQI Bashiir Cabdulle Cusmaan ayaa
si rasmi ah loogu caleema saaray Fiqiga Beesha Xirsi Faarax Shirwac.
Xafladii Caleema saarka Fiqiga oo si heer sare ah loo soo
agaasimay kana dhacday Xarunta shirarka Fiqi Xirsi ee Jeedalow Bacaadweyn ayaa
waxaa ka soo qaybgalay Isimada Gobolka Mudug oo uu hogaaminayo Islaan Bashiir
Islaan Cabdulle, Nabadoonada, Odayaasha, Waxgaradka, Culima’udiinka
Aqoonyahanka, Ganacsatada, Dhalinyarada iyo Hooyooyinka Beelaha gobolka Mudug.
Waxaa kaloo iyaguna Xafladan Caleemasaarka ka soo qaybgalay
Wafuud ka socotay Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Dawlada Puntland ee
Soomaaliyeed oo ka qaybgalka shirkan loo soo wakiishay waxaana ka mid ahaa
Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame, Wasiir ku xigeenka
Arrimaha gudaha ee dawlada Puntland mudane Cali Yuusuf Cali Xoosh,
Wasiiru-dawlaha Maamul wanaaga Puntland mudane Maxamed Faarax Ciise Gaashaan,
Wasiirka Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Cayaaraha ee dawlada puntland mudane
Cabdiwali Xirsi Cabdulle (Indha-guran), Wasiiru-dawlaha Amniga Madextooyada
Puntland mudane C/qani Yuusuf Cilmi, Wasiir ku xigeenka Deegaanka mudane
Burhaan Cilmi Filig, Wasiir ku xigeenka maaliyadda Puntland C/raxmaan Maxamuud
Xaaji Xasan, Wasiir ku xigeenka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland C/qani
Geelle Maxamed iyo Wasiir Bashiir Maxamuud, Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta
qoyska dawlada Puntland Marwo Xaliimo Xasan Cismaan, guddoomiyaha gobolka Mudug
Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey, Duqa degmada Gaalkacyo Siciid Cabdi Faarax,
guddoomiyaha Bacaadweyn Siciid Maxamed Jamac iyo xubno kaloo farabadan oo ay ku
jiraan masuuliyiin horay xilal kala duwan uga soo qabatay dawlada Puntland.
Waxaa madasha horay ugu sugnaa 150 Xubnood oo Ergo ah iyo
ilaa 500 oo xunood oo ka qaybgalayaasha shirkii socday ah, waxaana intaasi
dheeraa dad dhawr boqol oo kale gaaraya oo ka tirsan beesha Fiqi Xirsi oo ka
qaybgalka xafladan uga kala yimid Gobollada dalka Soomaaliya oo dhan iyo
wadamada dibada, guud ahaana bulshadii faraha badnayd ee xafladan caleemasaarka
ka soo qaybgashay waxay qiyaas ahaan gaarayeen 2500 ilaa 3000 oo qof oo ka
kooban qaybaha bulshada iyo dawlada.
Intii ay socotay Xafladan caleemasaarka waxaa ka hadlay
Waxgarad farabadan oo ay ugu horeeyaan Salaadiinta, Garaadada, Cuqaasha,
Nabadoonada, Samadoonada, iyo Hogaamiyaasha dhaqankja Soomaaliyeed ee gobolka
Mudug oo aad u bogaadiyay shirweynahan Beesha iyuo Natiijada ka soo baxday ee
ay ugu horayso Doorashada iyo Caleemasaarka Fiqiga Beesha Xirsi Faarax, Waxayna
ilaah uga baryeen in uu u fududeeyo Masuuliyada ay umadu u dhiibatay iyo xilka
weyn ee uu qaaday.
