| |
| Khudbadii Madaxweynaha Puntland ee Jaamacadda Muqdisho (FaracaBoosaaso) |
Dr. Cabdiraxman Maxamad Maxamud Farole
December 27, 2012
Boosaaso
Assalamu calaykum:
Dhulkaan waxaa la oran jiray gaari-waa. Muqdisho baa laga soo gaari waaye. In maanta intaas oo jamacad ka furanyihiin, oo qeyb walba oo cilmiga lagu baranayo waa horumar wanaagsan.
Waxbarashada, Cilmiga iyo Waayo aragnimada
Waa naga nasiib badan tihiin oo fasalkii lixaad Xamar baan u aadnay. Boosaaso kuwii ka tagay iyo aniga oo ka tagay Eyl. Wada aan marnay waad ogtihiin oo aan xilligaa laami ahayn. 10 beri baan u socon jirnay, hadba baabuur baan meel kaga dagnaa baabuur kale baan fuulna. Fasalkii lixaad baan Muqdisho u aadnay. Idinkana maanta halkaan baad wax ku dhigaynaysaan.
Arday kale Jaamacada Bariga Africa baan ku aragnay. Soo naga nasiib badan tihiin. Marka hore Ilaahay ku xamdiya. Marka xigta waxaad ku xamdidaan dadkii hal abuur lahaa oo jamacadahaan iyadoo burbur ah Somalia ka hirgaliyay. Jamacadaan waa
faracii tan Muqdisho laga sameeyey oo Dr. Abdiraxman Badiyow iyo rag kale ay sameeyeen. Anaga intaan maamulkaan joogay baan ogolaanay in la dhiso iyadoo magaca Muqdisho wadata.
Dadka Somaliyeed dad kala baxaya ma aha. Magacyadu ha isku jireen. Muqdisho waxaa laga furidoona jamacad la yiraahdo Boosaaso. Anagu odayaal baanu nahay. Bini’adamku waxaa Ilaahay fac-fac ka dhigay oo isbedelaya qofba qof baa badalaya. Oday walba ilmihiisa baa badalaya. Jiilba jiil baa badalaya. Waxaa la rabaa inaad waayo aragnimadayda qaadataan, cilmiga aad ku tartantaan, xaqiiqda dalka ama gobollada Puntland ama Somalia iyo caalamka intaba aad ku dartaan xisaabta.
Waxbarashada gabdhaha
Waxaan xasuustaa xilligaan wax baranayay fasal kasta hal gabar baa ku jirtay. Hadana fasal kasta aan aragno bar baa gabdho ah. Mujtamaca rag iyo dumarba hadaan labaduba wax la barin mujtamac ma noqonayo. Markii gabdhuhu wax bartaan aasaaska mujtamaca waa dhisan yahay.
Wixii hore iyo Waaga cusub
Qaab dowladnimo ma aydaan soo arag dhallinyaradiina, wixii aad buug ka akhrisaan mooyee. Xilligii dowladii militariga 21 sano dalka xukumaayeen xero askar bay ahayd, maamulkiina tartiib buu u dumaayey markii ay private sector dadka shaqada ugu badan hayay oo horumarka dalka hayay ay xireen, hey’ado been abuur ah ay dhiseen, sida wasaarada dhismaha qaranka. Waxyaalaha aan soo aragnay ma aydan arkin. Waa cusub baa timaadeen. Waxaan u baahanahay jiilka cusub inay waayo aragaas sidii hore dalka u jiri jiray ogaadaan.
Somalia-da Cusub
Dhismo cusub baa Somalia iyo Puntland ka socda. Burburka waa laga baxayaa. Burburka dhismaha kaliya maha. Burbur maskaxeed baa jira. Maskaxda waxaa burburiyay qabyaalad – wixii dadka isku diray qabyaalad bay ahayd. Qori, khamri, qaad iyo qax baa ku xigay.
Somalia waxaa la yiraahdaa waxaa ku nool 10million qof. Intaa way ka badan tahay.Inta qaxootiga ah kaliya waa 5 million qof. Boosaaso baa million qof ku dhow.
Argagaxisada iyo Qabyaalada

Waxaas baa lasoo maray. Waxaa soo baxay wax uun xabad sida oo leh Muslim baan ahay. Nin qori wata oo ciduu ku jihaadayo aan la aqoon, Muslim ma aha waxaa weeye Sheydaan qori sita oo diinta ku qaraabanaya.
Dhalinyarada waa meesha laga ugaarsado oo ay ka ugaarsadaan Argagaxisada. Wadooyin badan bay soo maraan. Qabyaalada bay beeraan oo yiraahdaan reer
hebel iyo reer hebel baa kala tihiin, reer hebel baa meesha haysta. Wadaada bay soo maraan waxay yiraahdaan kuwasii waa Xer, kuwaasi waa Itixaad, kuwaasi waa Islaax, kuwaasi waa Ahlu Sunnah, wax cusub oo soo baxay Ahlu Sheikh, Ahlu Dam.Waxaas oo badan.
