Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
Baaq deg deg ah oo kasoo baxay qaar ka mid ah Haweenka jaaliyada Putland ee UK

Shir deg deg ah oo ay dhowaan magaalada London ku yeesheen qaar ka mid ah haweenka jaaliyada Putland ee UK ayaa ka dib dood iyo falanqayn dheer ka dib waxay soo saareen baaqa hoos ku qoran:-

 

Anagoo ku hadlayna magaca Haweenka jaaliyada Putland ee UK waxaan halkaan baaq ugu diraynaa dhammaan dadka reer Puntland meel kastoo ay joogaan inay si wadajir ah u ilaaliyaan midnimada, xasiloonida, nabadgelyada iyo adkaynta jiritaanka Puntland. Waxaan codsanaynaa in dhammaan siyaasiinta, isimida, waxgaradka, ganacsatada, aqoonyahanada, haweenka, dhalinyarada, iyo xukumada Puntland inay wax kasta ka horumariyaan jiritaanka iyo midnimada Puntland isla markaasna in wixii khilaaf siyaasadeed ah in lagu dhameeyo wada hadal, isu tunaasulid, iyo iyadoo loo noqdo sida uu qabo dastuurka u degsan Puntland.

 

 

Dhammaan jaaliyadaha reer Puntland waxaan si gaar ah uga codsanaynaa inay dhexdhaxaad ka noqdaan arimaha ka taagan Puntland isla markaasna aan si wadajir ah uga wada shaqayno ilaalinta midnimada iyo jiritaanka geyiga Puntland. Waxaan idin xusuusinaynaa in cadowga Puntland uu badan yahay isla markaasna ay jiraan dad wax kasta ku bixinaaya sidii meesha looga saari lahaa jiritaanka dhulkeena hooyo ee dal-udug (Puntland)!  

 

Ugu danbayntii waxaan ummadda reer Puntland ku dhiirigelaynaa inay isha ku hayaan dhibaatooyinka laga soo abaabulaayo qaybo ka mid ah Soomaaliya taasoo ujeedadu tahay in la khalkhaliyo nabadgelyada iyo jiritaan geyiga Puntland.  

 

 

Walaaleyaal meel kasta oo aad joogtaa xusuusta:

 

Nabad ayaa naas la nuugo leh

Dagaal wiil ayaa ku dhinta ee wiil kuma dhasho

Tiisa daryeele ayaa tu kale ku dara

Tanaasul iyo talo wadaag ayaa lagu tanaadaa

 

Wa bilaahi towfiiq

 

Baaqan waxaa magaalada London kasoo saaray qaar ka mid ah Haweenka jaaliyada Putland ee UK

 

Wixii faahfaahin dheeraad ah kala soo xiriira gudoomiyaha Jaaliyada haweenka Putland ee UK

email: faiza_boos@live.co.uk




   
Xafladii xuska 18ka May ee Soomaaliland ee Holland oo ku soo dhamaatay dagaal iyo gacan ka hadal    20 May 2013
Qaar ka mid ah Deegaanada Soomaaliland oo 18ka May ku Sheegay maalinta nadaafada iyo qashin aruuriska!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    19 May 2013
Ururka sahal oo bayaan adag ka soo saaray caddaallad xumada iyo faragelinta qaawan ee Xasan Sheekh    19 May 2013
Dawwo:Haween Soomaali ah oo xabsiyo dheer dheer lagu xukumay dalka Maraykanka    18 May 2013
Maxkamada Magaalada Minneapolis ee Mareyknka oo xukun kala duwan ku riday dhalinyaro Soomaaliyeed!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    16 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software