Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
shir dhaqameed ka furmay degmada Galdogob

Degmada Goldogob ee gobolka Mudug ayaa shalay gelinkii danbe waxaa ka furmay ka furmay shir ay isugu Yimaadeen Isimada iyo Waxgaradka Gobolka Mudug kaasoo sida la shaaciyey lagaga hadlayey nabada iyo Hormarka Gobolka Mudug.

Shirkaan oo ahaa mid aad u ballaaran ayaa waxaa soo abaabulay Xarunta Nabada iyo Cilmi Baarista Geeska Africa iyadoo dhinaca Warbaahintana ay ka caawisay Shirkada Isgraadsiinta Golis Telecom Somalia.

Sida wararku nagu soo gaarayaan shirkan ayaa waxaa ka horeeyey Shirar hoosaadyo ka dhacayay Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Goldogob oo loogu gogol xaarayay Shirkan shalay galab ka furmay degmada Goldogob.

Shirkaan ayaa Waxaa Kasoo qayb galay isimo Badan oo ay Kamid ahaayeen Ugaas Cali Ugaas Maxamed, Islaan Bashiir Islaan Cabdulle Islaan faarax , Suldaan cabdisalaan Suldaan Maxamuud, Suldaan Maxamed Suldaan Maxamuud Cilmi Calas , Suldaan Cabdirashiid Suldaan Muuse Shire Faray, Suldaan Maxamed Jaamac Shire , Islaan Xasan Cigaal, Suldaan Cabdi Bile, Ugaas Cabdulqaadir Cilmi Filig, Suldaan Axmed Maxamed Cabdulle Burtinle iyo Nabadoono Faro Badan oo ka kala yimid deegaanadda  gobolka Mudug.

Kulankaan hadal kooban furitaan ah waxaa ka jeediyey Islaan Bashiir Islaan Cabdulle isagoo Sheegay inay tahay mid lugu farxo in dhamaan dhaqankii Gobolka ay Goldogob ku dhan yihiin,waxaana u eroyinka u sheegay ajandaha shirka,iagoo sharaxaad ka bixiyey kulankani yahay kulan dhaqameed ka madax banaan siyaasad lagagana arrinsanyo nabada iyo hurumarka gobolka Mudug waa sida uu hadalka u yiriye.

Shirka ayaa waxaa soo xiray Ugaas Cali Ugaas Maxamed  oo isaga degmadiisa gogosha la dhigay,waxaana uu mahad ballaaran u soo jeediyey  odayaasha dhaqan gobolka Mudug,isagoo intaasi raciyey in shirkaani guud ahaan uu siyaasad ka madax banaan yahay,waxaanu ergada ogaysiiyey in maanta 8:00 subaxnimo la isugu yimaado halka gogoshu taal.

Xafiiska wararka Waayaha.net




   
Xafladii xuska 18ka May ee Soomaaliland ee Holland oo ku soo dhamaatay dagaal iyo gacan ka hadal    20 May 2013
Qaar ka mid ah Deegaanada Soomaaliland oo 18ka May ku Sheegay maalinta nadaafada iyo qashin aruuriska!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    19 May 2013
Ururka sahal oo bayaan adag ka soo saaray caddaallad xumada iyo faragelinta qaawan ee Xasan Sheekh    19 May 2013
Dawwo:Haween Soomaali ah oo xabsiyo dheer dheer lagu xukumay dalka Maraykanka    18 May 2013
Maxkamada Magaalada Minneapolis ee Mareyknka oo xukun kala duwan ku riday dhalinyaro Soomaaliyeed!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    16 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software