NABAADIINO ISU HOYASHO IYO HOR-USOCOSHO.
Ajandayaasha Shirka ee Maanta ayaa waxay ahayd Dadka
Afduubka loo haysto ee u dhashay Waqooyiga Mudug, Dib u dhiska Kaabayaasha
Dhaqaalaha, Iskuxirnaansha Bulshada Gobolka Mudug ee Puntland.
Shirkaas ayaa ugu horayn waxaa hadalka furay Isimada Shirka
kasoo qayb galay kaddibna waxaa hadalka loo furay nabadoonada iyo qaybaha
bulshada iyagoo halkaas kasoo jeediyey hadalo u badnaa Midnimada iyo
Horumarinta Bulshada Gobolka Mudug.
Qaybihii danbe ee Shirka ayaa waxaa hadlaka soo gunaanaday
Isimadii Shirka kasoo qaybgalay waxaana hadalka qaatay Suldaan C/salaam Suldaan
Maxamud oo ahaa Abaabulaha Shirka ahna Madaxa Xarunta Nabadda Geeska Afrika
isagoo halkaas kasoo jeediyey Hadalo qiimo badan oo qeexayay qiimaha Nabadda
iyo Midnimadu leedahay sidoo kale wuxuu ku dheeraaday Ujeeddooyinkii Shirka loo
qabtay oo ahaa mid ka madaxbannaan Siyaadda kuna ekaa dhaqanka.
Sidoo kale Islaan Bashiir Islaan Cabdulle Islaan Faarax ayaa
Gabagabadii Shirka Kalmaddiisa ka jeediyey, Islaan ku wuxuu baaq u diray
Maamulka iyo Shacabka Galmudug isagoo ugu baaqay in Dadka Shacabka ah ee
Afduubka loogu haysto deegaankooda dib loogu soo celiyo Xorriyaddooda wuxuuna
sigaar ah baaqa ugu diray Maamulka, Odayaasha Dhaqanka, Culimada iyo
aqoonyahanka in arrintaas ay qayb wayn ka qaataan.
Islaan Bashiir ayaa sidoo kale ka hadlay in Shirkaan uusan
ahaan doonin kii ugu danbeeyey kaasoo noqon doona mid socon doona dadkuna ay ku
wada tashadaan wuxuuna Isimadii Shirka fadhiyay ugu baaqay in la qabto Guddigii Shirka sii wadi
lahaa.
Islaanka Wuxuu Mahadcelin ballaaran usoo jeediyey Suldaan
C/salaam Suldaan Maxamuud iyo Xarunta uu Madaxda ka yahay ee Xarunta Nabadda
iyo Cilmibaarista ee Geeska Afrika oo ahayd Xaruntii Maalgalinaysay Shirkan, wuxuuna sidoo kale U
Mahadceliyey Shirkadda Isgaarsiinta Golis Telecom Somalia oo iyana gacan wayn
ka gaysatay qaybta warbaahinta ee Shirka.
Ugu banbayntii Waxaa shirka soo xiray Ugaas Cali Ugaas
Maxamed oo ahaa Ugaaskii Martida loo ahaa Shirka soo xiray isagoo ugu horayn
bogaadiyey Bulshadii Shirka kasoo qaybgashay Gaar ahaan qaybihii
Safarka ku yimid
Degmada Goldogob, Ugaaska wuxuu sheegay in Shirkaan uusan ahayn mid intaas ku
eg ee uu noqon doono mid sii socda.
Ugaas Cali ayaa isna Mahadcelin iyo ammaan ballaaran u
jeediyey Suldaan C/salaam Suldaan Maxamuud iyo Xarunta uu Madaxda ka yahay ee
Xarunta Nabadda iyo Cilmibaarista ee Geeska Afrika iyo Shirkadda Isgaarsiinta
Golis Telecom Somalia.
Suldaan C/salaam Suldaan Maxamuud ayaa halkaas ka akhriyey
War- Murtiyeedkii kasoo baxay Shirka Dhaqanka Gobolka Mudug ee Puntland ee
loogu magacdaray Shirka Nabaadiino Isu Hoyasho iyo Horusocosho.
SHIRKA NABAADIINO EE
HOYASHO IYO HOR-USOCOD
UJEEDO:- BAYAABKII AMA BAAQII KASOO BAXAY GABOGABADA SHIRKAWaxaa
Shirkaan isugu Yimid Dhamaan Isimada, Nabadoonada, Aqoonyahanka iyo Waxgaradka
Beelaha Puntland ee Gobolka Mudug.
Shirkaan oo ka dhacay magaalo madaxda Galdogob ee Dagmadda
Galdogob, kasoo looga hadlayey sida ciwaanka shirka ku cad, ahaana shirka
dhaqanka nabad galyada, midnimo iyo hormarka beelaha wada daga gobolka Mudug,
hadaba waxa shirkaasi dhamaadkiisii kasoo baxay, war murtiyeed ama baaq ay soo
saareen, Issimada iyo waxgaradka isugu yimid shirkaas, waana sidaan hoos ku
cad.
◾In dhamaan laga wada qayb qaato
lagana wadashaqeeyo ilaalinta nabadgalyada gobolka iyo midda guud.
◾In la iska kaashado nolosha iyo
hor marka ummadda midda guud iyo mida gobolkaba In la ilaaliyo dhaqanka
wanaagsan ee ku salaysan shareecada Islaamka dhamaana wixii inaga ba’san loo xaliyo
si wadajir iyo walaaltinimo ah.
◾Wuxuu shirku ku baaqayaa is cafis
guur iyo isa saamax Wuxuu shirku ku baaqayaa oo la isla qaatay in shirka lasii
wado oo aan la joojin ee kani uu noqdo kii bilowga ahaa inta laga gaarayo
yoolkii laga lahaa shirka.
◾Wuxuu shirkani ku baaqayaa in la
iska kaashado hirgalinta kaabayaasha dhaqaalaha, sida dhismaha wadada Galdogob
– Garacad.
◾Wuxuu shirku ku baaqayaa in dadka
shacabkaa ee reer Puntland gaar ahaan gobolka Mudug, ee qafaalasho ahaanta
loohaysto muddo laba bilood ka badan xuriyadoodii loosoo celiyo sida ugu
dhaqsiinyahay badan, ayna fududeeyaan cidkasta oo ay khusayso soodayn doodu
gaar ahaan dowladda Puntland ay xil iska saarto soodaynta Shacabkeeda.
◾Waxaa la isku dar-daarmay Alla
kacabsi, walaaltinimo iyo Wadajir.
◾In lajoojiyo kala takoorka
beelaha wada daga Puntland.
Wabilaahi Towfiiq.
Isiimada Shirkaan Qabtay soona saaray baaqaan
1.Ugaas Cali Ugaas Maxamed
2.Islaan Bashiir Islaan Cabdille
3.Ugaas C/qaadir Cilmi Filig
4.Sudaan C/salaam Suldaan Maxamed
5.Suldaan maxamed Jamac Shire
6.Islaan Xassan Cigaal
7.Suldaan Maxamed suldaan Maxamuud Cilmi Calas
8.Suldaan Maxamed Maxamuud Buurtinle
9.Suldaan Cabdi Bile
10.Suldaan C/rishiid Muuse Shire
Daabacaadda
Waayaha.net