Hogaanka dhaqanka ee Shirkan ka hadlay waxay sidoo kale
Fiqiga u muujiyeen niyad wanaag iyo soo dhaweyn la xiriira ku soo biirida
hogaanka dhaqanka Soomaaliyeed, waxayna tuseen Masuuliyada balaaran ee uu
dhabarka u ritay iyo gudashada Waajibaadka saran ee laga dhawrayo.
Dhinaca Wafdiga dawlada puntland ay u soo wakiilatay ka qaybgalka
xafladan Caleema-saarka FIQI Bashiir Cabdulle Cusmaan ka hadlay guddoomiyaha
gobolka Mudug mudane Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey iyo Wasiiru-dawlaha maamul
wanaaga dawlada Puntland mudane Maxamed faarax ciise Gaashaan waxayna aad ugu
dheeraadeen qiimaha dhaqan iyo umadeed ee Masuuliyadani ay leedahay.
Masuuliyiintani waxay si niyad samaan ah farxadina ay ku
dheehan tahay u so dhaweeyeen iyagoo afka dawlada ku hadalaya Shirweynaha
beesha ee soo gabagaboobay qodobadii ka soo baxay iyo Caleemasaarka Fiqiga
Beesha reer Xirsi faarax ay dooratay.
Intii ay xafladani socotay waxaa madasha laga soo jeediyay
Baayaankii shirweynaha Beesha ka soo baxay iyadoo la dul maray qodobo muhim ah
oo ka qaybgalayaasha shirka iyo ergada shirka ee Beeshu ay isla jaangooyeen.
Sidoo kale waxaa madasha laga akhriyay taariikh nololeedkii
Fiqiga oo si qumaati ah uga waramayay Aqoonta diimeed iyo mida maadiga ah ee
Fiqiga, khibrada shaqo ee uu leeyahay iyo Indheergaradnimadiisa la xiriira
Soomaalida iyo dhaqankeeda Suuban.
Xafladan Caleemasaarka Fiqiga waxaa sidoo kale laga akhriyay
Kalmadii FIQI Bashiir Cabdulle Cusmaan Fiqiga Beesha Xirsi Faarax Shirwac uu
xafladan ugu talagalay oo uu u wakiishay C/risaaq Sanweyne oo ka mid ahaa Shir
gudoonka.
Fiqigu wuxuu khudbadiisan aad ugu muujiyay sida ay uga
go’antahay horumarinta iyo isku soo dumida umadda, midaynta iyo wax wadaqabsiga
umadda, la shaqaynta iyo qiimaynta hogaanka dhaqanka ee beelaha gobolka Mudug
iyo midka guud ee beelweynta Cumar Maxamuud.
Fiqigu wuxuu kaloo khudbadiisan ku muujiyay hanaanka
wanaagsan ee uu damacsan yahay iyo kaalinta uu ka qaadan doono hagaajinta
mustaqbalka Umada ee dhaqan dhaqaale.
Qodobada uu aadka diirada ugu saaray khudbada fiqiga waxaa
ka mid ah Nabadaynta, kobcinta ilaha dhaqaalaha ee bulshada, kor u qaadida
adeegyada arrimaha bulshada la xiriira, nabadaynta deegaanka iyo arrimo kaloo
muhim ah.
Intaasi kadib waxaa hadalka lagu soo dhaweeyay Islaan
Bashiir Islaan Cabdulle Islaan Faarax oo Shirka soo xiray khdubad dhinacyo
badan taabanaysana ka jeediyay.
Islaanku wuxuu muujiyay Niyad samaan iyo taageero la xiriira
hogaankan cusub ee beeshu yeelatay, wuxuuna kula dardaarmay in uu sida loogu
sharfay xilkan umada wax ugu qabto masuuliyadii loo dhiibtayna uu uga soo baxo.
Islaanku wuxuu FIQI Bashiir Cabdulle Cusmaan ugu duceeyay
masuuliyadan uu qaaday, wuxuuna dhamaan qaybaha bulshada gaar ahaan Beesha reer
Xirsi faarax ugu baaqay in ay adeecaan hogaankan ay samaysteen islamarkaana ay
sida ugu wanaagsan ula shaqeeyaan.
