Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
Dhibaatada Qurbaha

Dhibaatada qurbaha. Gabaygaan waxaa la yiraahdaa (Dhibaatad qurbaha) wuxuuna sawir kooban ka bixinayaa dhibaatda laga dhaxlay dhoofka iyo sidii ay u beenoowday riyadii iyo rajadii la qabay markii lasoo safrayay, waxaa kale ee uu farta ku fiiqayaa sida sharftii iyo karaamadii uu lahaa muwaadinka soomaaliyeed ay hoos ugu dhacday  markii layimid dhul aan lagaa aqoon, Waxaa kale ee uu la hadlayaa dadka hadda soo xir xiran ee doonaya in ay soo dhoofaan.

Gabaygan waxaan ku halqabsaday abwaan Galayr.

( DHIBAATADA QURBAHA )

Galayroow dhibaatada qurbaha dhaqankan doorsoomay.

Dhaayaha nin saaraad tohoo waad ka dhiidhidaye.

Waadigii ka qoray dhowrmaqaal dhoofku suuyahaye.

Aniguna dhankaygaan rabaa inaan fakar ka dhiibtaaye.

Dhowrkaan oraahood bal hoo iga dhab weeyaane .

Ragga dhoofka soo raba u sheeg hana dhageysteene.

Ragga dhaayda iska daadiyee dhoqoski ciideeyay.

Dhereg baa leh kibirkee u sheeg dhoofku waa halise.

Haday iyaga dheeldheel latahay dhaayo baan jirine.

Qurbo laguma dheefsado'e waa dhuumo oo miriqe.

Dhibaatada bilowgeedi iyo waa dhabanahaystiiye.

Dhurwaaguna wuxuu taagan yahay hilinki dheeraaye.

Dhaylada yaxaaskii la baray dhiiri lagu sheegye .

Dhaxantiyo  qabowgiina waa howlo kuu dhimane.

Sharaftuna waxay kaa dhuntaa dhoofka dabadiise.

Dhakhtarkeeni waa kaa xamaam reer u dhaqayaaye.

Dhaqaalaha ragii korin lahaa daalyay dhabarkiiye.

Waakaa hablihi dhalilahaa dhaafay waayuhuye.

Waa kaa dharkii dadi lahaa goono dhaafsadaye.

Waayeeelki dhaqankii ka tage dhowrsanaan jiraye.

Waakaa dhalaankeeni gaal diin u dhigayaaye.

Dhaqankoodi waakaa la yiri dhaafa oo naca'e.

Waakaa sidii lagula dhalay laysku dhagayaaye.

Waakaa afkii laga dhunshood moodid  ruux dhimane.

Waakaa inatay soo dhamaan dhuuqa koolada'e.

Waakaa salaadihi dhibsaday ama ka dheeraaday.

Alahayoow maxaa reer dhaqnaa yurub ku dhaadhaamay.

Alahayoow dhulkii noo nabdee waygu dheeryahaye.

Alahayow khilaafkana dhamee dhowrka sano taagan .

Dhaayaheenu alow ay arkaan dhaymanka iyo luulka.

Aloow dhoofka laga soo noqdaa dhalanrog weeyaane.

WQ: Cabdicasiis A.  Mohamed (xoogsade)

       aziizxg@hotmail.com.

Faafinta Waayaha.net




   
Faah Faahin Dheeraad ah oo ku Saabsan Ninkii Soomaaliga ahaa ee Xasuuqay Soomaalidii la Shaqaynayay (Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    17 Jun 2013
Wiil Soomaali ah oo dabaq dheer iska soo tuurey ka dib markii loo diiday sharciga!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    16 Jun 2013
Machcadka barashada xirfadaha ee new generation xaruntiisa Baargaal oo si rasmi ah loo furay    16 Jun 2013
Ururka sahal oo jawaab cad ka bixiyey shirkii shirqoolka ahaa ee Xuseen Carab iyo Max’ud Guure    16 Jun 2013
Daawo:Nin Soomaali oo ku Xasuuqay Soomaali kale dalka Mareykanka‏    15 Jun 2013
Daawo : Dhacdo naxdin iyo yaab leh oo qabsatay odey waayeel ah kadib Markii Wiilkiisa uu ku xabisay deerka gurigiisa‏    14 Jun 2013
Gabar Soomaaliyeed oo maxkamad ku taala Ingriiska ku xukunay 250 saacadood oo iskaa wax u qabso ah!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)    14 Jun 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software