07 January 2013
Dowladda Puntland waxay si weyn u cambaaraynaysaa hadalkii shalay ka soo yeeray Afhayeenka kooxda argagaxisada ah ee Al Shabaab, kaasoo sheegay in qorshaha argagaxisada Al Shabaab uu yahay “burburinta jiritaanka Dowladda Puntland” wuxuuna fariintiisii kaga dalbaday shacabka Puntland inay caawiyaan argagaxisada Al Shabaab.
Dowladda Puntland waxay mar kasta difaacaysaa jiritaanka iyo xasiloonida Puntland iyo ilaalinta nabadgelyada shacabka. Dowladda Puntland cidna marti ugama aha ku dhaqanka Shareecada Islaamka, kooxda Al Shabaab-na waa koox dhiigyo-cab ah oo ka tirsan argagaxisada caalamiga ah kana fog mabaa’diida Shareecada Islaamka. Argagxisada Al Shabaab waxay gacan-siisaa qaswadayaasha ku lug leh xaaladaha nabadgelyo-darro iyo mida siyaasadeed ee gudaha Soomaaliya.
Dowladda Puntland waxay Shacabka ugu baaqaysaa inay ilaashadaan
amaankooda, midnimadooda, iyo sharaftooda, ayna u horseedaan horumarka dalka.
Ciidamada Difaaca Puntland waxay mar kasta u heelan yihiin ilaalinta amaanka iyo jiritaanka Shacabka iyo Dowladda Puntland.
Dowladda Puntland way ogtahay in argagaxisada Al Shabaab ay rabaan
qalaanqal iyo rabshado inay ka dhex abuuran gudaha Puntland, waxaana looga digayaa cidii qalaanqal amaan-darro samaysa inay Ciidamada Dowladdu uga falgalayaan inuu yahay abaabul argagaxiso oo weerar ku ah amaanka Puntland.