Innalillahi wa innaa Illayhi raajicuun.
Anigoo ku hadlaya magacayga, magaca Shacabka Reer Puntland
iyo Dowladda Puntland, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Marwadiisa Khadra Maxamud Xayd
oo aan uga tacsiyeynayo geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Marxuum Jamac
Maxamud Xayd, Gudoomiyihii Bangiga Dhexe ee dalka Jabuuti.
Waxaan Ilaahay uga baryaya inuu Janatul Firdowsa ka
waraabiyo, Qoyskiisii, ehelladiisii, asxaabtiisii, iyo dhammaan Shacabka iyo
Dowladda Jabuutina ka siiyo Samir iyo Iimaan.
Aamiin
Madaxweynaha Dowladda
Puntland