Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
Gabar Soomaalida Holand ah oo Muqdisho dhaqan celin Loo geeyay oo Nin lagu daray iyo gabadhii oo kasoo Carartay Ninkii(Daawo Muuqaal+Warbiixn)‏

Gabar Soomaaliyeed ayaa waxaa la sheegay inay ka soo carartey ninkii qabay oo ay waalidkeed ku dareen oo ay kula nooleyd magaalada Muqdishu, islamarkaana ay u geysatey ninkaas aflagaado sidoo kalena ay ku sheegtay inuu kula kacay arin xun oo la yaab leh oo maskaxda ka weyn, iyadoona sheegtay inay ninkaas si qasab ah ay ugu dareen waalidkeed ayadoon raali ka ahayn.

Gabadhaan oo loogu yeeray Sahra laakiinse magaceeda saxda ah la qariyey arimo la xiriiro nabad galyadeeda ayaa waxaa la sheegay inay ka soo baxsatey nin ay qaraabo yihiin oo qabay oo ay hooyadeed ku dartey, Gabadhaan oo ay da'adeedu ahayd 16 sano jir oo ay waalidkeedna ka shakiyeen hab dhaqankeeda aan wanaagsaneyn ayaa waxay hooyadeed u sheegtay inay tagayaan magaalada Muqdisho si ay halkaas ugu booqdaan ayeeyadeed oo xanuunsan oo ayna dib ugu soo kaxeeynayaan dalka Holland oo ay ayeeyadu horey ugu noolaan jirtey, Laakiin markii ay halkaas tageen ayey hooyadeed u sheegtay inaysan meelna u socon oo ay mudo joogayaan magaalada Muqdisho iyadoona mudo ka dib gabadhaas lagu darey oo uu aroosay nin ay qaraabo yihiin oo ka weyn oo 35 sano jir ah islamarkaana lahaa xaas kale iyo hal cunug.

Gabadhaan oo ka warantey inaysan jecleysan arooskaas ayaa waxay sheegtay in habeenkii ugu horeeyey ilaa hal todobaad ay marmarsiiyo ka dhigatey inay qabto caado dumarka taasna uu ninkii iska dhaafay laakiin todobaad ka dib ayuu ninkaas qasab ugu tagey, Gabadhaan ayaa intaas ka dib waxay u soo tahriibtey dalka Itoobiyo iyadoona iska xaadirisay safaarada dalka Holland ee magaalada Addis ababa, laakiin shaqaalaha safaarada ayaa waxay u sheegeen inaysan caawin karin gabadhaas maadaama ay tahay qof 17 sano jir ah oo aan walina qaan gaarin si ay wax ugu qabtaana ay tahay inay ogolaansho ay ka heysato waalidkeed taas oo aysan gabadhaasi heli karin maadaama ay tahay qof baxsad ah, ama ay sugto inta ay ka gaareyso 18 sano jir markaas oo ay tahay qof qaan gaar ah oo is maamuli koro, Laakiinse qoyska ninkii qabay oo ka war helay arintaas ayaa gabadhaas ka soo qabtey magaalada Addis ababa dibna ugu soo celiyey ninkeedii iyo gurigeed.

Hasayeeshee gabadhaan oo aan wali sal dhigin oo ayna ka go'aneyd inay baxsato islamarkaana uu markaan gacanta ugu jiro baasaboorkeedii oo ay ka xaday hooyadeed ayaa waxay bilowday inay internetka ay ka raadiso cid caawisa waxayna ugu dambeyn is heleen haweeney lagu magacaabo Shirin Musa oo Hollandees ah oo u madax ah urur caawiya haweenka dhiban oo lagu magacaabo (Femmes For Freedom) iyadoona ay haweeneydaas uga warantey dhibaatada heysata kana dalbatey inay caawiso, taas oo ay haweeneydaan Hollaandeeska ah ay u gurmatey gabadhaas oo ayna u dirtey tigidh ay kaga soo dhoofto magaalada Muqdisho ilaa dalka Turkiga ka dibna ay soo gaartey dalka Holland gaar ahaan garoonka diyaaradaha magaalada Amsterdam ee Schiphol halkaas oo ayna ku soo dhaweysay haweeneydaas Hollandeeska ah ee caawisay, gabadhaan ayaa waxay sheegtay in sidoo kale ay kula kulantey magaalada Muqdisho gabar kale oo ka timid dalka Holland oo ay qabsatey sheekadeeda oo kale oo iyadana damacsaneyd inay sideeda oo kale ay ka soo dhoofto magaalada Muqdishu laakiinse la ogaadey oo nin raadinaayey oo sawirkeeda wato uu kala degay diyaarada.

Ugu dambeyntiina iyadoo gabadhaasi ay hada ku sugan tahay dalka Holland oo ayna sheegtay inaysan wax nin ah aysan diyaar u ahayn xilligaan ayaa gabadhaan oo wareysi siisay warbaahinta dalka Holland ayaa waxay aflagaadeysay ninkaas guursaday, Laakiinse arinta la yaabka leh islamarkaana meel ka dhac ku ahayd dhaqanka, diinta iyo sharafta dhamaan dadka Soomaaliyeed ayaa waxay ahayd ka dib markey gabadhaasi ay sheegtay inuu ninkeeda oo aad iyo aad u jeclaa inay uur u qaado si uu u yimaado dalka Holland markii uu wax ka keeni waayey asagu oo ay uur u qaadi weysay uu nin saaxiibkiisa oo caruur badan dhalay uu ku qasbay inay isu tagaan si uu ugu uureeyo xaaskiisa taasoo uu ninkaas saaxiibka ah uu ilaa 3 jeer uu gabadhaas u tagey si ay uur u qaado, run ahaantii waa arin ku adag qof kasta oo Soomaali ah inuu rumeysto inuu jiro nin Soomaali ah oo xaaskiisa xalaasha ah sidaas kula dhaqmaayo, Gabadhaan oo iyadaba siday qirtey dhaqan doorsoontey oo iska noqotey dhalinta reer Yurub ayaa waxaa laga yaabaa in waxyaabaha qaar kood ee ay ka sheekeynayso inay yihiin kuwo ay ku beerlaxawsaneyso gaaladaas qaabishay oo ayna ka dhigeyso inuu soo gaarey dhib aad iyo aad u weyn oo ayna u baahan tahay caawimaad badan.

Halkaan ka daawo:  http://www.youtube.com/watch?v=jKKa8tHNdXw

Abdirizak M. (Xiireey)

Holland

Abdirizakxiireey@hotmail.com




   
Xafladii xuska 18ka May ee Soomaaliland ee Holland oo ku soo dhamaatay dagaal iyo gacan ka hadal    20 May 2013
Qaar ka mid ah Deegaanada Soomaaliland oo 18ka May ku Sheegay maalinta nadaafada iyo qashin aruuriska!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    19 May 2013
Ururka sahal oo bayaan adag ka soo saaray caddaallad xumada iyo faragelinta qaawan ee Xasan Sheekh    19 May 2013
Dawwo:Haween Soomaali ah oo xabsiyo dheer dheer lagu xukumay dalka Maraykanka    18 May 2013
Maxkamada Magaalada Minneapolis ee Mareyknka oo xukun kala duwan ku riday dhalinyaro Soomaaliyeed!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    16 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software