Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
Geedi-socodka Nidaamka Dastuurka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland (Somaali & Ingiriis)

February 25, 1998 – March 12, 1998

Shirkii Wadatashiga Garoowe waxaa kasoo qeybgalay wakiilo gobollada Waqooyi Bari ee Soomaaliya,

iyadoo wadatashigu ku salaysnaa sidii dadka deegaanka ay u dhisan lahaayeen maamul ay ku

midaysan yihiin si ay uga badbaadaan amni-darrada iyo jahwareerka siyaasadeed ee Soomaaliya

May 15, 1998 – August 1, 1998

§   Shirweynihii Dastuuriga ee Garoowe oo ay kasoo qeybgaleen Issimada Puntland iyo 480-Ergay oo ka

socda shan Gobol (Bari, Nugaal, Mudug, Sool, iyo Sanaag) iyo hal Degmo (Degmada Buuhoodle)

§   Shirweynahaasi waxaa lagu dhisay Dowladda Puntland ee Soomaaliya waxaana Garoowe loo doortay

inay noqoto Caasimadda Dowladda Puntland

§  Shirweynahaasi waxaa lagu ansixiyay Axdiga KMG ah ee Puntland (August 1998 – June 2001),

waxaana la dhisay Garsoor madaxbanaan iyo Baarlamaan ka kooban 66-xubin oo lagu xulay qaab

qabiil, Baarlamaankuna wuxuu doortay Madaxweyne iyo Madaxweyne-ku-xigeen xilli KMG ah oo dhan

muddo sadex sano ah

August 1, 1998 – 30 June 2001

§   Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Md. Cabdullahi Yusuf Axmed iyo Madaxweyne-ku-xigeenkii

hore Md. Maxamad Cabdi Xaashi ayaa hogaamiyey Puntland sadexdii sano ee xilligii KMG ahaa

July 1, 2001 – May 17, 2003

§  Puntland waxaa hareereeyey khilaaf siyaasadeed – waxaana jiray isku dhac hubaysan oo ka

dhaxeeyey labo dhinac oo isku maandhaafay siyaasadda Puntland

§   Labada dhinac waxay Boosaaso ku saxiixeen heshiis nabadeed May 17, 2003

May 17, 2003 – January 8, 2005

§   Md. Cabdullahi Yusuf Axmed ayaa ahaa Madaxweynaha Puntland ilaa October 10, 2004, xilligaas oo

loo doortay Madaxweynihii ugu horeeyey ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (TFG)

§  Madaxweyne-ku-xigeenkii Puntland Md. Maxamad Cabdi Xaashi ayaa la wareegay hogaanka

Dowladda Puntland wuxuuna hayay xilka Madaxweyne ilaa doorashada January 8, 2005

January 8, 2005

§   Md. Maxamud Muuse Xirsi (Cadde Muuse) iyo Md. Xasan Dahir Maxamud (Afqurac) ayaa loo doortay

Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka Dowladda Puntland

December 2006

§  Madaxweynaha Puntland ee xilligaas Md. Cadde Muuse ayaa soo saaray Dikreeto Madaxweyne oo ka

kooban shan qodob kuna saabsanayd: 1) dib eegidda qabyo-qoraalka Dastuurka Puntland; 2)

magacaabida Guddi Doorasho; 3) wacyigelinta bulshada; 4) afti u qaadida Dastuurka; iyo 5) qorshaha

doorashooyinka Puntland

February 2007

§   Madaxweynihii xilligaas Md. Cadde Muuse ayaa magacaabay Guddiga Dib-u-eegida Dastuurka oo ka

kooban 14-xubnood, Guddigaas oo wada-shaqayn iyo xiriir farsamo la lahaa hey’daha PDRC,

Interpeace iyo hey’adaha kale ee taageera arrimaha dimuqraadiyeynta

§  Guddigaas ayaa dib u eegay qabyo qoraalka dastuurka wuxuuna Guddigu wadatashi la sameeyey

qeybaha kala duwan ee bulshada

June 2, 2008

§   Guddiga dib-u-eegida Dastuurka ayaa Golaha Wasiirada Puntland ee xilligaasi usoo bandhigay qabyo

qoraalka Dastuurka, iyadoo uu Goluhu ka dooday, ansixiyay una gudbiyay Baarlamaanka Puntland

qabyo qoraalkii Dastuurka Puntland

November 2008

§  Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland ayaa loo magacaabay waafajinta shuruudaha

xubnimada Baarlamaanka cusub ee Dowladda Puntland

2 of 2

January 8, 2009

§  Md. Cabdiraxman Maxamad Maxamud (Farole) iyo Md. Cabdisamad Cali Shire ayaa loo doortay

Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka Dowladda Puntland

February 2009

§  Madaxweyne Farole ayaa magacaabay Wasiiru-dowlaha Madaxtooyadda ee Nidaamka

Dimuqraadiyeynta iyo Arrimaha Federaalka

§   Dowladda Puntland ayaa si sharci ah uga codsatay Baarlamaanka Puntland inuu dib usoo celiyo qabyo

qoraalkii Dastuurka Puntland, si loogu sameeyo dib u eegis iyo wadatashi bulsho loona waafajiyo

Shareecada Islaamka iyo qaanuunka caalamiga ah

June 15, 2009

§   Baarlamaanka Puntland ayaa ansixiyay qabyo qoraalka Dastuurka Puntland, ka dib markii ay ka

doodeen ayna ansixiyeen Golaha Wasiirada Puntland

Geedi-socodka Dimuqraadiyeynta Puntland

January 2, 2011

§  Baarlamaanka Puntland ayaa ansixiyay Xeerka Guddiga Doorashada Puntland

July 17, 2011

§   Guddiga Doorashada Puntland ee KMG ah ayaa la dhisay

November 29, 2011

§  Baarlamaanka Puntland ayaa ansixiyay Xeerka Aftida Dastuurka Puntland

April 18, 2012

§   Shirweynihii Ergada Ansixinta Dastuurka Puntland ee Garowe ayaa si rasmi ah u ansixiyay Dastuurka

Puntland, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen Issimada, qeybaha bulshada Puntland, Wasiiro ka socda

TFG, wakiilo ka socda Beesha Caalamka iyo Qaramada Midoobay, iyo saxaafadda madaxbanaan

§   Maxkamada Sare ee Puntland ayaa ansixisay natiijadii codeyntii Dastuurka Puntland oo uu ku

dhawaaqay Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Puntland

June 2012

§   Baarlamaanka Puntland ayaa ansixiyay Xeerka Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka

September 2, 2012

§  Baarlamaanka Puntland ayaa ansixiyay Xeerka Ururada Siyaasadda Puntland

September 11, 2012

§  Guddiga Doorashada Puntland ayaa ku dhawaaqay bilowga xilliga furitaanka Ururada Siyaasadeed ee

Puntland

November 13, 2012

§  Iyadoo tixgalinaysa soo jeedin ka timid Guddiga Doorashada Puntland ayaa Baarlamaanka Puntland

waxay wax ka bedeleen Xeerka Ururada Siyaasadda si loo fududeeyo diiwaangelintooda waxaana nus

la dhimay khidmadii diiwaangelinta ururada

September 11 – December 31, 2012

§   Waxaa Puntland looga dhawaaqay sagaal Urur Siyaasadeed

December 31, 2012

§   Iyadoo maalintaasi ay ku ekeyd xilliga diiwaangelinta, ayaa Guddiga Doorashada Puntland waxay ku

dhawaaqeen in lix Urur Siyasadeed si rasmi ah loo diiwaangeliyay ayna buuxiyeen shuruudihii

§   Ururada Siyaasadda oo buuxiya shuruudihii nidaamka diiwaangelinta oo dhan ayaa ka qeybgali doona

doorashooyinka Golayaasha Deegaanka, oo ku beegan May 2013

January 1, 2013 – January 8, 2014 (Qorshaha Mustaqbalka)

§  Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka waxaa xigi doona:

 Ku dhawaaqista Sadexda Xisbi siyaasadeed oo rasmiga ah, si waafaqsan Dastuurka Puntland

o Sadexda xisbi ayaa midkiiba xubno cusub usoo magacaabi doonaa Guddiga Doorashada

Puntland oo rasmiga ah, Guddigaas oo hagi doonaa doorashooyinka Baarlamaanka iyo

Madaxtooyadda Dowladda Puntland

o Doorashada xubnaha Baarlamaanka cusub ee Dowladda Puntland

o Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka Dowladda Puntland

o Nidaamka Geedi-socodka (Roadmap) Dimuqraadiyeynta Puntland waxaa diyaariyey soona

bandhigay Guddiga Doorashada Puntland

 

                      

                             

