Gaalkacayo(WNT)-Wafdi
aad ballaaran oo heer wasiir ah ayaa
maanta soo gaaray Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, iyadoo wafdigaasi
magaalada si diiran loogu soo dhoweeyey.
Wafdiga n ayaa ka kooban Wasiirada Caafimaadka ,Ciyaaraha,
Deegaanka , Wasiiradda Haweenka, Maamul
wanaaga , Wasiir ku xigeenada arrimaha gudaha Cali Yuusuf Cali Xoosh, Wasiir ku
xigeenka Maaliyadda C/raxmaan Maxamuud Xaaji Xasan, Wasiir ku xigeenka Duulista
Hawada C/qani Geele Maxamed (Kaneec) iyo Wasiir ku xigeenka Deegaanka Burhaan
Cilmi Xirsi (Filig)
Wafdigaan ayaa u yimid inay u kuur gallaan arimaha gobolka
mudug maalmihii ugu daneeyey kooxaha mucaaradku ay qaylo dhaan ka wadeen,waxaana
la filayaa in deegaanka kulamo la qaataan.
Wafigaan ayaa la filayaa inay magaalada Gaalkacayo ku sii
sugnaadaan maalmaha fooda inagu soo haya.
Xafiiska wararka
Waayaha.net