Beled Xaawo(WNT)-Degmada
Balad Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa waxaa
ka dhacay kulan ballaaran oo ay kasoo
qayb galeen Ururada Bulshada, Haweenka,
Aqonyahanada,luluma udinka iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada ku nool Dagmada
Balad Xaawo ee Gobolka Gedo. Kulankaan ayaa waaxaa soo Abaabulay Maamulka Magaalada Baladxaawo ee Gobolka
Gedo waxaana marti ku ahaa Gudiga Maamul
usameynta Jubboyinka iyo Gedo ee maalmahaanba socdaalka ku marayay Gobolka
Gedo.
Ugu Horeyn Kulankaan
ayaa waxaa ka hadlay Gudiga Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo waxaayna ka warbixiyeen halka ay marayso Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo
Gudiga ayaa waxaay shegeen in Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo ay marayso heerki ugu ficnaa waxaayna shegeen in Shirweynaha Maamul
usameynta Jubboyinka iyo Gedo uu ka dhici doono Magaalada Kismaayo ee Xarunta
Gobolka Jubbada hoose balse ay ka horeyso in Gobol Walba uu goonidiisa isku diyaariyo sidi uu uga qaybgali laha Shirweynaha Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo.
War bixin Faafahsan oo Gudiga Maamul usameynta Jubboyinka
iyo Gedo u siiyay qaybaha kala duwan ee
bulshada Magaalada Balad Xaawo ayaa waxaa uu gudiga wey diidayay Bulshada Dagmada Balad xaawo sida ay u arkaan in ay la midooban Gobolada Jubboyinka oo ay Maamul mid ah wada samaystaan. Intaasi
ka dib waxaa uu hadalki ku so wareegay qaybaha kala duwan ee Bulshada ku nool
Dagmada Balad Xaawo waxaana ugu horeyn
hadlay Ururada Hawenka oo ayagu mujiyay
sida ay ugu qanacsan yihiin dhismaha
Maamul mideeya Gobolada Jubboyinka iyo Gedo waxaay shegen in ay garab
istagayaan wax walba oo ka soo baxa Shirweynaha Maamul usameynta Jubboyinka iyo
Gedo.
Sido kale waxaa so
dhaweyay in la helo dhismaha Maamul
mideeya Gobolada Jubboyinka iyo Gedo Ururada dhalinyarada Aqonyahanada iyo
Culumaudiinka Magaalada Balad Xaawo ee
Gobolka Gedo waxaayna ku baqeen in Dhismaha Maamulka qayb laga siiyo Dowlada
Fadaralka Somalia. Kulanka waxaa sido kale ka hadlay xubno ka mid ah Maamulka
Magaalada balad xaawo ee gobolka Gedo waxaayna sheegen in Maamulada Dagmoyinka
Gobolka Gedo ay diyaar u yihiin ka qayb
qadashada Maamul Goboledka Jubbaland State of somalia.
Ugu danbeyn kulanki dhexmarayay Qaybaha kala duwan ee
bulashada Dagmada Balad Xaawo iyo Gudiga iskugu jira Saxiixeyaasha iyo Gudiga Farsamada Jubbaland ayaa waxaa uu ku soo dhamaday guul iyo
isfahan ayado marki uu kulankaasi dhamaday
Gudigi Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo ay u ambabaxeen Dagmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.
Xafiiska wararka
Waayaha.net