Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Moxamud Calasow ayaa waxaa la
sheegay inuu markii ugu horeysay uu ka hadlay qarax lala beegsaday markii ugu
horeysay ee uu qabtay xilka madaxweynanimada asagoona sheegay inay madaxda
Soomaalida ay miisaska hoostooda galaan cabsi awgeed markey qarax maqlaan.
Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Moxamud Calasow oo
dhawaantaan u waramaayey Jaaliyada Soomaaliyed ee Kenya ayaa waxaa uu si kaftan
ah uu ku jira uga sheekeeyey qarax lala beegsaday maalintii ugu horeysay ee uu
la wareegay xilka madaxweynanimada asagoona sheegay inay wixii meesha joogay ee
madax iyo wariyayaaal ahaaba ay miisaska hoostooda galeen laakiinse uu asaga
meeshiisa ka dhaqaaqin madaxweynaha ayaa waxaa uu sheegay in 3 qarax oo isku
xigta ay dhaceen laakiinse aysan waxba iska badalin xaaladiisa, asagoona taas
ku macneeyey inaysan ahayn macnaheedu inuusan cabsaneynin laakiinse inay tahay
arin ka badatey oo soo noq noqtay oo nolosha ka mid noqtey.
Ugu dambeyntiina iyadoo hees qosol badan oo cajiib ah laga
sameeyey sheekada madaxweynaha oo markii uu tilmaamaayey sidii qaraxa u dhacay
ku sheegay BUG hadana BUG hadana BUG ayaa sidoo kale waxaa uu madaxweynuhu
sheegay inuu ageesinimadiisa uu la yaabay wasiirka arimaha dibada ee dalka
Kenya ee waqtigii uu qaraxaas dhacaayey ku sugnaa goobtaas asagoona
madaxweynaha u sheegay oo ku yiri adiga maba baqeysid miyaa, taas oo uu
madaxweynuhu ugu jawaabay waa nagu bareen sheekadaan oo nolosheeney ka mid
noqotey qaraxaas.
Halkaan ka daawo : http://www.youtube.com/watch?v=DI4ocsnPLdE
Abdirizak M.
(Xiireey)
Holland
Abdirizakxiireey@hotmail.com