Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
Guddoomiyaha jaaliyada haweenka Puntland oo cabaaraysay isir sooca ay wado wasiirada arrimaha dibada Soomaaliya

Waxaan halkaan ummadda Soomaaliyeed ugu soo gudbinayaa in dawlada madaxwayne Xasan Shiikh gaar ahaan wasiirada Arimaha Dibada ee Soomaalia ay wado dagaal isir sooc ah oo ka dhan diblomaasiyiinta kasoo jeeda deegaamada Puntland iyo Jubbaland. Warar xog-ogaal ah ayaa xaqiijinaaya in wasiirada Arimaha Dibada Fowzia Xaaji Adan ay amar ku bixisay in sabab la'aan la badalo Safiirka Soomaaliya u fadhiya wadanka Hindiya (Amb. Abyan Salah Ladane), qunsulkii safaarada Soomaaliya ee wadanka Cumaan, iyo sidoo kale safiiro iyo qunsulo kasoo jeeda Puntland iyo Jubbaland.

 

Dhinaca kale, sidaan la socono xiligan Soomaaliya waxaa wax loogu qaybiyaa nidaamka 4.5, sidaasi darteed haddii la ruqsaynaayo safiiro ama qunsulo waa in lagu saleeyaa nidaam cadaalad iyo sharci ku salaysan isla markaasna aan lagu bartilmaamaysan dad kasoo jeeda beelo ama deegaamo gaar ah. Sidoo kale waxaa nasiib darro ah in halkii Fowzia Haji ay u doodi lahayd xaquuqda dumarka ay cadaalad darro kula dhaqanto qaar ka mid ah hablaha ugu dadaalka iyo wadaniyada wanaagsan Soomaaliya sida Ambassador Abyan Salah oo ah Safiirka Soomaaliya u fadhiya wadanka Hindiya isla markaasna uu dhalay mid ka mid ah halgamayaashii SYL.

 

Sidaasi darteed anigoo ku hadlaaya magaca jaaliyada haweenka Puntland ee wadanka UK waxaan cambaarayn kulul usoo jeedinayaa cadaalad darrada ka socota Wasaaradda Arimaha Dibada Soomaaliya iyo dulmiga ay wasiirada Arimaha Dibada Fowzia Xaaji Adan ku hayso safiirada iyo qunsulada kasoo jeeda Puntland iyo Jubbaland. Waxaan ka dalbanaynaa in maamulka Puntland uu arintan hadal cad kasoo saaro isla markaasna laga hortago dulmiga lagu hayo safiirada Soomaaliyeed sida Abyan Salah iyo qunsulada kale kuwaasoo aan haysan maamul ilaaliya xaquuqdooda iyo sharaftooda.

 

Ugu danbayntii waxaan jaaliyadaha iyo beelaha Soomaaliyeed ku dhiirigelaynaa inay isha ku hayaan waxyaalaha ka socda Wasaaraddda Arimaha Dibada Soomaaliya iyo cadaalad darrada lagu hayo safiirada iyo diblomaasiyiinta ka hawlgala safaaradaheena kala duwan.

 

Marwo Faiza Cartan Boos

Guddoomiyaha ururka haweenka Puntland ee UK

 

email: faiza_boos@live.co.uk




   
Xafladii xuska 18ka May ee Soomaaliland ee Holland oo ku soo dhamaatay dagaal iyo gacan ka hadal    20 May 2013
Qaar ka mid ah Deegaanada Soomaaliland oo 18ka May ku Sheegay maalinta nadaafada iyo qashin aruuriska!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    19 May 2013
Ururka sahal oo bayaan adag ka soo saaray caddaallad xumada iyo faragelinta qaawan ee Xasan Sheekh    19 May 2013
Dawwo:Haween Soomaali ah oo xabsiyo dheer dheer lagu xukumay dalka Maraykanka    18 May 2013
Maxkamada Magaalada Minneapolis ee Mareyknka oo xukun kala duwan ku riday dhalinyaro Soomaaliyeed!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    16 May 2013
BAYAAN URURKA SAHAL UK    15 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software