Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
Khatarta guur la’aanta

Guurku wuxuu ka mid yahay nicmooyinka waaweyn ee Ilaahay adoomadiisa ku galladaystay, ka tagistiisuna waxay qofka iyo bulshadaba ku leedahay saamayn xun. Khataraha ugu waaweyn oo ka dhasha ka dheeraanshaha guurka waxaa ka mida:

1. Ka dheeraanshaha guurku wuxuu sababaa jirrooyin nafsi ah, sida: waali, islahadal, walwal iwm. Waxaa dhici karta in jirradaas isu badasho mid xubnaha ah oo daweynteedu adagtahay. Diraasad Maraykan ah oo cusub ayaa faa’iidaysay in guurku hagaajiyo caafimaadka miskaxda gaar ahaan dadka qaba murugta iyo isla-hadalka; sidaa darteed waxaa lagama maarmaan ah inay guursadaan dadka qaba murugta, moral-jabka iyo dareenka kalinimo .

2. Dadka aan guursan waxaa ku dhaca moral-jab ka yimaada dibu-dhaca haleelay iyo horumarka asaaggood sameeyeen; waayo dadkii ay isku ayniga ahaayeen ayaa noqday mudanayaal iyo marwooyin leh reer iyo ubad bulshadana ku dhex leh qadarin iyo maamuus halka iyo ay weli ciyaal xaafad yihiin!.

3. Waxaa dhici karta dadka guurka dib u dhiga inay noqdaan ma dhalayaal ama ay gabdhaha iyaga oo waaweyn ay ku dhibtoodaan dhalmada ama uu ku bato dhiciska iyo dilanku ama carruurta ay dhalayso yaraato dibudhaca guurkeeda darti. Waxaa iyana dhacda in dadka guurka dib u dhiga ay haleesho cillad aanu helayn cid guursata laakiin haddii cillad heshi isaga o reer leh uma badna inuu reer la’aan muto.

4. Ka dheeraanshaha guurku wuxuu dhaliyaa xilkasnimo la’aan iyo asaagga oo laga haro.

5. Waxaa kale oo dhacda inuu qofkii guurka dib u dhigay dhinto isaga oo aan ubad ka tagin, sidaasna uu ku waayo cid geerida ka dib usoo ducaysa iyo magac ka hara labadaba.

6. Ka dheeraanshaha guurku bulshada wuxuu u gaystaa dhibaatooyin ay ka mid yihiin:

a)Tarankii dadka ee saldhiga u ahaa horumarka bulshada oo la dhimo.

b) Sinada iyo xumaha oo bulshada ku dhexfaafa, ka dibna ay ka dhashaan jirrooyin khatar ah oo wax u dhima caafimaadka iyo dadnimada bulshada.

c) Jariimooyinka iyo falal dambiyeedka oo ku bata bulshada dhexdeeda.

d)  Soo dagista ciqaabta Ilaahay ee aan barbar marin ciddii faaxishada si barer ah u muujisata.

Axmed C/samad

alwaqaar@hotmail.com

Faafinta Waayaha.net




   
Dawwo:Haween Soomaali ah oo xabsiyo dheer dheer lagu xukumay dalka Maraykanka    18 May 2013
Maxkamada Magaalada Minneapolis ee Mareyknka oo xukun kala duwan ku riday dhalinyaro Soomaaliyeed!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    16 May 2013
BAYAAN URURKA SAHAL UK    15 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software