Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
Dr Faroole oo ka digay fara gelin lagu sameeyo dastuurka Federalka

Madaxweynaha  dowlada Puntland Dr C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa xalay mar uu ka hadlayey dabbaal-deg loo sameeyay afar sano guuuradii kasoo wareegtay markii loo doortay madaxweynenimada Puntland oo xalay ka dhacday Boosaaso ayaa ka digay in fara gelin lagu sameeyo dastuurka dowladda federaalka Soomaaliya.

Dr Faroole ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin hadalkii madaxweynuhu uu ku yiri dastuurka hadda jira laguma shaqeyn karo,waxayna taasi keeni kartaa buu yiri isku dhacyo cusub iyo inuu horseedo kala go’.

“Maalintii la xirayay baarlamaanka waxaan maqlay madaxweynaha oo afkiisa ka oranaya dastuurkan lagu dhaqmi karo, waxaana isbedel ku sameynaya xukuumadda iyo baarlamaanka, hadalkaas waa mid aan aad uga xumahay in aan maqlo, waxaana leeyahay yaan dalka dib loo celin, yaan isku dhac dambe la sameyn, sida la idinku doortay loona ansixiyay dastuurka waa in lagu dhaqmo,” ayuu yiri Faroole.

Waxaa kale oo intaasi sii raaciyey  in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay fududeyso sameynta maamullada goboleedyada dalka si loo helo maamullo la mid ah Puntland, loogana wada xaajoodo sidii loo wadaagi lahaa khayraadka dabiiciga ah iyo dakhliga gudaha dalka laga helo.

“Waxaan ka suganaa dowladda federaalka Soomaaliya inay sahasho sidii ay dalka uga dhalan lahaayeen maamul goboleedyo. Waxaan ku talinaynaa in canqadaha laga daayo maamullada la dhisayo sida maamulka Jubbaland,  ayna dowladdu gacan ka geysato dhismaha maamul goboleedyada dadkuna ay talada yeeshaan,” ayuu yiri Dr Faroole mar kale isagoo arrinta maamul oboleedyada carabka ku adkeeyey.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay  sheegay in la qabto shirar lagaga arrinsanayo wax-qaybsiga awoodaha siyaasadeed, dakhliga dowaldda iyo khayraadka dabiiciga ah.

Dr Faroole oo maanta ay bilaabatya sanad cusub oo maamulka Puntland sii hogaamin doono ayaa waxaa horyaal howl aad u baaxad weyn oo la doonayo dalku ugu talaabsado dhinaca nidaamka  axsaabta iyo doorashooyinka dawladaha hoose.

Xafiiska wararka Waayaha.net




   
Xafladii xuska 18ka May ee Soomaaliland ee Holland oo ku soo dhamaatay dagaal iyo gacan ka hadal    20 May 2013
Qaar ka mid ah Deegaanada Soomaaliland oo 18ka May ku Sheegay maalinta nadaafada iyo qashin aruuriska!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    19 May 2013
Ururka sahal oo bayaan adag ka soo saaray caddaallad xumada iyo faragelinta qaawan ee Xasan Sheekh    19 May 2013
Dawwo:Haween Soomaali ah oo xabsiyo dheer dheer lagu xukumay dalka Maraykanka    18 May 2013
Maxkamada Magaalada Minneapolis ee Mareyknka oo xukun kala duwan ku riday dhalinyaro Soomaaliyeed!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    16 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software