Max'ed Saciid Sheexo
Yuu madaxweyne u yahay Xasan SHiikh Max’ud?? nasiib badanaa wuxuu madax wayne u noqday dal iyo dad xor ahaa muddo dheer intii ay burburtay dowladdii dhexe ee soomaliya muddo laba iyo labaatan sano waa markii ugu horaysay dowlad si xor ah ugu hadli karta jiritaanka soomaliya wuxuuse nasiib daro ka dhamaan waayay madaxtooyada iyo Muqdisho miyuusan u fakirin inuu yahay madaxweyne soomaliyeed, la yaab badanaa marka uu dhamanada ahysto oo aad u malynaysid inuu Soomaali ka fakarahayo mayee wuxuu ka fakarahayaa inuu NGO uu ka tagay, wuxuuna ku mushquulsan yahay macaawanada Muqdisho ka soo dagayaso ilayn ma yaqaano micnaha dowlad nimo waayo waligii lama shaqayan dowlad soomali xitaa maalinba ha ahaatee.
Waxaa is waydiin leh nin aan aqoon u lahayn hanaan dowladnimo sida loo doortay ma aha xilka madax-weynenimmada ma aha mid fudud oo qof walba uu qaban karo, ummadda Soomaaliyeed Alle ayaa u maqan waxaana u arkaa in 4taan sano ay innaga khasaartay.
Soomaaliya ma aha sida kuwait oo kale hal magaalo, wadanka Soomaliya waa dhul baaxad weyn waxaana la moodaa inaan dad badan fahansanayn taas, dadka waxaa ay aaminsanyihiin waa aqoon yahan oo jamacad ayuu ka baxay, caqliga waa loo kala dhashaa SHariif Xasan-ba waad aragteen siduu u maamuli jiray Illaah baa siiyay caqliga uu ku hogaaminayay barlamaanka soomaliya, hadaan hadalkayga hoos uga soo dhaadhaco Soomaliya ma aha Bay, Hiiraan ama Muqdisho ee soomaaliya waa ay balaaran tahay Xasana waa inu maanka ku hayaa isagaa madax-weyne u ah dalka, mana aha inuu dhaqmo sida qabqable dagaal ama kaligii taliye ee waa inuu tusaa ummadda Soomaliyeed inuu dalka oo dhan madax-weyne u yahay ee uu la qeybsadaa dhibka haysta uuna ka dhabeeyaa kutubkii oo ku dhaaratay.
Ma maqal adoo ka hadlaaya dhibaatada dadka Soomaaliyeed ku haysata dalka Kenya ee qaarkood la dhacay, qaar layska xirxirtay, laakin Keenya waxaa uga tacsiyaysay dhibaatada ka dhacday, Xasan SHiikhow waxaad malaha waxaad halmaansantahay inaad masuul u tahay umada Soomaliyeed, mise waxaad ku mashquushay hawlo intaas ka hooseeya, Kenya masuul kama tihid ee madaxwayne ayaay leeyihiin shcabkaada u hadal ayaga ayaad masuul u tahay, haatan iyo dan dowladaada way dabrantahayeee xarigga ka fur oo yaan dhagta Ismaaciil Cumar Geele wax been kuugu sheegin, isaga laftiisa adaa xukumi lahaa hadaad fahmi lahayd
baaxddaada, wiil yar oo adeer loo yahay marna ha u ekaan amaisaga yuusan isu kaa tusin sidaas, adigaa ka dad iyo dhul balaaran garo dantaada iyo tan umada soomaaliyeed cidna yey wax kuu aqrinin u aqri adiga dowladaha kula midka ah iyo kuwa kale oo kaa sareeya ha iska dhigin diciif liita.
Hadalka iyo gunanidkiisa iska fogeey la taliyaasha xunxun ee la sheegayo inay kugu hareeraysanyihiin, waad wada garanaysaa caqli kugu siyaadin maayaan, kay manta wax kugu sheegayaan maxay way joogeen horay wax ugu qaban waayeen, dad badan oo wanaagsan baa ummadda ku jira sooco saaxiibbada wanaagsan oo ay Soomalinimada dhab ka tahay sida SYL-shii, halgamayashii Soomaliya, waxaad haysataa fursd dahab ah ka faaiidayso wakhtigaaga afar bilood ayaa ku dhaaftay caano daatay daba qabasho ayay leeyihiin ama ha kaaga dhamaato fursadaada qaaliga ah sidii dowladiisii C/Qaasim adigoo dhex taagan Muqdisho, adaa ka mas’ul ah dhamaan umadda soomaliyeed haddii uu qof habeen gaajo ku seexdoadigana aad dhereg ku seexato adaa aaqiro laguu soo taagahayaa “Illaaha xaqa ha ina wada fahamsiiyo.
wabilaahi towfiiq
Fiiro Gaar Ah: Qof kasta xaq buu u leeyahay inuu: Xog, Talo, iyo Aqoon gaarsiiyo dad-weynaha ama uu Jawaab celiyo.