Gabar Soomaaliyeed oo ku nool dalkaas Giriiga ayaa
waxaa la sheegay inay si dirqi ah ay kaga baxsatey oo ay kaga badbaaday in la
kufsado ka dib markii nin Giriig ah oo ay u shaqeyneysay uu isku dayey inuu
kufsado oo uu faro xumeeyo gabadhaas Soomaalida ah ee ku nool dalkaas.
Gabadhaan oo magaceeda lagu soo koobey Sabrin oo 15
sano jir ah oo ka mid ah qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas Giriiga gaar
ahaana magaalada Athens ee caasimada dalkaas Giriiga ayaa waxay sheegtey in
goor habeen ah oo ay dadkiina ku yaraadeen goob ay ka shaqeyneysay inuu mar
qura uu ku soo booday oo uuna isku dayey inuu kufsado nin u dhashay dalkaas
Giriiga oo ay u shaqeyneysay laakiinse ay iska difaacday, Gabadhaan ayaa
sheegtey inuu ninkaas markey ay shaqada weydiisatey uu asaga dhigey nin
wanaagsan oo caawinaayo laakiinse markey u shaqeyneysay ninkaas mudo ilaa
todobaad ah uu isku dayey inuu xoog ku isticmaalo laakiinse ay iska qabatey
islamarkaana ay goobtii isaga baxsatey ayadoona uusan ninkaas waxba u geysan
gabadhaas yar ee shaqo doonka ahayd islamarkaana uu ninkaasi ku fashilmay isku
deygiisaa ahaa inuu xoogo gabadhaas.
Ugu dambeyntiina iyadoo gabadhaasi yar uu ilaahey
ka badbaadiyey falkaas waxashnimada ah ee uu la damacsanaa ninkaas Giriiga ah
ayaa waxay tani ka mid tahay waxyaabo badan oo ka dhaco wadamada ay ku nool
yihiin qaxootiga Soomaaliyeed oo mar walba lagula kaco arimo kuwaas oo kale ah
iyo kuwo ka daran, dalka Giriiga oo ay Soomaali badan ku nool yihiin oo ayna ku
dhibaateysan yihiin gaar ahaan qolooyin cunsuriyayaal ah oo beegsada
aajanbiyiinta, ayaa waxaa la yaab leh in dal sida Giriiga oo kale ah oo ka mid
ah wadamada ugu faqrisan uguna liita dalalka reer Yurub islamarkaana ku nool
deeqaha iyo deymaha bilaayiinta doolar ah ee ay siiyaan wadamada midowga reer Yurub
inuu sidaas ula dhaqmo dad qaxooti ah oo u soo magan galay wadankiisa.
Halkaan ka daawo : http://www.youtube.com/watch?v=z2_MxZIKtso
Abdirizak
M. (Xiireey)
Holland
Abdirizakxiireey@hotmail.com