Kismaayo(WNT)-Magaalada
xeebta ah ee Kismaayo ayaa waxaa ka
socoto qabanqaabadii iyo diyaar garrowgii ugu danbeeysay oo lagu jiro sidii
maamul loogu sameyn lahaa gobollada Jubooyinka kaasoo mudooyinkii u danbeeyay
uu hakad ku yimid.
Dhowaan ayaa gobolka degmooyinka isaga imaan doona
ergooyinka dhisi doona maamulka gobollada Jubbooyinka,iyadoo arrintaan ay sii
horrayn doonaan wafdi ballaaran oo ka kooban ilaa 300 xubnood ay booqan doonaan
magaalada Muqdisho,kuwaasi oo uu hoominayo guddoomiyaha KMG ah Axmed max’ed
Islaan (Axmed Madoobe).
Maalmihii ugu
danbeeyey ayaa waxaa socday qaban qaabada shirkaan iyo siddii ergooyinku ay ku
soo aari lahaayeen,magaalada Kismaayo iyadoo wafdiga ugu badani uu ka iman
doono magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
Shalay ayey ahayd kolkii kusimaha gudoomiyaha ahna gudoomiye
kuxigeenka maamulka KMG Kismaayo Yaasiin Nuur Gaas (Raadeer) oo shir jaraa’id
ku qabtay xarunta degmada Kismaayo uuna
ka warbixiyay halka uu marayo shirka maamul u sameynta gobollada Jubooyinka,
wuxuuna xusay in ay socoto qabanqaabadii ugu danbeysay ee ku aadan shirkaasi.
Kulankaan ayaa muddo waxaa doca docayney oo diidanaa
qabashadii dowlada oo kaashaneysay kooxo ay wakiilatay,waxaase dadka gobollada
jubbooyinku go,aansadeen in arrintani tahay mid aan la hor istaagi Karin dadka
deegaanku ay ka wada qayb qaadan doonaan.
Xafiiska wararka
Waayaha.net