Afhayeenka ururka Al-shabaab oo shir jaraa’id qabtey ayaa ka
hadley ammaanka Puntland, wuxuuna sheegey in ay gacan wayn ku leeyihiin sidii
Puntland looga dhalin lahaa qalalaase siyaasadeed , taasoo uu ku tilmaamey mid
u hiilineysa Al-shabaab.
Waxaa hadalada ka mid ahaa “Waxaan rajeynayaa in mar dhow
maamulka Faroole uu iska baabi’in doono, raayada towixiidka ka taagi doonaa
shareecada islaamka lagu dabaqi doono mar aand dheereyn hadii alle
yiraahdo“ayuu yiri Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere.
Afhayeenku wuxuu kaloo sheegey iney iyagu ka dambeeyeen
Weeraradii habeyn hore ka dhacay Bosaso ee lagusoo weeraray Ciidanka
Daraawiishta iyo Hotel uu ku caweynayay Wasiirka Amniga Puntland.
Cali dheere Mar uu la hadlayay Mucaaradka iyo shacabka Puntland
wuxuu ku booriyey inay marakan soo dhawaatey xiligey heli lahaayeen Karaamo iyo
sharaf haday u hiilayaal Wiilasha Al-shabaab.
Hadalka Cali dheeraha Al-shabaab ayaa kusoo aadaya xili ay
kooxo ka tirsan Siyaasiyiin Mucaraad ah ay u goodinayaan inay isbadal
siyaasadeed kasameeyaan Puntland iyagoo ku celceliyey in hadii taas la waayo ay
Wax u dhimeyso amaanka Dalka.
Dhinacoodana waxaan weli wax hadal ah ka soo saarin hadalka Sheekh Cali
Dheere Dowlada Puntland ,oo maalmihii ugu danbeeyey ciidamadooda lagu qaaday
dhawr weerar.
Xafiiska wararka
Waayaha.net