Islaan Bashiir Islaan Cabdulle wuxuu muujiyay xurmada
dhaqanku leeyahay iyo sida wanaagsan ee ay u hogaamiyaan umada, wuxuuna
carabaabay in ay la shaqaynayaan ka isimo ahaan hogaankan cusub soona
dhawaynayaan.
Intaasi kadib waxaa si rasmi ah loo caleema saaray FIQI
Bashiir Cabdulle Cusmaan hogaanka dhaqanka ee Beesha Xirsi Faarax Shirwac oo
iyadoo lagu sharfayo la saaray Koofiyadii iyo Cumaamadii mansabka qaaliga ah ee
hogaanka dhaqanka Soomaaliyeed.
Xafladan Caleemasaarka FIQI Bashiir Cabdulle Cusmaan Fiqiga
Beesha Xirsi Faarax Shirwac waxaa lagu soo xiray shirweynihii Beeshan oo mudo
22 maalmood ah ka socday Madasha shirarka Fiqi Xirsi ee Jeedalow Bacaadweyn
kana furmay 20-12-2012 iyadoo 23-kii 12-2012
uu si rasmi ah u furmay markii uu daah furay Islaan Bashiir Islaan
Cabdulle islamarkaana looga hadalayay mudadaasi arrimo farabadan oo Muhiim u ah
Beesha Reer Xirsi iyo dhamaan Beelaha la wadaaga Dhalashada, Deegaanka iyo
Diintaba.
Halkaan hoose ka akhriso Bayaankii beeshu ay ka soo saartay
gabagabdii Shirka:-
Bayaanka
Shirwaynaha Beesha Fiqi-Xirsi
Salaan iyo Bogaadin
- Islaan Bashiir Islaan Cabdulle
- Dhamaan Isimada sharafta badan ee fadhiya madasha
- Wasiirada Dowlada Puntland,
- Godoomiyha Gobolka Mudug, iyo Maamulka Degmaada
- Nabadoonada, Samadoonada, Culuma,u diinka, Aqoonyahanada
iyo Gabdheheena Sharafta leh iyo Bahda Warbaahinta ee ka soo qaybgalay Caleema
saarka FIQI Dr. Bashiir Cabdulle Cusmaan, Dhamaantiin Salaamu calaykum Wr. Wb.
Mahadcelin.
Waxaan u mahadcelinayaa dhamaan dadka Maamuuska iyo Sharafta
leh oo ka soo qaybgalay xafladaan quruxda badan, dadkaan oo ka kala socda
qaybaha Bulshada, Isimada, Dowlada, Nabadoonada, Aqoonyahanada, dhalinyarada,
samadoonada, Culuma,udiinka, gabdhaha, iyo Warbaahinta. Mudanayaal iyo
Marwooyin, waxaam dhamaan idiinkaga mahadcelinayaa aniga oo ku hadalaya Afka
idil ahaan dadka Beesha Reer Xirsi rag iyo dumarba kasoo qayb galkiina ay ka
muuqato Farxad iyo Dareen Tolnimo oo qurux badan, Caleema Saarka FIQI Dr. Bashiir
Cabdulle Cusmaan. Aad iyo Aad baad u mahadsantihiin walaalyaal.
Walaalayaal sida aad dhamaantiin la wada socotaan waxaa shir
uga socday Beesha Reer Xirsi Madasha Jeedalow oo aan maanta fadhino, shirkaan
oo u furmay 23-12-2012 oo si rasmi ah u furmay markii uu daah furay Islaan
Bashiir Islaan Cabdulle, shirkaas socday muddo dhan 20 bari, maantana aynu wada
fadhino gunaanadkiisii iyo gabagabadiisii.
