Soomaalida qaadka cunta ee ku nool dalkaas Holland ayaa
waxaa la sheegay inay soo wajahday qaad la'aan ba'an iyo qiimaha qaadka oo uu
ku yimid sare kac ka dib markii uu dhawaantaan ka hirgalay dalkaas sharci
lagaga mamnuucaayo gebi ahaanba qaadka dalka Holland.
Sharcigaan qaadka looga mamanuucaayo dalka Holland oo dhaqan
galay laga soo bilaabo 5tii bishaan Janaayo ayaa waxaa uu ku noqday
Soomaalidaas qaadka cunta mid lama filaan ah oo lagu kadiyey, iyadoona inkastoo
horey loo ogaa in dalkaas laga yaabo in laga mamnuuco qaadka ay hadana
Soomaalidu u qaadatey oo ay iska dhaadhiciyeen inay tahay arin mudo qaadan
doonto taas oo markii dhawaantaan mar qura ay ka warheleen in la joojiyey ayaga
oo aan u diyaar garoobin ay ku naxeen arintaas, Sidoo kale ayaa warbaahinta
dalka Holland oo xilligii ay socotey dooda ku saabsan joojinta qaadka si weyn
uga hadli jirey arintaas aysan hada gebi ahaanba soo hadal qaadin hirgalinta
iyo dhaqan galida sharcigaas looga mamnuucaayo qaadka dalka Holland taas oo
shaki iyo jaahwareer ku riday Soomaalida qaadka cunta ee ku nool dalka Holland.
Ugu dambeyntiina iyadoo qaadka ama jaadka laga mamnuucay
dalka Holland ayaa waxay dowoladaas u cuskatey inuu waxyeelo qofka maskaxdiisa
iyo jir ahaanba, Laakiin arintaas oo aan ahayn sababta dhabta ah ayaa waxay
tahay anshax xumada is gacan ka hadalka Soomaalida qaadka isticmaasha iyadoona
ay joogto ka noqotey goobaha lagu iibiyo qaadka gacan ka hadal iyo inay
Soomaalidaas mindiyo isku qaataan taas oo keentay inay canasho ka muujiyaan
dadka degaanka, Soomaalida Holland oo jaadka u wareejiyey inay ka soo qaataan
dalka Ingiriiska ayaa waxaa dhawaantaan markii ugu horeysay lagu qabtey Jaad
nin ay warbaahinta Holland ku sheegtay inuu yahay nin u dhashay dalka Jarmalka
oo 54 sano jir ah oo watay jaad gaaraayo ilaa iyo 40 kilo oo uu ka keenay dalka
Ingiriiska oo uu damacsanaa inuu soo galayo dalka Holland asagoona lagu qabtey
halka loo yaqaan Hoek van Holland ee magaalada Rotterdam ee dalkaas Holland.
Halkaan ka daawo : http://www.youtube.com/watch?v=6UkfXgurNYE
Abdirizak M.
(Xiireey)
Holland
Abdirizakxiireey@hotmail.com