Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
Prof Gaandi oo sharaxay jilaafooyinka horyaal maamul u samaynta Jubbooyinka

Nairobi (WNT) Prof Maxamed Cabdi Gaandi oo horey wasiirka difaaca uga soo noqday dawladii ku-meelgaarka ahayd, isla markaana ahaa madaxweynihii maamul goboleedkii la baxay Asaaniya ayaa ku eedeeyay dawladii hore ee ku-meelgaarka ahayd inay hortaagneyd dhismaha maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka, sida uu sheegay.

Gaandi oo warsi siiyey telefishanka Somsat, ayaa sheegay in madaxweynihii hore ee DKMG ahayd Sheekh Shariif Sheekh Axmed laga dhaadhiciyey in qabiil gaar ah uu wato mashruuca maamul u sameynta Jubbooyinka.

“Dadaal badan oo la sameeyay waa uu socon waayey, nasiib darro waxaa ugu weynaa caqabadii markaa nagaga imaaneysay madaxweyne Sheekh Shariif oo dad ay ka soo dhaadhiciyeen in beel gaar ahi ay waxani wadato.” ayuu yiri Gaandi oo intaa ku daray in Sheekh Shariif sanadkii 2011 uu aqbalay qorshaha maamul u sameynta Jubbooyinka laakiin markii dambe uu ka horyimid.

“16-kii November shir ka dhacay Kampala ayuu Sheekh Shariif si cad ugu sheegay madaxweynaha Yugandha Museveni in dawlada KMG ahayd aysan raali ka ahayn maamul u sameynta Jubbooyinka oo laga waday Nairobi.” ayuu sheegay Gaandi.

Gaandi wuxuu cadeeyay in dawladii Sheekh Shariif bilowgii shirarka ka dhacay Nairobi ay goobjoog uga ahaayeen danjiraha Kenya Maxamed Cali Nuur “Ameeriko” iyo wasiir ku xigeenkii gaashaandhiga balse markii dambe ay isaga bexeen.

“Arrinta ugu weyna waxay ahayd waxaa waxanoo dhan loo ekeysiinayey inaanu anaga qabiil ahaan [Ogaadeen] aan si gaar ah isu xijineyno gobolka.” ayuu yiri Prof. Gaandi.

 Mar wax laga weydiiyey  khilaafka u dhexeeya Urur Goboleedka IGAD iyo dawlada federaalka ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ku saabsan qaabka maamulka u sameynta gobollada Jubbooyinka ayaa wuxuu sheegay in taasi ay ka dhalatay dalab ka yimid IGAD oo ahaa in heshiiskii 2005 dhexmaray iyaga [IGAD] iyo dawladii C/laahi Yuusuf oo ahaa “in IGAD masuul ka noqoto xasillinta iyo maamul u sameynta gobolladaasi” la raaco.

“Xaqiiqdii waxay arintaasi ka dhalatay masuuliyad gudasho la’aan dawlada Soomaaliyeed ka timid oo markii dawladu ay ka soo bixi weysay waajibaadkeeda in la yiri IGAD maamul ha u sameyso.” ayuu sheegay Prof Gaando oo dib u raacay taariikhdii uu soo maray habka maamul u raadinta gobollada Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo.

 Waxaa dhinaca kale Prof Gaandi  dhibaatada iyo khilaafaadka ka jira gobollada Jubbooyinka dusha u saaray beelaha dega oo uu sheegay inaysan weligood wax ku heshiin isla markaana ay iska hor iman jireen dhexdooda. Wuxuuna tusaale u soo qaatey maamulkii uu isaga madaxweyne goboleedka ka noqday ee Asaaniya inay ka hor yimaadeen qabiilada Jubbooyinka.

“Waxaa soo baxay oo iyaguna jiray illaa afar kooxood oo kale oo hubeysan, Ahlusuna koox wadatay, kooxda Raskambooni, koox la baxday Harti Group iyo anagoo ahayn Asaaniya, markaa waxay noqotay in afartaasi dib la isugu keeno oo iyaga la mideeyo.” ayuu yiri Gaandi.

“Dhibaatada gobolladaan ka jirta weligeedba waxay ahayd mid qabiilada dhexdooda ka imaaneysay, haba ugu darnaadeen reerka DAAROODKa la yiraahdo.” ayuu sii raaciyey.

Qabiilada dega Jubbooyinka

Prof Maxamed abdi Gaandi wuxuu wariyuhu weydiiyey tirada qabiilada dega gobollada maamulka loo dhisayo iyo xog ururin uu Gaandi sheegay inay ku sameeyeen deegaanka.

“Deegaanadan guud ahaan waxaa ku nool shanta beelood ee Soomaaliya waase lagu kala badan yahay; Daarood waa degaa, Dir way degtaa, Digil iyo Mirifle waa degaa, Beesha Shanaad waa degtaa, Hawiye waa degaa.” ayuu yiri.

“Qabiilada anaga markii aan tirakoobka sameynay aan ogaanay waa illaa 38 beelood.” ayuu ku daray hadalkiisa.

Wuxuu sheegay in qorshaha maamulka hadda la dhisi doono uu yahay maamul goboleed leh baarlamaanka, xubno fulineed iyo madaxweyne, ayna ka kala iman doonaan dhammaan beelaha deegaanka.

Wuxuu tusaalayaal ka bixiyey degmooyinka qaar oo uu sheegay in hal qabiil kaliya dego ayna suurtagal ahayn in xubno badan hal degmo kaga helaan maamulka.

“Tusale ahaan degmada Beledxaawo beel baa degta xubnaheeda way yaraanayaan, degmada Garbahaarey beel baa degta xubnaheeda way yaraanayaan.” ayuu sheegay.  “Laakiin degmada Bu’aale oo kale Dabarre waa degaa, Cawlyahan waa degaa, Abas-guul waa degaa.”.

Mar uu sharaxaad ka bixinayey qabaailka dega Kismaayo ayuu sheegay “Magaalada Kismaayo oo ah meesha xarunta waxaan ku qiyaasney inay degaan 15 beelood illaa 17 beelood, waana waajib in haddii beel maamulka wax ka weyso ay ka hesho fulinta, haddey waayaana waa inay ka helaan baarlamaanka.” ayuu yiri Prof Maxamed Cabdi Gaandi,oo intaasi raaciyey “Waxa yaabka leh ee aan ogaanay intii aanu ku jirnay hawshan waxay ahayd beelaha mid kasta waxay ka carareysaa caddaalad darro oo haddii dad aan meesha deganayd wax laga siiyo kuwo deegaan ah ayaa wax waayaya, haddana beel kasta iyadaa rabta inay sadbursi sameyso.”

Xafiiska wararka Waayaha.net




   
Dawwo:Haween Soomaali ah oo xabsiyo dheer dheer lagu xukumay dalka Maraykanka    18 May 2013
Maxkamada Magaalada Minneapolis ee Mareyknka oo xukun kala duwan ku riday dhalinyaro Soomaaliyeed!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    16 May 2013
BAYAAN URURKA SAHAL UK    15 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software