Mudanayaal iyo Marwooyin shirkaas intuu socday waxaa diirada
lagu saaray arrimo Muhiim u ah Beesha Reer Xirsi iyo dhamaan Beelaha la wadaaga
Dhalasho, Deegaan iyo Diinba oo madashaan wada fadhiya maanta.
Waxyaalaha uu shirku si gaar ah afka ugu hayay waxaa ka mid
ah
Ku dhaqanka Shareecada Islaamka oo aan ku dhalanay kuna
dhaqano
Xoojinta iyo ka shaqaynta Arrimaha Nabadgalyada deegamada ay
Beeshu wax degto iyo Guud ahaan Puntland
Xoojinta iyo Tayaynta Arrimaha dhaqanka Beesha Reer Xirsi
Kor u qaadida dhamaan Arrimaha Bulshada sida waxbarashada
kala duwan oo dhan, Caafimaadka, Biyaha iyo Ilaalinta Deegaanka
Abuurida iyo Taaba galinta ilo dhaqaale iyo Maalgashi Gudaha
dalka ah oo leh Mustaqbal dhow iyo Mustaqbal dheerba si loo helo faa,iido
dhaqaale iyo shaqo abuur looga boxo shaqo la,aanta baahsan.
Beeshu waxay shirkaan diirada ku saartay dabar goynta iyo la
dagaalanka dhamaan dhaqan xumada dhalinyarada sida burcadbadeednimoda,
maandooriyaha, isbaarooyinka waxaana talo loogu gorfeeyay in la dhaqan celiyo,
korna loo qaado garaadkooda waxbarasho iyo maskaxeed
Waxaa kale oo shirka lagu lafa guray in dhalinyarada da,yarta
ah oo dibada ku dhalatay oo aan dhaqanka Soomaalida aqoon dib dalka loogu soo
cesho si ay ugu barbaaraan dhaqankooda iyo Diintooda.
Waxaa kale oo Madasha Shirka indhaha lagu saaray Midnimada
iyo wadajirka Beesha Cumar Maxamuud inuu Muqadas yahay, Beeshana uu Xil ka
saaranyahay inay ilaaliso kana shaqayso wax kasta oo Horumar iyo midnimo u
horseedaya , Waxayna Beeshu ku baaqaysaa in dhamaan khilaafaadka jira la
xaliyo, lana hirgasho shirka uu ka shaqaynayo guddiga qaban qaabada Shirwaynaha
Cumar Maxamuud.
Waxaa si dheer looga dooday in beelaha kale ee aynu
wadaagno, dhalasho, deegaan, darisnimo ay guud ahaan Beesha Cumar Maxamuud kula
dhaqanto Tolnimo iyo Daris wanaag, gaar ahaan Beesha Reer Xirsi Farax waxay
isku waajibisay inay si gaar ah ugula dhaqanto dhalasho iyo darisnimo sidii
horayba loogu yiqiin.
Mudanayaal iyo Marwooyin
haddba si dhamaan qodobadii shirku ku hamiyay ama lagu
qaadaa dhigay mudaddii uu shirku ka socday Madasha shirarka FIQI Xirsi ee
Jeedalow Bacaadwayn si ay u miro dhalaan oo u noqdaan qodobo dhaxal gal ah oo
ay beeshu ku gaarto danaheeda adduun iyo aakhiroba leh, waxay odayaasha oo ahaa
Marjaca Shirka iyo Ergada Shirwaynaha iyo ka qaybqaatayaal oo dhamaan rag iyo
dumarba leh oo dhamaa 500 qof meel mariyeen Ajendaha Shirka waxayna isku
raaceen ama go,aansadeen qodobada hoos ku xusan
Midnimo iyo Wadatashi ku salaysan aayaka tashiga Beesha Reer
Xirsi
Waxwada qabsi iyo Abuurid ilo dhaqaale, waxaa lagaga
heshiiyay inay beeshu wada jirto oo wada tashato lana abuuro ilo dhaqaale iyo
sanduuqyo horumarineed.
