Kismaayo(WNT)-Kooxo
hubeysan oo aan la garaneyn ayaa xalay a magaalada Kismaayo ku dilay nabadoon
laga yaqaaney magaalada Kismaayo, iyadoona aan la garanayn ilaa imika sababta dhabta
ah ee loo dilay.
Nabadoonka oo magaciisa lagu soo koobay C/laahi ayaa kooxda
dishay toogteen xilli uu ku sugnaa meel aan sidaas gurigiisa uga durugsaneyn ee
isla xaafadda Shaqaalaha ee magaalada
Kismaayo, waxaana kooxda dilka geystay ay durbaba isaga carareen halkaasi
kolkii falka gaysteen.
Allaha naxariisteen nabadoonka ayaa ka mid ahaa dadka
deegaanka gobollada Jubbooyinka lamana garanayo sababta dhabta ah ee ka
danbaysa dilkiisa,waxaase loo malaynayaa inay dilkiisa gaysteen ururka
Al-shabaab oo dhowaan magaaladaasi lagaga awood roonaaday lagana saaray.
Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa howl gallo
ka sameeyay halkii nabadoonka lagu dilay ee xaafadda shaqaalaha e, lama sheegin
illaa hadda cid loo qabtay dilkaasi.
Dilka xalay loo gaystay nabadoon C/llaahi ayaa waxaa ka sii
horeeyey dil kale oo isna dhowaan kooxo Hubeysan ay magaalada Kismaayo ugu
gaysteen nabadoon kale oo isna lagu magacaabi jiray Ismaaciil Max’ed Nuur
(Qalinle), isagoo ku geeriyooday magaalada Muqdisho kolkii dhawaaciiisa loo
qaaday mhalkaasi si loogu soo daaweeyo.
Magaalada Kismaayo
ayaa ururka Al-shabaab waxaa uu isku dayayaa inuu ka ugaarsado dadka aqoonta
leh,si ay u carqaladeeyaan maamul dhowaan halkaasi lagaga dhawaaqi doono.
Xafiiska wararka
Waayaha.net