Waxaas ma jiraan. Afar madhab baa jirtay. Halkaan dadka degan waxaa la yiraahdaan waa Muslim, waa Sunni, waa Shaafici. Intaas yaan hoos loo dhaafin.
Waxay doonayaan in xukun siyaasadeed ay dad dhiigiisa ku gaaraan, iyo dal uu baabi’iyo, iyo caruur intuu kaxaysto oo yiraahdo Muslim baa tihiin Gaalo baan ku jihaadaynaa oo uu markuu geeyo Buuraha iyo meel uusan ka soo noqon karin ku yiraahdo Adoon baa tahay oo madaxa iyo caafimaadkiisa ka baabi’iyo psychologically.
Amniga waa aasaaska nolosha
Baahida bini’aadamka waxaa ugu muhiimsan amniga. Hadaadan amni haysan nolol ma jirto. Hadaadan amni haysan cunto cuni maysid, biyo cabi maysid, qoraxdanameel ka gali maysid, carar baa ku jiraysaa. Dhibaatada haysata Somalia waa intaas.
Amniga waa aasaaska baahida koowaad.Hadaad wax baratid taajir baa tahay. Adigaa markasta laguu baahan yahay. Kaalay macalin ii noqo, kaalay daqtar baa tahay idaawee. Ninka lacag haysta oo aan aqoon haysan, adiga oo aqoonta leh ayuu kuu baahanyahay.
Xumaanta Qabyaalada
Halkaas waa meesha loo socdo laakin wado loo maro bay leedahay. Wadadaas Qabiilku kuma taalo ogaada. Qabiilka ma dhalo dad fiican. Qabiilku wuxuu dhala qof xun. Qabiilka wuxuu soo saara dad leh yaa reer hebel naga dhicinaya oo aan qof ka reebeyn. Hadii reer hebel walba soo saaro kan ugu dambi badan oo ugu tuugsan oo waxba reebeyn maxaa inaka haraya?
Nidaamka Dimuqraadiyada
Anaga waan ka guuraynaa nidaamka qabiilka laakin dadka ay ku adag tahay inay fahmaan maxaa yeelay ma ay soo arag. Nidaamka dimuqraadiga oo hada aynu wadno micno wayn buu noo sameenayaa. Kuwaa waxay yiraahdaan dimuqraadiga waa bilaa diin. War waxaas ma jiraan. Micnaha dimuqraadiga waxaa sameeyey Madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka Abraham Lincoln. Waxaa weeye Government from the people, for the people, to the people. Dowlad dadka ka timid oo dadku ay doorteen.
Sidee u dooranayaan? Nidaam baa la raacayaa. Xisbiguu isleeyahay xisbigaas baa mabaa’diida uu wato ugu fiican, shaqsiyaadka uu u wado inay baarlamaanka galaan oo sharciga dajiyaan oo dalka hogaamiyaan ayuu codkiisa siinaya isagoo aan qabiil
eegeyn. Xisbiga oo dadka ugu badan ay raacaan ayaa dowlad soo saaraya. Marka dowlada dadkii bay ka timid. Mar hadaa dadkii aad ka timaadid waa inaad wanaag ka shaqaysa maxaa kale hadii aad ka shaqaysid wax xun xisbiga mucaraadka ah oo kaa soo horjeeda ayaa dadku raacayaan, adigana xafiiska waad ka tagaysaa. Marka wanaaga waa ku qasbanyahay.
Faa’ido kale waxaa weeye dadka aan la aqoon ayaa waxay helayaan fursad lagu barto hogaankooda. Dhalinyaradii baa saas ku soo baxaysa, hadba sida ay maslaxada caamka ah uga shaqeeyaan.
Wadamada Islaamka Sunni iyo Shiica labaduba dimuqraadiyad bay qaateen. Sharci dastuur ah oo waafaqsan Shareecada Islaamka baanu samaysanay, waynu gudoonsanay, waynu u codeynay, waynu qaadanay.
Dastuurka Federaalka Somalia
Waxaanu ka shaqaynay inuu dalkaan dastuur yeesho. Asxaab baa loo wada dalka. Waxaanu howl wayn ka qabanay in Somalia ay Dowlad KMG ah ka baxdo. Waxaanu idiin sheegaya Dowlada Puntland baa doorka ugu wayn qaadatay, iyadoo soo dhawaysay, dalkeeda ku martigalisay, iyadoo wax badan ka shaqaysay Dastuurka Federaalka, beesha caalamka iyo Somalida kale la shaqaysay.
