War shalay ay faafiyeen war baahinta qaarkeen lagu sheegay
in guddoomiyaha gobolka Bari C/samad Max’ed Gallan uu wax is daba marin iyo
musuq maasu ku talaabsaday ayuu maanta gaashaanka u daruuray waxaanu tilmaamay
kuwo aan sal iyo raad toonna lahayn lagu been abuurtay hadalkiisana la jar
jaray wax aan jirina laga soo saaray.
Guddoomiyaha ayaa war
saxaafadeed soo saaray waxaana war saxaafadeedku u qorraa sidan:
Waxaa jirtey in Ururada CASO NGO oo Hay’ada WFP kala shaqayn
jirtey qaybinta raashinka Degmooyinka Qandala iyo Caluula ay isqabteen Dad u
shaqayn jirey ka dib markii ay CASO bixin waayeen lacagtii shaqaalahaas iyo
kuwo leh Baabuurta kireysnaa, ka dibna ay dadkaas soo gudbiyeen 25/12/2012
codsi ay wada saxiixeen, in mar hadii aysoo kala dhex gashay aamin daro iyaga
iyo CASO, sidaas awgeed lacagtooda aan loo gacan galin CASO ee cid dhexdhexaad
ah loogu dhiibo.
. Markaan qoraalkaas cabashada iyo codsiga ah helney
31/12/2012 waxaan Maxkamada ka codsaney iney hakiso dhaqdhaqaaqa xisaabta CASO
NGO ee Dahabshiil, si aan lacagta Dadka Masaakiinta ah ee shaqeeyey loola
bixin, waxaan kaloo WFP u qorey iyadoo la raacayo go’aanka Maxkamada in aan
lacagtaas loo dhiibi karin CASO NGO ilaa ay ka heshiiyaan iyaga(CASO) iyo Dadka
lacagta ku leh.
.Shabakadaha faafiyey Dacaayadaan been abuurka ah waa kuwo
horey loogu yaqiiney iney lid ku yihiin horumarinta, Midnimada iyo amaanka
Puntland, iyagoo sidaasoo kale horey uga been abuurtey Waxgaradka, Isimada,
Nabadoonada iyo qaar ka mid ah Masuuliyiinta sarsare ee Dowlada.
.Sida uu fahmi karo Qof walba oo Wax ka yaqaan sida la isugu
xirxiro silsilada hadalada(Codoka la isugu kabo) la duubay waa kuwo la isu
geeyey oo soo noqnoqonaya oo ay isu geeyeen, waana kuwo munaasabado kala duwan
la jeediyey, dabadeedna ay isu geeyeen cododka iney rabeen si ay uga sameeyaan
macnaha Xun ee ay iyagu doonayeen.
Sidaas Darteen Waxaan ku wargalinayaa dhamaan Saxaafada
horusocodka ah ee u heelan danta iyo maslaxada caamka ah isla markaasna leh
akhlaaqaadka saxaafada in aysan waxba ka jirin Dacaayadaas balse ay tahay been
abuur lagu sharaf dilayo guud ahaan Maamulka Dowlada Puntland iyo
Masuuliyiinta.
Mahadsanid
Cabdisamad Maxamed
Galan
Gudoomiyaha Gobolka
Bari