Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
Qaybdiid oo sheegay inay ururo kale la midoobayaan

Gaalkacayo(WNT)-Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) ayaa shaaca ka qaaday  inuu billowday qorshe lagu mideynayo maamullada ka jira gobollada dhexe ee Soomaaliya, isagoo sheegay in kulan u socday Ahlusunna iyo Galmudug maanta oo Isniin ah lasoo gabagabeynayo.

Jen. Qaydiid ayaa sheegay in qorshahan uu yahay mid looga gudbayo colaadaha iyo kala qoqobnaanta ka jirta deegaannada ku yaalla gobollada dhexe  isagoon faah faahin dheeraad ah ka bixin qorshaha uu wado ururada la wadaaga.

Qaybdiid ayaa haldalkiisa ku daray in xarunta Galmudug ay ku sugan yihiin xubno ka socda Ahlusunna Waljamaaca, ayna wadahadallo u socday labadii casho ee lasoo dhaafay ay soo gabagabeynayaan maanta oo Isniin ah mar uu waraysi siinayey laanta Afka Soomaaliga ee BBC_da.

Dhanka kale, ururka Ahlusunna Waljamaaca ayaa iyaguna soo dhaweeyay qorshaha la doonayo in lagu mideeyo mamullada ka jira gobollada dhexe ee Soomaaliya, iyadoo Ahlusunna ay sheegtay in qorshahan uu yahay mid wanaagsan oo ay rajo ka qabaan inuu guuleysto.

Guddoomiyaha saddexaad ee Ahlusunna, Sheekh Ibraahim Sheekh Xasan (Guureeye) oo ka mid ah xubnaha Ahlusunna ee ku sugan Gaalkacyo ayaa sheegay in maamulka Galmudug ay is-fagarteen ayna sidoo kale ka rajeynayaan maamullada kale inay iyaguna qayb ka qaataan qorshahan.

 Waxaa weli wax hadal ah arrintan ka soo saarin ururka  Ehlu Sunna waljameeca ee gobolka Galgaduud oo ah halka ururkaasi ugu xoog weyn yahay iyo weliba maamulka Ximan iyo xeeb oo xurguf siyaasadeed ka dhexayso maamulka Gal-mudug.

Xafiiska wararka Waayaha.net




   
Xafladii xuska 18ka May ee Soomaaliland ee Holland oo ku soo dhamaatay dagaal iyo gacan ka hadal    20 May 2013
Qaar ka mid ah Deegaanada Soomaaliland oo 18ka May ku Sheegay maalinta nadaafada iyo qashin aruuriska!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    19 May 2013
Ururka sahal oo bayaan adag ka soo saaray caddaallad xumada iyo faragelinta qaawan ee Xasan Sheekh    19 May 2013
Dawwo:Haween Soomaali ah oo xabsiyo dheer dheer lagu xukumay dalka Maraykanka    18 May 2013
Maxkamada Magaalada Minneapolis ee Mareyknka oo xukun kala duwan ku riday dhalinyaro Soomaaliyeed!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    16 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software