Dadka qaar baa qeyliya. Waxay yiraahdaan Dastuurka Federaalka Puntland baa samaysay. Anaga amaan bay noo tahay haday yiraahdaan. Kaligeen ma samaynin laakin qeyb wayn baan ku laheen. Waxay ka wadaan waxa ku yaala Dastuurka ma raacsanin. Federal ma raacsanin. Oo dalka sidee la isugu keenaya, anaga waan tagnee? Ma iska sii tagnaa? Soo lama rabo in dadkii isu yimaado? Oo maxaa la isku raacayaa oo kale? In waxna la wadaago, waxna la kala lahaado.
Ardayga hala baro nation and state – qowmiyad iyo dowlad. Somali waa qowmiyad, waa one nation. Laakin states bay kala tahay, stateka Puntland, stateka Somaliland oo aan filaayo markii xoogaa soo xiiqaan aakhirka waa iska imaan doonta.
Kuwa diidan Nidaamka Federaalka
Kuwa leh Federaal ma ogolin, ha keeneen farsamo kale. Dastuurkii lagu doortay oo ay madaxnimada ku heleen ma ninbaa oran kara ma jiro? Hadaad tiraahdid ma jiro adna ma jirtid weeye. Anagu ma lihin, mana caynayno, mana maagayno. Waxaanu leenahay wadanka qaanuun baa loo sameeyey qaanuunkaas ha lagu dhaqmo, dowladihii kale hala gacansiiyo, hala soo dhiso, kuwa Jubaland oo faragalinta ka qaylinaya maamulkooda hasoo dhisteen, dadka deegaanka haku jireen sida ay Puntland ugu wada jiraan. Kuwa gobollada dhexe hasoo dhisteen.
Jiilka cusub
Markaas Somali way soo noqotay. Idinka waad korteen, jamacadihii waaddhamayseen, madaxda beri idinkaa noqonaya. Nidaamka xisbiyada hada qaata kana shaqeeya. Al Shabaab iyo firqado diini ah ka digtoonaada. Muslim baa idinku filan.
Anigu hada Muslim baan ahay, wax kale ma ihi. Taasina waa amaan Ilaahay xagiisa ka timid. Xisbi diini ah oo dadka kala soocayo aakhirka wuxuu u wadaa jabhado inay islaayaan ogaada.
Nabadgelyada oo ah aasaaska horumarka iyo baahida kowaad ka shaqeeya hadaad aragtaan dad wax xumeenaya haduu doono walaalka ha ahaado, ina adeerka ha ahaado, qabiilkaaga ha ahaado, saaxiibkaa ha ahaado, ciidamada amniga u soo sheega.
Waanada iyo Ducada Madaxweynaha

Waxaan idinka rajaynayaa Ilaahay inuu wada fiican idin tuso oo aad walaalowdaan, qabiil-na aydun isku qeybin. Saaxibka koowaad fasalka ayuu ka soo baxaa (classmate). Saaxiibkayga koowaad oo aan weli ugu jeclahay waa kuwii aan isku fasalka dhigan jirnay. Ogaada saaxiibka koowaad waa ardayda fasalka aad wada dhigataan oo aad meel wax ku wada barateen oo aad isfahamteen oo aad awal kala soocneedeen. Sidaas bay qabyaaladu ku dhamaanaysaa.
Dadka lagu tashanayo inay Somalia beri isku keenaan oo hormariyaan waa idinka. Intaan idin sheegayno ka qaata waayo aragnimada. Raga idin oranaya asxaabtu waa xuntahay, lagama gaaro, xisbi ma jiro, waa waxaan kalsooni dadka ku qabin oo beri aan doorasho heli karin. Fidmo in la islaayo bay rabaan oo la yiraahdo dadka hala kala qabto, fidmo hala sameeyo oo qabiil haloo noqdo. Beelo isu yimid baanu nahay. Anigu markii Puntland la dhisaayay aasasayaashii baan ka mid ahaa dastuurkii hore baan wax ka sameeyey, meel ay kaga qorantahay dastuurkaas beel hebla iyo beel hebla baa isu timid ma jirto. Waxaa ku qoran intaasoo gobol baa israacday. Gobol walbana reer walba waa degan yahay. Gobol reer u soocan majiro.
Gobolo baa maamul dhistay, oo isku degaan ah, oo hal dhibaato wadaagay. Way soo wada qaxeen. Koonfur bay kasoo qaxeen. Laakin ma aysan foogaan sida Somaliland. Waxay yiraahdeen anagu meel dhexe baanu istaagaynaa, Somali waa midaynaynaa, wakhti baanu ku luminaynaa intii ay rajo leedahay. Laakin hadii ay Somalia rajo beesho, waxay oranayaan war meeshaan rajo beeshay see yeelnaa? Kheyr baan idin rajaynayaa.
|
|
|