Waxaa la xaliyay wixii Khilaafyo ahaa oo jiray, waxayna
Beeshu qaadatay Xalay dhalay iyo Iscafis Tolnimo oo Buuxa.
Beesha Reer Xirsi waxay go,aasatay in Madashada Jeedalow oo
hadda shirku ka socdo loo aqoonsado loona bixiyo Madasha Shirarka Beesha Reer
FIQI Xirsi ee Jeedalow loola sameeyo Sumada waxqabad muuqda oo maalgalineed,
waxaana la isla gartay in lagu qaban karo shirarka wax ku ool ah dhamaan
Ehelkeena gaar ahaan Cumar Maxamuud.
Xalinta Khilaafyada inakala dhexeeya dadyowga ay beeshu la
wadaagto dhalasho iyo Darisnimo, in la xaliyo cidkasta oo beesha waxka
tirsanaysa ama wax ku leh, Beeshu isku raacday in dadka walaaleheen ah xaqooda
aan siino kulana dhaqano Islaanimo iyo Tolnimo dhab ah.
Beesha Reer FIQI Xirsi waxay go,aansadeen inay ku dhaqanto
shareecada Islaamka iyo Xeer hoosaad waafaqsan Diinta Islaamka si loo helo
Midnimo iyo Kala danbayn.
Beesha Reer Xirsi waxay go,aanstay in Midnimoda iyo
Wadajirka Beesha Cumar Maxamuud in uu Muqadis yahay lana dhowro oo la ilaasho
waxkasta oo u dhimaya dhaqanka iyo wada dhalashada Cumar Maxamuud. Hogaanka
dhaqan ee Cumar Maxamuud waa Islaan Bashir Islaan Cabdulle Islaan Faarax, sidoo
kale waxay beeshu ku talinaysaa in la xaliyo waxkasta oo khilaaf ah oo Cumar
Maxamuud dhexdiisa ka jira lana xoojiyo shirkii uu cilamiyey Islaan Bashiir
Islaan Cabdulle.
Waxbarashada iyo arrimaha Bulshada waxaa beeshu isku raacday
in la xoojiyo waxbarashada dhalaanka, iyadoo horay uu u dhisnaa ururka KAAH oo
wax bari jiray ubad dhan 540 ilmood oo ah ilaa dugsi hoose dhexe ah ayaa la
go,aamiyey salka loo dhigay in ubadkaas la gaarsiiyo ilaa 1000 (Kun) arday
waxbarashadoodana la gaarsiiyo ilaa dugsi sare iyo Jaamacad.
Hadaba si arrimaha beeshu gaartay u sal dhigtaan waxaa
miiska la soo saaray in helo hogaan lagu midaysanyahay iyo qaabka hogaankaas.
Waxaana la go,aansaday in la dhiso labo gole iyo Hogaan ka sareeya si ay u
noqdaan seddex aqal oo wada shaqeeya.
Golaha Nabadoonada iyo Dhaqanka oo dhan 13 xubnood iyo
Golaha Qorsheynta, Arrimaha Bulshada, Siyaasada dhaqaalaha iyo Mashaariicda oo
dhan 11 xubnood.
Waxaa kale oo loo doortay Fiqiga Beesha Reer Xirsi FIQI Dr.
Bashiir Cabdulle Cusmaan oo la doortay 06-Janaayo-2013 oo aynu maanta fadhino
caleema saarkiisa Madasha Shirarka Beesha FIQI Xirsi ee Jeedalow Bacaadwayn.
F.G. Beeshu waxay go’aanstay in ay dhexdhexaad ka ahaato
arrimaha Dowlada Puntland, waxayna ku talinaysaa in la dhowro midnimada iyo jiritaanka
Puntland, waxkasta oo jirana lagu dhameeyo wada hadal.
Waad mahadsanitihiin
Wa Bilaahi Towfiiq