Nairobi (WNT)
Prof Maxamed Cabdi Gaandi oo horey wasiirka difaaca uga soo noqday dawladii
ku-meelgaarka ahayd, isla markaana ahaa madaxweynihii maamul goboleedkii la
baxay Asaaniya ayaa ku eedeeyay dawladii hore ee ku-meelgaarka ahayd inay
hortaagneyd dhismaha maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka, sida uu sheegay.
Gaandi oo warsi siiyey telefishanka Somsat, ayaa sheegay in madaxweynihii hore ee DKMG ahayd Sheekh Shariif Sheekh Axmed
laga dhaadhiciyey in qabiil gaar ah uu wato mashruuca maamul u sameynta
Jubbooyinka.
“Dadaal badan oo la sameeyay waa uu socon waayey, nasiib
darro waxaa ugu weynaa caqabadii markaa nagaga imaaneysay madaxweyne Sheekh
Shariif oo dad ay ka soo dhaadhiciyeen in beel gaar ahi ay waxani wadato.” ayuu
yiri Gaandi oo intaa ku daray in Sheekh Shariif sanadkii 2011 uu aqbalay
qorshaha maamul u sameynta Jubbooyinka laakiin markii dambe uu ka horyimid.
“16-kii November shir ka dhacay Kampala ayuu Sheekh Shariif
si cad ugu sheegay madaxweynaha Yugandha Museveni in dawlada KMG ahayd aysan
raali ka ahayn maamul u sameynta Jubbooyinka oo laga waday Nairobi.” ayuu
sheegay Gaandi.
Gaandi wuxuu cadeeyay in dawladii Sheekh Shariif bilowgii
shirarka ka dhacay Nairobi ay goobjoog uga ahaayeen danjiraha Kenya Maxamed
Cali Nuur “Ameeriko” iyo wasiir ku xigeenkii gaashaandhiga balse markii dambe
ay isaga bexeen.
“Arrinta ugu weyna waxay ahayd waxaa waxanoo dhan loo
ekeysiinayey inaanu anaga qabiil ahaan [Ogaadeen] aan si gaar ah isu xijineyno
gobolka.” ayuu yiri Prof. Gaandi.
Mar wax laga
weydiiyey khilaafka u dhexeeya Urur
Goboleedka IGAD iyo dawlada federaalka ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee
ku saabsan qaabka maamulka u sameynta gobollada Jubbooyinka ayaa wuxuu sheegay
in taasi ay ka dhalatay dalab ka yimid IGAD oo ahaa in heshiiskii 2005
dhexmaray iyaga [IGAD] iyo dawladii C/laahi Yuusuf oo ahaa “in IGAD masuul ka
noqoto xasillinta iyo maamul u sameynta gobolladaasi” la raaco.
“Xaqiiqdii waxay arintaasi ka dhalatay masuuliyad gudasho
la’aan dawlada Soomaaliyeed ka timid oo markii dawladu ay ka soo bixi weysay
waajibaadkeeda in la yiri IGAD maamul ha u sameyso.” ayuu sheegay Prof Gaando
oo dib u raacay taariikhdii uu soo maray habka maamul u raadinta gobollada
Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo.
Waxaa dhinaca kale Prof
Gaandi dhibaatada iyo khilaafaadka ka
jira gobollada Jubbooyinka dusha u saaray beelaha dega oo uu sheegay inaysan
weligood wax ku heshiin isla markaana ay iska hor iman jireen dhexdooda.
Wuxuuna tusaale u soo qaatey maamulkii uu isaga madaxweyne goboleedka ka noqday
ee Asaaniya inay ka hor yimaadeen qabiilada Jubbooyinka.
“Waxaa soo baxay oo iyaguna jiray illaa afar kooxood oo kale
oo hubeysan, Ahlusuna koox wadatay, kooxda Raskambooni, koox la baxday Harti
Group iyo anagoo ahayn Asaaniya, markaa waxay noqotay in afartaasi dib la isugu
keeno oo iyaga la mideeyo.” ayuu yiri Gaandi.
“Dhibaatada gobolladaan ka jirta weligeedba waxay ahayd mid
qabiilada dhexdooda ka imaaneysay, haba ugu darnaadeen reerka DAAROODKa la
yiraahdo.” ayuu sii raaciyey.
Qabiilada dega Jubbooyinka
Prof Maxamed abdi Gaandi wuxuu wariyuhu weydiiyey tirada
qabiilada dega gobollada maamulka loo dhisayo iyo xog ururin uu Gaandi sheegay
inay ku sameeyeen deegaanka.
“Deegaanadan guud ahaan waxaa ku nool shanta beelood ee
Soomaaliya waase lagu kala badan yahay; Daarood waa degaa, Dir way degtaa, Digil
iyo Mirifle waa degaa, Beesha Shanaad waa degtaa, Hawiye waa degaa.” ayuu yiri.
“Qabiilada anaga markii aan tirakoobka sameynay aan ogaanay
waa illaa 38 beelood.” ayuu ku daray hadalkiisa.
Wuxuu sheegay in qorshaha maamulka hadda la dhisi doono uu
yahay maamul goboleed leh baarlamaanka, xubno fulineed iyo madaxweyne, ayna ka
kala iman doonaan dhammaan beelaha deegaanka.
Wuxuu tusaalayaal ka bixiyey degmooyinka qaar oo uu sheegay
in hal qabiil kaliya dego ayna suurtagal ahayn in xubno badan hal degmo kaga
helaan maamulka.
“Tusale ahaan degmada Beledxaawo beel baa degta xubnaheeda
way yaraanayaan, degmada Garbahaarey beel baa degta xubnaheeda way
yaraanayaan.” ayuu sheegay. “Laakiin
degmada Bu’aale oo kale Dabarre waa degaa, Cawlyahan waa degaa, Abas-guul waa
degaa.”.
Mar uu sharaxaad ka bixinayey qabaailka dega Kismaayo ayuu
sheegay “Magaalada Kismaayo oo ah meesha xarunta waxaan ku qiyaasney inay
degaan 15 beelood illaa 17 beelood, waana waajib in haddii beel maamulka wax ka
weyso ay ka hesho fulinta, haddey waayaana waa inay ka helaan baarlamaanka.”
ayuu yiri Prof Maxamed Cabdi Gaandi,oo intaasi raaciyey “Waxa yaabka leh ee aan
ogaanay intii aanu ku jirnay hawshan waxay ahayd beelaha mid kasta waxay ka
carareysaa caddaalad darro oo haddii dad aan meesha deganayd wax laga siiyo
kuwo deegaan ah ayaa wax waayaya, haddana beel kasta iyadaa rabta inay sadbursi
sameyso.”
Xafiiska wararka
Waayaha.net