Gabar dhalinyaro ah oo u dhalatey dalkaas Jordan oo aan
lahayn wax gacmo ah ayaa waxaa la sheegay inay mucjiso iyo la yaab ay ku
noqotey dadka aduunka ka dib markii ay gabadhaasi ay awoodo inay u noolaato
sidii qof caadi ah oo kale iyadoo isticmaalayso lugahaeeda.
Gabadhaan oo u dhalatey dalkaas Jordan oo aan lahayn wax
gacmo ah ayaa waxaa la sheegay inuu ilaahay awood u siiyey inay qabsato wax
kasta oo uu qabsan karo qof caadi ah iyadoona ay gabadhaasi ay u nooshahay sida
dadka caadiga ah oo kale iyadoona wax walba ay gacmaheeda u istcmaali lahayd ay
si caadi ah ugu isticmaali karto lugaheeda oo uu ilaahay uga dhigay lugo iyo
gacmo ay si caadi ah oo aan wax dhib ah lahayn ugu adeegan karto wax walba oo
ay u baahato arintaas oo ah wax lala yaabo sida uu ilaahay ugu fududeeyey
gabadhaasi inay lugaheeda u isticmaasho sidii gacmaha oo kale.
Ugu dambeyntiina iyadoo mucjisada gabahdaan iyo hibada uu
ilaahay ku maneeystay ay dad badan oo ku nool aduunka ay la yaabeen ayaa
gabadhaas oo ka hadashay lugaheeda waxay ku qiimeysay inay leedahay lugo dahab
ah taas oo ay ula jeedo inkastoo aysan lahayn gacmo uu hadana ilaahay siiyey
lugo qiimo weyn leh oo ay ugu maacafsan karto sidii gacmaheeda oo kale.
Halkaan ka daawo : http://www.youtube.com/watch?v=erVPoSckUYI
Abdirizak M.
(Xiireey)
Holland
Abdirizakxiireey@hotmail.com