Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
Jaaliyadda Puntland ee UK oo si diiran u soo dhaweysay Dr. Maxamed Jaamac

London, UK : Xafiiska Ergada Dowlad Goboleedka Puntland ee soomaaliyeed ay ku leedahay dalka Boqortooyada Ingiriiska(UK) ahna xafiiska isku xira Jaaliyada iyo Dowlad Goboleedka Puntland oo Kaashanaya Ururka Jaaliyada Haweenka Puntland ee ku nool dalka Ingiriiska ayaa soo dhaweyn diiran iyo marti gelin u sameeyey Prof. Dr Mohamed Jamac oo Booqasho shaqo ku martayey Qaarada Yurub oo uu ka mid yahay Dalkan Ingiriisku.

Ugu horeytiina furitaanka waxaa ka Hadley Madaxda Xafiiska Ergada Dowlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliyeed ee dalkan Ingiriiska oo kala ah Madaxa Xafiiska Prof Cabdulqadir Faarax Jibriil iyo ku xigeenkiisa Cabdiqasim Maxamed Xassan ayagoo soo dhaweyn diiran oo Walaaltinimo ku dheehan tahay ku soo dhaweeyey Prof. Dr. Mohamed Jamac kana sheegay goobta sida uu Ummadiisa ay daashadeen dhibka dagaalada,Abaaraha iyo dib u dhacu uu ugu hagar baxo , asagoo u huray Aqoontiisii, naftiisa qaaliga ahayd iyo Waqtigii uu noloshiisa ku shaqeysan laha ama uu ku nasan lahaa u hibeeyey Dadkiisa iyo Dalkiisa , lagana rabo qof kasta oo Aqoonyahan  iyo hogaamin leh sidaas iyo si la mid ah wayna uga mahad celiyeen howshaas adag ee uu dhexda u xirtey.

Intaas ka dib waxaa hadalkii lagu soo dhaweeyey Prof. Dr  Mohamed Jamac oo ka hadley marxaladihii kala gedisnaa ee uu soo marey maamulka Puntland intii uu dhisnaa iyo isbedeladii ay mareysay dhinacyada Siyaasada, Dhaqaalaha & Ganacsiga, Horumarka(dhanacyada Caafimaadka & Waxbarashada), Amniga & Nabadgelyada IWM. Prof Mohamed Jamac ayaa u iftiimiyey Jaalayadda iyo martidii ka soo qayb gasheyba Casho sharafta isbedelka dhanka Dimoqoraadiyada iyo horumarka uu  tiigsanayo  Dowlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliyeed iyo Hanaanka Tubta-Dimoqoraadiyada lagu gaari karo. Way jiraan arimo Dowlada hada jirta iyo Mucaaradku isku hayaan Balse meel fiican ayay marayaan wada hadaladu oo Odayaal & Siyaasiyiin hore ayaa gacanta ku haya xalna waa loo helayaa ayuu hadalkiisa raaciyey.

Dhanka kale wuxuu Prof. Dr Mohamed Jamac hoosta ka xariiqey wax badan oo Dowlada Puntland iyo Jaaliyada ama Qurba-joogta Puntland oo xiriir xumo, Xog la aan iyo kala Warqaadasho la aan ahi  inay jiraan , oo inta gudaha joogtana ay aamusan yihiin kuwa dibada joogaana waxa luraya ama dareenkooda dhibaya ay la yihiin meeshii ay ka heli lahaayeen oo xaqiiq ah.Wuxuuna kula dardaarmey dhamaan qaybaha kala gedisan ee Jaaliyada dibada ama Qurba-joogta Puntland inuu u baahan yahay Dalkoodii iyo dadkoodiiba.

Intaas ka dib waxaa goobtii ka hadley qaybaha kala gedisan ee ay ka kooban tahay Qurba-joogta ama Jaaliyada Puntland ee UK iyo qaybo ka mid ah dalalka Yurub oo Goobta Joogey ayagoo halkaas ka sheegay talooyin iyo dareenkooda ku aadan dalkii iyo dadkoodii Puntland Sida Oday Mohamed Cali Maad, Dr Cabdirahmaan Canahaye, Mohamed Cali Madhoodhe , Gudoomiyaha Jaaliyada Haweenka Puntland ee UK Faiso Cartan Boos, Dr Sahro Cabdi Muuse, Idil Xaaji Timire, Istambuul Xassan Jabaan, Rooda Sh. Maxamed iyo marti sharaf kale.

Guud ahaan Soo dhaweyntii iyo marti gelintii ay sameeyeen Xafiiska Eragada Puntland ee UK iyo Jaaliyada Haweenka Puntland ee UK waxay ku dhamaatey jawi aad u heer sareeya ayagoo isfarey in qof walba oo u dhashey Puntland iyo Soomaaliba  laga doonay Kaalintaas Wadaninimada ah ee Prof. Dr med Mohamed Jamac  ee uu sameeyey ama u hibeeyey Naftiisii dalkiisii iyo dadkiisaba.

Xafiiska dawlada goboleedka Puntland  ee UK

Faafinta waayahaa.net

 




   
Maxkamada Magaalada Minneapolis ee Mareyknka oo xukun kala duwan ku riday dhalinyaro Soomaaliyeed!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    16 May 2013
BAYAAN URURKA SAHAL UK    15 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software