Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
Islaan weyn oo ayeeyo ah oo loo Maleeyay In ay Dhimatay oo la arkay Ayadoo Nool 3 Maalin Kadibl !!

Dhacdo naxdin iyo la yaab leh ayaa waxaa la sheegay inay ka dhacday dalkaas Ruushka ka dib markii islaan weyn oo ayeeyo ah oo ku nool dalkaas ay ka yaabsatey ehelkeedii iyo dhaqaatiirta dalkaas ka dib markii ay ayeeyadaas oo dhimatey ay dib u soo noolaatey 3 maalmood ka dib oo ay ku jirtey firintijeerka lagaliyo dadka meydka ah.

Ayeeyadaan oo lagu magacaabo Hardy Lyudmila Stebliskaya oo 61 sano jir ah kuna dalkaas Ruushka ayaa waxaa la sheegay in loo geeyey isbitaalka xanuun xaga wadnaha ah laakiin markey mudo ku jirtey ayaa gabadheeda oo lagu magacaabo Anastasia Steblitskaya oo 29 sano jir ah waxay wacday teleefoonka isbitaalka si ay uga wareysato xaalada hooyadeed, laakiin haweeneydaas ayaa waxaa loo sheegay hadal ay ka naxday oo ahaa inay hoyadeed ay dhimatey islamarkaana ay uga tacsiyadeynayaan arintaas,  markaas ka dib ayey haweeneydaas waxay bilowday inay diyaariso qabanqaabadii siday u aasi lahayd hooyadeed iyadoona ehelkeeda iyo qaraabada isxaabtiiba gaarsiisay geerida hooyadeed, haweeneydaan oo dalbatey islamarkaana ku bixisay lacag amaah ah oo gaareysay ilaa iyo 1,950 oo doolar dharkii, qarashka qabriga, iyo cuntadii martida ayaa markey howlahaas oo dhan ay diyaarisay waxay iska soo xaadirisay isbitaalka 3 maalmood ka dib markey hooyadeed dhimatey si ay ula baxdo meydka hooyadeed oo ilaa iyo intaas ku sugnaa talaajada ama firintijeerka lagaliyo meydka ee isbitaalkaas,  haweeneydaan oo xilligii ay timid ay ku beegneyd xilli ay dhaqaatiirtu rabeen inay qalaan hooyadeed oo ay ogaadaan sababta ay u geeriyootey ayaa waxay ka codsatey inaysan waqti badan heysan oo dadkii ka qeyb geli lahaa aaska iyo qabrigiibu ay diyaar yihiin sidaas awgeedna ay jeclaan lahayd inay qaadato meydka hooyadeed, Laakiin mudo yar ka dib ayaa waxaa u soo noqday haweeneydaas kalkaaliso caafimaad oo u sheegtay arin ay la yaabtey oo ahayd inay hooyadeed nooshahay oo aysan wali dhiman, haweeneydaan oo ay arintaas ku noqotey lama filaan ayaa in mudo ah u qaadan weysay waxa loo sheegay iyadoona markii dambe loogu geeyey qol yar oo ay ku jirtey hooyadeed oo nool.

Ugu dambeyntiina iyadoo arinta qabsatey haweeneydaan ay tahay wax lala yaabo ayaa afhayeen u hadlay isbitaalkaasi waxaa uu sheegay inaysan garin karin sida ay wax u dhaceen asagoona ku tilmaamay inay arintu tahay mucjiso ilaah waayo waxaa uu sheegay inay adag tahay in qof wali nool ay dhaqaatiirtu ku sheegaan inuu dhintay asagoona sheegay inay mar walba baaritaan dheer iyo xaqiijin ka dib oo ay sameeyaan dhaqaatiirtu inay ehelada qofka ku war galiyaan inuu dhintey asagoona wali ku adkeystay inkastoo ay haweeneydaan ay hada nooshahay inay ahayd qof dhimatey markay dhaqaatiirtu ku cadeeyeen inay dhimatey,  gabadha ay dhashay ayeeyadaan ayaa waxay sheegtay inay wali la liicayso deyntii ay u gashay sidii ay u aasi la hayd hooyadeed,  sheekadaas oo dhacday sanadkii 2011 ayaa sidoo kale islaantaas waxay bishii Oktober ee sanadkaan noqotey sidaaas oo kale laakiin dhaqaatiirta ayaa markaan ka feejignaa inay dhacaan wixii qabsaday sanad ka hor iyadoona maalmo qura ay ku jirtey aslaantaas isbitaalka.

Abdirizak M. (Xiireey)

Holland

Abdirizakxiireey@hotmail.com




   
Dawwo:Haween Soomaali ah oo xabsiyo dheer dheer lagu xukumay dalka Maraykanka    18 May 2013
Maxkamada Magaalada Minneapolis ee Mareyknka oo xukun kala duwan ku riday dhalinyaro Soomaaliyeed!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    16 May 2013
BAYAAN URURKA SAHAL UK    15 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software