Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa la
sheegay inay cabasho weyn ka muujiyeen ka dib markii ay dowlada dalkaas ay u
diiday Soomaalidaas inay ka dhoofaan dalkaas oo ay dib ugu noqdaan dalkooda
hooyo maadaama dowladaasi ay ku wareertey baasaboorka saxda ah ee dalka
Soomaaliya.
Dowlada Koonfur Afrika oo mar marsiiyo ka dhiganeyso inay ku
wareertey is dhex yaaca baasabooro kala duwan iyo dukumentiyo ay Soomaalida
wadato ayaa waxaa la sheegay inay is hortaagtey muwaadiniin Soomaaliyeed oo
damacsanaa inay dalkaas kaga dhoofaan baasaboor Soomaali ah oo ay u kicitimaan
dalkooda hooyo, dowlada Koonfur Afrika ayaa waxay sheegtay inaysan Soomaalida
ka dhoofi karin ilaa ay hesho safaarad xaqiijisa oo kala saarta baasabooradaas
kala duwan ee is dhexyaacaaya ee ay dadka Soomaaliyeed kala wataan, dadka
Soomaalida oo ay qaar wataan E baasboorka ayaa waxaa kale oo jira Soomaali
wadata baasaboorkii cagaarka ahaa ee ugu dabeeyey dowladii hore ee Soomaaliya,
Soomaalidaan loo diiday inay ka dhoofaan garoonkaas ayaa waxay cabasho u direen
inay dowlada Saoomaaliyeed wax ka qabato arintaas islamarkaana ay dadajiso howl
galinta safaarada Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika.
Ugu dambeyntiina iyadoo dadka Soomaaliyeed ay la soo
daristay arintaas ka timid shaqo xumida wasaarada arimaha dibada ee Soomaaliyeed
oo ay dadkaas u xayiran yihiin howl gudasho la'aanta wasaaradaas ayaa sidoo
kale waxaa kol hore ay laant dambi baarista ee dalkaas Koonfur Afrika ay horey
ugu eedeysay inuu baasaboorka Soomaaliyeed uu yahay mid aad u sahlan oo si
fudud uu u qaadan karo qofkasta oo rabo inuu qaato oo si sahlan loogu iibiyo
suuqa madow, dadka Soomaaliyeed oo horey uu dhib weyn ugu heystey dalkaas
Koonfur Afrika oo mar walba loogu geysan jirey dil iyo dhac hantidooda ah ayaa
tanina waxay ka mid noqoneysaa dhibaatooyinka cusub ee foodsaarey soomaalida ku
nool dalka Koonfur Afrika.
Halkaan ka daawo: http://www.youtube.com/watch?v=Yb-N4t1bxpA
Abdirizak M.
(Xiireey)
Holland
Abdirizakxiireey@hotmail.com