Kismaayo(WNT)-Wararka
naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa
sheegaya in wafdigii ka socday dowlada Federalka ah ee heerka wasiir ahaa iyo
dadka deegaanka Jubbooyinku ay kulan yeesheen.
Kulankan oo ka dhacay hoolka shirirka hotelka wadigaani ku
sugan yihiin ayey iskula lafa gureen halka,xaaladdu hadda meesha ay marayso
iyagoo si weyn diirada u saaray maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka.
Dadka ku dhaqan deegaanka jubbooyinka ayaa dowlada Federalka
ka codsaday inay dowladu ka deyso dibin daabyada xamar ay dowladu ka soo
maleegayso ,loona madax baneeyo dadka gobollada Jubbooyinka ay maamulkooda
sameystaan.
Madaxdii halkaasi tagtay ayaa dadka deegaanka arrintaasi la
qaatay waxaana ay ballan qaadeen inay gacan ka sii doonaan maamulka dhowaan
halkaasi lagaga dhawaaqi doono, dowladuna aysan wax fara gelin ah ka gaysan
doonin.
Shalay ayey ahayd kolkii Axmed max’ed Islaam (Axmed madoobe)
oo ah guddoomiyaha ku meel gaar ah ee
gobollada jubbooyinka uu warbaahinta u sheegay in maamulka la dhisi doono ay u
madax banaan dadka deegaanku dowladuna goob joog ka ahaan doonto,taasi oo
warbaahinta qaarkeed si qaldan u fasireen.
Maamulka laga filayo in lagaga dhawaaqo gobollada
jubbooyinka ayaa waxaa uu jilaafooyin aan yarayn kala kulmay dowlada Federalka
iyadoo taasi lagu macneeyey dowlada oo marna ku qaracsaneyn nidaamka federalka.
Xafiiska wararka
Waayaha.net