Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
wasiirka caafimaadka Puntland oo sheegay in gobolka Bari uu ka dilaacay cudurka duumada

Waxaa Gobalka Bari ka dilcaaday Cudurka duumada wuxuuna soo ritey Tobanaan qof, Wasaarada Caafimaadka Dawlada Puntland ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inuu cudurkani si weyn uga dilaacay Gobalka Bari iyo deegaano hoos taga Gobalka Karkaar. Wasiirka Caafimadka Dawlada Dr Cali C/llaahi Warsame oo Shir jaraaid ku qabtay Magaalada Boosaaso ayaa sheegay inuu cudurkani fara kulul ku hayo Gobalka uuna soo ritey iminka dad kor u dhaafaya 50-qof oo iminka yaala isbitaalka Guud ee Magaalada Boosaaso.

Wasiirka ayaa sheegay inay Wasaaradiisu u guntantay sidii ay wax uga qaban lahayd cudurkan wuxuuna Dadweynaha ka codsaday inay tagaan goobaha caafimaadka ee ugu dhaw markii ay qandho dareemaan si looga baaro loona gana Daweeyo Cudurkan, Wasiirka Caafimaadka Dawlada Puntland ayaa sheegay in dadka uu iminka soo ritey cudurkan ee yaallaan  isbitaalka Magaalada Boosaaso ay ka yimaadeen Magaalada Boosaaso,Qaar kamid ah Degmooyinka Gobalka Bari iyo xitaa Deegaano ka baxsan Gobalka Bari oo uu kamid yahay Gobalka Nugaal, Wuxuuna tilmaamay inaan indhaha laga qarsan karin sida balaaran ee uu cudurka duumadu uga dilaacay Gobalka Bari.

Wasiirka  ayaa sheegay in loo malaynaayo inuu cudurkani ka dhashay roobabkii xoogana ee dhawaan ka da’ay deegaano katirsan Gobalka Bari oo ay ka dhalatay cayayaanka kaneecada, Dr Cali C/llaahi Warsame ayaa sheegay inay isbitaalka iyo Goobaha MCH-yada ay ku diyaariyeen Daawooyin lagula tacaali doono dadkaas uu soo ritey cuduran, Sidoo kale waxaan u diyaarinay halkaa la seexan lahaa hadii loo baahdo ayuu yiri wasiirku.

Dhanka Kale wasiirka Caafimaadka ayaa ka hadlay qalab Isbitaal iyo Daawooyin lasoo gaarsiiyey isbitaalka Guud ee Magaalada Boosaaso, Wuxuuna sheegay in qalabkaas laga keenay Dalka Sweden ayna soo dhiibistiisa gacan ka geysteen jaaliyadda reer Puntland ee Wadanka Sweden, Wasiirka ayaa tilmaamay in qalabkan lagu qalabayn doono Isbitaalka Guud ee Magaalada Boosaaso gaar’ahaan qaybaha cusub ee iminka laga hirgeliyey halka qaar kalena loo gudbin doono Isbitaalka Guud ee Magaalada Badhan ee Gobalka Sanaag.

Xafiiska wararka Waayaha.net




   
Xafladii xuska 18ka May ee Soomaaliland ee Holland oo ku soo dhamaatay dagaal iyo gacan ka hadal    20 May 2013
Qaar ka mid ah Deegaanada Soomaaliland oo 18ka May ku Sheegay maalinta nadaafada iyo qashin aruuriska!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    19 May 2013
Ururka sahal oo bayaan adag ka soo saaray caddaallad xumada iyo faragelinta qaawan ee Xasan Sheekh    19 May 2013
Dawwo:Haween Soomaali ah oo xabsiyo dheer dheer lagu xukumay dalka Maraykanka    18 May 2013
Maxkamada Magaalada Minneapolis ee Mareyknka oo xukun kala duwan ku riday dhalinyaro Soomaaliyeed!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    16 May 2013
BAYAAN URURKA SAHAL UK    15 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software