 Timeline for Puntland Constitutional and Democratization Process

Transitioning from Clan-Based Government System to Constitutional System of Multiparty Democracy

in Puntland State of Somalia

January 1, 2013

February 25, 1998 – March 12, 1998

Garowe Consultative Conference attended by communities of Northeastern Somalia, with consultative

discussions centered on establishing a shared administration in light of growing insecurity and political

disorder in Somalia

May 15, 1998 – August 1, 1998

Garowe Constitutional Convention attended by titled traditional elders and 480 Convention Delegates

from five Administrative Regions (Bari, Nugal, Mudug, Sool, and Sanaag) and one District (Buhodle)

Convention establishes Puntland State of Somalia and agrees on Garowe as Capital City of Puntland

State of Somalia

Convention approves a Provisional Charter (August 1998 – June 2001), with an independent Judiciary,

a 66-member clan-based Parliament – nominated by Puntland traditional elders – that elects a

President and Vice President for a three-year interim period

August 1, 1998 – June 30, 2001

The first President of Puntland H.E. Abdullahi Yusuf Ahmed and Vice President H.E. Mohamed Abdi

Hashi serve a three-year interim period

July 1, 2001 – May 17, 2003

Puntland undergoes a period of constitutional crisis – leading to armed dispute between two political

factions

On May 17, 2003, the two political factions sign a peace agreement in Bossaso

May 17, 2003 – January 8, 2005

H.E. Abdullahi Yusuf Ahmed continues to serve as President of Puntland, until October 10, 2004, when

Yusuf was elected as President of the Transitional Federal Government (TFG) of Somalia

The Puntland Vice President H.E. Mohamed Abdi Hashi assumes power as President of Puntland, until

presidential election of January 8, 2005

January 8, 2005

H.E. Mohamud Muse Hersi (Adde Muse) and H.E. Hassan Dahir Mohamud (Afqurac) elected as

President and Vice President of Puntland, respectively

December 2006

Puntland President H.E. Adde Muse issues a five-point presidential decree, highlighting issues of: a)

constitutional review process; b) nomination of electoral commission; c) public dissemination; d)

referendum; and e) local and parliamentary elections

February 2007

Puntland President H.E. Adde Muse appoints 14-member Constitution Review Committee, to work with

local and international partners, including PDRC and Interpeace for technical and financial support

Constitution Review Committee reviews the Draft Constitution and conducts public consultations and

public dissemination of Draft Constitution

June 2, 2008

Constitution Review Committee presents Draft Puntland Constitution to Puntland Council of Ministers,

which debates, approves and submits the Draft Constitution to the Puntland Parliament

November 2008

Temporary Puntland Electoral Commission is nominated to conform set of criteria for new Members of

Parliament selected by traditional elders and civil society

2 of 2

January 8, 2009

H.E. Abdirahman Mohamed Mohamud (Farole) and H.E. Abdisamad Ali Shire elected as President and

Vice President of Puntland, respectively

February 2009

President Farole nominates Puntland State Minister of the Presidency for Democratization Process and

Federal Affairs

Puntland Government requests Puntland Parliament to return Draft Constitution to Government for

further review and public consultations, to conform to Islamic law and international standards

June 15, 2009

Puntland Parliament approves revised draft of the Puntland Constitution, reviewed and approved by the

Puntland Council of Ministers

Puntland Democratization Milestones

January 2, 2011

Puntland Parliament approves Puntland Electoral Commission Law

July 17, 2011

Transitional Puntland Electoral Commission (TPEC) established

November 29, 2011

Puntland Parliament approves Puntland Referendum Law

April 18, 2012

The Puntland Constituent Assembly convention adopts the Puntland Constitution in Garowe, in the

presence of titled traditional elders, Puntland civil society, TFG Ministers, international diplomats and

donor community members, United Nations representatives, and local and international media

Puntland Supreme Court certifies and endorses constitutional adoption

June 2012

Puntland Parliament approves Puntland Local Elections Law

September 2, 2012

Puntland Parliament approves Puntland Political Associations Law




   
Qaar ka mid ah Deegaanada Soomaaliland oo 18ka May ku Sheegay maalinta nadaafada iyo qashin aruuriska!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    19 May 2013
Ururka sahal oo bayaan adag ka soo saaray caddaallad xumada iyo faragelinta qaawan ee Xasan Sheekh    19 May 2013
Dawwo:Haween Soomaali ah oo xabsiyo dheer dheer lagu xukumay dalka Maraykanka    18 May 2013
Maxkamada Magaalada Minneapolis ee Mareyknka oo xukun kala duwan ku riday dhalinyaro Soomaaliyeed!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    16 May 2013
BAYAAN URURKA SAHAL UK    15 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software